|

Hay’adda masiibooyinka Puntland oo ka digtay duufaano kusoo wajahan dhulka xeebaha Puntland.

Guddoomiye Ceyrow.

Garowe (Puntlandi) Guddoomiyaha hay’adda maaraynta masiibooyinka Puntland, (HADMA) Cabdulaahi Axmed Ceyrow, ayaa ka digay duufaano iyo Roobab iswata oo kusoo wajahan dhulka xeebaha Bari ee Puntland, kadib markii hay’adda saadayaashu ay soo bandhigeen.

Guddoomiyaha HADMA, ayaa sheegay in duufaanadaan ay waxyeelo ugeysan karto dadka ku dhaqan dhulka xeebaha Gardafu iyo qeybo katirsan gobolka Bari, waxaana uu sheegay inay kusoo wajahan yihiin maalmaha sabtida iyo Axada ee todobaadka soo socda.

Mr. Ceyrow ayaa ugu baaqay dadka ku nool xeebaha inay feejignaadaan loona dhowaan inta ay duufaanadu ka gudbayaan gobolka. Waxa kaloo uu baaq udiray dadka ku nool dhulka godan, kuwaas oo qatar ugu jira inuu daad soo rogmado, wuxuuna ugu baaqay inay ka baxaan.

Guddoomiyaha HADMA ayaa sidoo kale sheegay inay maamulada goboladaas u sheegeen inay xeebaha ka joojiyaan maraakiibta iyo Doonyaha ku safrida badda illaa iyo isniinta, si looga feejignaado inaan khasaare kasoo gaarin duufaanada kusoo wajahan gobolka.

Puntlandi.com

 

 

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login