|

(Dhegayso)+ Sawirro:- Maalinta Dhimirka Aduunka oo Bosaaso laga xusay iyo Puntlandi.com oo u kuurgalay xaalada dadka Dhimirka qaba

Soomaaliya waxa ay  kamid tahay dalalka ugu badan ee dadkoodu uu haleelay xanuuka Dhimirka ,waxaana Daraasad ay sameeyeen hay,ado caalami ah  lagu sheegay  in dadka Soomaaliyeed 3dii qof ba uu qabo xanuunka  ama u lanol yahay  .

Magaalada Bosaaso oo kamid ah magaalooyinka ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee dhimirka qaba  waxaana ku taala xarunta ugu wayn Puntland ee dadka lagu xanaaneeyo  , gacantana uu ku hayo Suldaan Geel Xoor .

Cismaan Cali Xasan Waa maamuklaha xarunta Dhimirka ee Bosaaso,  waxa uu Puntlandi.com usheegay in xaruntan lagu dabiibay dad faraban qaar koodna ay Caafimaadeen .

Suldaan maxamed Muuse Maxamuud Geel Xoor oo ah Aasaa saha xaruntan  ayaa ka warbixinaya xiligii  la aas Aasa iyo marxaladihii kala duwanaa oo ay soo martay  .

Xarunta ayaa waxaa mudo ku siman 15 sano  taageero siinaysay Hay,ada Qoryoolay  taas oo ay maamulka xarunta uga mahad celiyeen sida ay markasta ugarab taagan yihiin .

      Warbixinta Puntlandi.com Bosaaso

Dhegayso.

 

Sawirro.

 

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

You must be logged in to post a comment Login