|

Dr.Maxamad Salaad Cali Qoryoolay Oo Ka Hadlay Dilkii Loo Geystay Marxuum Xaamud Wardheere

Musharax Maxamad Salaad Qoryooley ayaa ka hadlay dil loogu geystay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland-Soomaalliya wiil dhalinyaro ah, kaasi oo lagu magacaabayey Xaamud Wardheere 8-dii bishan October ee sanadkan 2018

Maruum Xamud Wardheere ayaa ka mid ahaa dhalinyarada Haldoorka ah ee magaalada Gaalkacyo

…Waa nasiib darro in la beegsado dhalinyarada hal doorka ah, kuwaasi oo ah xoogga dadka iyo dalka, waa in xukuumadda ay wax ka qabataa dhibaatada lagu hayo dhalinyarada ayuu yiri Musharax Dr.Qoryooley.

Musharax Dr.Qoryoolay ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyey geerida Allah u naxariistee marxuun Xaamud Wardheeere.

Dr. Maxamad Salaad Cali Qoryooley oo ku hadlayey afka Musharaxiinta Puntland ayaa waxaa uga tacsiyeeyey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Shacab weynaha Puntland iyo eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuum xaamud Wardheere.

Musharax Dr.Qoryoolay oo hadalkiisa wata ayaa yiri waa wax laga xumaado Puntland oo jirta 20 sano in dadkeeda ay u geeriyoodaan qalab caafimaad la’aan dartiisa, waxa uuna Musharaxa ballan qaaday in arrintaasi uu wax ka qaban doono, isla markaana sheegay in aysan markale soo noqon doonin.

Dilka Xaamud ma ahayn kii ugu horeeyayee ka dhaca Puntland waxaa ka horeeyay dilal badan oo loo geystay dhalinyarada iyo haldoor oo uu ugu danbeeyay weriye ka hawlgali jiray Idaacad ku taal Gaalkacayo oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Saacid

Tan iyo markii la asaasay Puntland waxaa shacabka adeegyo caafimaad u aadaan magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho, taasina ma ahan mid la aqbali karo, waa in dalka laga hir geliyaa xarumo caafimaad oo dadka ay ka heli karaan adeegyo caafimaad oo dhammeystiran ayuu markale yiri Dr.Qoryooley

Ugu danbayn Dr. Qoryooley ayaa marxuumka Allah uga baryey inuu u naxariisto, denbigiisana dhaafo, su’aasha qabrigana Allah sulansiiyo, samir iyo iimaanna uu kasiiyo eheladiisa iyo guud ahaan shacabka Puntland.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta Musharax Dr.Qoryooley.

 

You must be logged in to post a comment Login