|

Bangiga Amal Oo Tababar U Qabtay Sariflayaasha Lacagaha Qalaad Ee Magaalada Bosaso

Tababarkaan ayaa loo qabtay Sarifley-da lacagaha qalaad ee Magaalada Bosaso. Tababarkaan ayaa ujeedadiisu aheyd kor u qaadida xirfadda ganacsi ee sariflayaasha, waxaana ka soo qeyb galay 45 ganacsato sariflay ah.

Tabarkaan oo qabsoomay 4tii bisha 10-aad ee 2018-ka ayaa waxa lagu tababaray ka soo qeyb-galayaasha mowduucyada kala ah ;

Hal-abuurka fursadaha ganacsiga iyo u toog-heynta khataraha ganacsi.
Maamulka ganacsiga iyo horumarintiisa
Bangiyada Islaam-ka iyo Adeeg-yada ay qabtaan.
Furitaankii tababarka ayaa waxaa ugu horeyntii furey Madaxa suuq-geynta Bangiga Amal ee Gobolka Bari iyo Sanaag Muuse Siciid Xasan; isagoo si faahfaasan uga hadlay ujeedooyinka tababarka iyo muhiimadda uu u leeyhay tababarta-yaasha iyo guud ahaanba bulshada

Tababarta-yaasha ayaa dhankooda boogaadiyey tababarka ugana mahad celiyey Bangigaga Amal, kana codsaday bangiga in uu soo celiyo tababarada noocaan ah.

Ugu dambeyntii waxaa soo xiray xafladda Madaxa horumarinta ganacsiga Bangiga Amal ee Gobolka Bari iyo Sanaag Jaamac Ciise Maxamud oo si faahfaahsan ugu hadlay tababarka iyo in Bangiga Amal ujeedooyinkiisa ay ka mid tahay in bulshada horumarkiida uu qeyb ka qaato, diyaarna u yahay inuu markasta garab istaago ganacsiga.

You must be logged in to post a comment Login