|

(VIDEO) Mid kamid ah salaadiinta dhaqanka Puntland oo ku baaqay in la tixgaliyo beelaha ka maqan xubinimada golaha barlamaanka.

Qaar kamid ah Isimada dhaqanka ee Puntland ayaa ku baaqay in lafuro Darstuurka Puntland lana kordhiyo tirada Xildhibanada ee 66ka ah.

Suldaan Siciid Guuleed oo kamid ah isimadda dhaqanka ee Puntland ayaa ku baaqay in la furo dastuurka Puntland isla markaasna la kordhiyo tirada xildhibaanada Baarlamaanka ,maadaama ay ka maqan yihiin kuraasta Beelo badan oo dagan degaanada Puntland.

Suldaanka ayaa sheegay in ay jiraan dad badan oo xaq uleh Baarlamaanka Puntland tan iyo markii la Aas aasay Puntland 1998 kii.

 

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Puntland ayaa dhawaan gudoomiyaha Baarlamaanka ugudbiyay soo jeedin ah in lafuro Dastuurka Puntland , oo tirada Xildhibaanada la kordhiyo .

 

You must be logged in to post a comment Login