|

Afar kamid ah ciidanka Burundi oo la qabtay iyagoo ku biiri rabay Alshabab.

4 kamid ah ciidanka Burundi ayaa taladaadii lagu xiray halka lagu magacaabo Merle oo agagaarka magaalada Isiolo ee dalka Kenya, kadib markii loo shakiyay inay ku biiri lahaayeen Alshabab.

Booliska ayaa sheegay raggaan inay ka yimaadeen magaalada Bujunbura ee dalka Burundi, waxayna sheegeen inay dalxiis u tageen Kenya.

Waxay kadib sii wateen safarkoodii iyagoo doonayay inay isaga gudbaan Isiolo, Mandhera, kadibna ay u tilaabaan xadka Soomaaliya.

Waxaa lagu qabtay meel wado ah afartii habeenimo ee talaadadii shalay, waxaana lagu eedeeyay inay doonayeen inay ku biiraan kooxda argigixisada ee Alshabab.

Raggaan la xiray waxaa lagu kala magacaabaa, Ntakarutimana Benerd, oo 41 jir ah, Niyongere Yusuf, oo 32 jir ah, Nshimirimana Fulgnce Shadady, oo 31 jir ah iyo Bizoza Abderauf, oo 20 jir ah.

Booliska ku lugt lahaa howlgalkaan ayaa sheegay inay hayaan macluumaad muujiya ujeeddada raggaan iyo in qaar ka mid ah ay qirteen si isku mid ah.

Waxaa loo qaaday xabsi si baaritaan loogu sameeyo. Bishii June bartamaheedii shan Kenyan ah ayaa lagu qabtay isla aagaas xilli ay ku wajahnaayeen Soomaaliya si ay Alshabab ugu biiraan.

Arrintaan ayaa kusoo aadaysa kadib markii ay soo baxeen warbixino sheegaya in tirro Kenyan ah oo u tagay Soomaaliya inay ka bar bar dagaaalamaan Alshabab, ay hadda doonayaan inay dib usoo laabtaan.

Puntlamdi.com

You must be logged in to post a comment Login