Afhayeenka Isimmada Puntland oo tacsi u direy Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Qoomiyada Digil iyo Mirifle
Garowe(Pi) Afhayeenka Isimada Puntland Garaad Cabdullahi Cali Ciid ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Malaaqa malaaqyada Qoomiyada Digil iyo Mirifle Malaaq Mukhtaar Malaaq Xasan oo maanta ku geeriyoodey gurigiisa oo ku yaal Magaalada Baydhabo.
Afhayeenka oo ku hadlaya Magaca Isimmada Puntland ayaa tacsi udirey Malaaqyada Digil iyo Mirifle, wuxuu sidoo kale tacsi u direy Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Digil iyo Mirifle geerida ku timid Malaaqa.
Malaaq Mukhtaar Malaaq Xasan oo 114 jir ku geeriyoodey waxaa lagu aasey Qabuuraha Maaya Fuulka ee Magaalada Baydhabo.
Afhayeenka Isimada Puntland wuxuu Marxuumka Illaahay uga baryayaa jano waarta iyo dambi dhaaf, shacabkana samir iyo imaan.
AAAAAMIIIN.


