|

Agaasimaha hay’adda sirdoonka Puntland oo bixiyay maclumaad ku saabsan duqayntii Maraykanku la beegsaday Daacish.

Agaasimaha hay’adda sirdoonka Puntland (PIA), Cabdirisaaq Ciise Xuseen (Khaatumo) ayaa wakaalada wararka Reuters u sheegay in duqayntii dhowaan uu Marayanku ka fuliyay buuraleyda gobolka Bari lagu dilay 20 kamid ah maleyshiyada Daacish oo ay ku jiraan sarkaal u dhashay dalka Suudaan iyo labo Carab ah.

Sarkaalka u dhashay Suudaan ee lagu dilay weerarka duqaynta, ayaa si aad ah waxaa u baadi goobaysay dowladda Maraykanka oo horey cuno qabatayn ugusoo rogtay, waxaana warbixinta lagu sheegay inuu door fir fircoon ku lahaa isku xirka Daacishta Puntland iyo kuwa dibeda ee ku kala sugan Yemen, Syria iyo Iraq.

Dhinaca kale, warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay inay sii kordhayso tirada dagaalamayaasha maleyshiyada Daacish ee Puntland, waxayna warbixintu sheegaty inay gaareen ugu yaraan 200 oo mintidiin ah.

Ujeedada ugu weyn ee ka dambeysa kororka Daacish ayaa la sheegay inay la xiriirto jabka kooxdaan kasoo gaaray dagaalada Iraq iyo Syria lagula galay, iyagoona doonaya inay ka badbaadaan weerarada Maraykanka ayna amni ku helaan buuraha hoostooda.

Warbixinta Qaramada Midoobay waxaa lagu sheegay in horjoogaha kooxdaan, Cabdiqaadir Muumin uu si toos ah dhaqaalaha iyo amarada uga qaato dalalka Syria iyo Iraq, isago isticmaalaya qalabka isgaarsiineed oo magacisia lagu sheegay TrueCrypt software.

Shaki la’aan, waxay Qaramada Midoobay sheegtay haddii aanan loo toog hayn kororka Daacish inay xasilooni darro ku keeni karto xasiloonida Puntland.

Written by Abdiweli Mohamed Sheikh

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login