|

Akhriso Siyaasi C/raxman C/shakuur : – “Waxaan halkan ka caddeynayaa inaan aaminsanahay in dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u siman yihiin gayiga Soomaaliyeed, mana aaminsani inuu jiro reer gooni u leh caasimadda Muqdisho ama ama magaalooyinka kale ” .


Siyaasi Cabdiraxman Cabdishakur

Waxaan halkan ka caddeynayaa inaan aaminsanahay in dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u siman yihiin gayiga Soomaaliyeed, mana aaminsani inuu jiro reer gooni u leh caasimadda Muqdisho ama ama magaalooyinka kale.

Waxaan hubaa in taariikhda halgankayga, fikirkayga siyaasadeed iyo saaxiibbada aan ku leeyahay shacabka Soomaaliyeed ay daliil u tahay waxaan ka aaminsanahay wadaniyadda, wadajirka iyo sinnaanta dadka soomaaliyeed.

Hadalka la soo barjaray waa mid si ula kac ah la isugu soo aadiyey, loona fasiray, si sumcaddeyda loo dhantaalo. Waxaana ka dambeeya kooxdii duullaanka bahalnimada ah kusoo qaaday gurigeyga, kuna laayay 6 qof, anigana i afduubay.

Beeni raad ma leh !

You must be logged in to post a comment Login