|

Akhriso Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Puntland

Wasaaradda amniga dawlada Puntland iyo Hay’adaha ka caawiya dawlada amniga, ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

shirka ayaa ah bile, waxaana ujeedada laga lahaa shirka uu ahaa tayaynta Booliska iyo sidii la isaga kaashan lahaa amniga.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda amniga Puntland Saleebaan Xaaji Cabdulle oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in Hay’da UNDP ay gacan ka gaysatay qalabaynta ciidanka, gaar ahaana agabta Isgaarsiinta, wuxuuna xusay in qalabka qaybtii ugu horaysay ay taalo, isla markaana ay dhowaan tababaro bilaabi doonaan.

Wasiirka Qorshaynta Puntland Oo La Dhaariyay.

Madaxweyne ku xigeenka dawlada Puntland Injineer Cabdi Xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar, ayaa ka qayb galay Munaasabad lagu dhaariyay Wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka caalamiga  ah ee Puntland Shire Xaaji Faarax oo mar kale xilkan loo magacaabay.

Waxaa Wasiirka dhaariyay Garsoore ka socday Maxkamada Sare ee Puntland, waxaana loo rajeeyay inuu guto waajibaadkiisa shaqo.

Wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka caalamiga  ah ee Puntland Shire Xaaji Faarax, ayaa qayb ka ahaa Xukuumadii uu dhowaan magacaabay Madaxweyne Gaas.

www.puntlandi.com.

Comments are closed