|

Al-shabaab oo dilay mid kamid ah hoggaamiyaashooda.

Ururka Al-shabaab ayaa ka takhalusay mid kamid ah hoggaamiyaashooda oo u dhashay dalka Kenya,kadib markii uu diiday awaamiir ka soo baxday madaxda sare ee ururka,sida ay sheegeen ilo-wareediyo lagu kalsoon yahay.

Wargeeska Daily Nation oo warbixin ka qoray dilka sarkaal kaan ayaa ku warramay in sababta loo khaarajiyey Mustafe Xassan Maxaxmmed ay ahayd,sisagoo ka soo hor jeestay in la weeraro dalka Kenya.

Mustaf ayaa la sheegay in la dilay todobaadkii hore ,waxaana ka takhalusay ilaaladiisa gaarka ah,sida ay xaqiijinayaan wararka la helayo.

Mustafe aya hore u ahaa arday wax ka dhigta Isiolo Boys High School,wuxuuna waxbarashada ka haray oo al-shabaab ku biiray sannadkii 2015.

You must be logged in to post a comment Login