ARAGTI URURINTA VOA-DU KA SAMAYSAY DASTUURKA MAKU FADHIDAA CILMI?
Ugu horrayntii haddaan iskiin baro, si aad cilmi ahaan ugu qaadataan waxa aan rabo inaan ka hadlo; Anigu waxaan B.Sc ka qaatay mac-had Polytechnic ah, waxaanan ku takhasusay Telecommunication (Major), Electronic (Minor). Waxaan M.Sc ka qaatay Aston University (UK) oo iyaduna ah Technical University, waxaana ku takhasusay Telecommunication Technologies (Major), software (Minor). Hadda waxaan Software Designer ka ahay (from 2007) General Electric (www.ge.com), qaybteeda Healthcare Technology.
Waxaan arinkaas idiinku sheegayaa in dadka jaamacadaha technicada ah kasoo baxaa ay yihiin dadka ugu haboon oo aadka ugu xeeldheer marka laga hadlayo how to present/evaluate something. Iyo marka la rabo in la qiimeeyo in waxa lasoo bandigay ay yihiin wax professional ah oo dad la hor-gayn karo.
VOA maxaa ka qaldan?
- Waxay sheegeen inay 3000 oo qof su-aalo waydiiyeen la xiriira dastuurka cusub.
- Waxay sheegeen in 87% ay doonayaa shareecada Islaamka.
- Waxay sheegeen in 83% ay doonayaan dawlad dhexe oo xoog leh. Taas macneheedu yahay inaysan federalism aysan doonayn.
- Waxay sheegeen in 78% ay dadtuurka cusub taageersanyihiin.
Hadda bal u fiirso qodobka 1:aad, 87% waxay rabaan shareecada, qodobka 3:aad, 83% ma doonayaan faderaal ee waxay rabaan dawlad dhexe. Laakiin qodobka 4:aad 100% dadku waxay taageersan yihiin dastuurkan cusub. Waa wax la yaab leh, maxaa yeelay dastuurka waxaa ku qoran federal iyo inaan shareecadu boos saas u weyn ku lahayn. See qofkii rabay dawlad dhexe iyo shareeco ay haddana dastuurka u taageeri karaan 100%. Waxaasi wax cilmi ku dhisan maahan.
Ugu horrayn waxay ahayd inaad aragtida ka qaadaan idinkoo ku salaynaya siyaasadda somaalida ee maanta. Waa cadahay oo soomaaliya xaaladda ay hadda ku jirto waa qaybsantahay, waxayna u qaybsan tahay 4 beelood iyo bar siday wax ku qaybsadeen. Adigu marka haddaad rabto inaad waxuun dhex-dhexaad iska dhigto waa inaad tooda u raacdaa, xitaa haddii aanad aaminsanayn, haddii kale qolo ayaanba dheg u dhigayn hawshaas aad ku xiiqday oo laga yaabo in kharash badani kaaga baxay, oo waxay oranayaan “war saddexda kunba waa reer muqdisho.”
Waxaadse hawshaadu guulaysan lahayd, markaad 4.5:ta beelood aad aragtidooda soo bandhigtid.
Aniga waxay ilatahay daraasaddiinnu waxay sax noqon lahayd ama xoogaa caddaladda u dhawaan lahayd markaad sidan u dhigtaan (tusaale).
Waxaan la xariirnay oo aragti ka qaadnay dad soomaaliyeed oo magaalooyin kala duwan jooga, waxaanuna waydiinnay su-aalahan:
Su-aal: Ma federalism ayaan rabtaa mise dawlad dhexe?
Tirada dadka aragtidooda la waydiiyey goob kasta iyo jawaabtoodii:
Tirada dadka: 3000
| Muqdish | Bay | Puntland | Somaliland | Other |
| X% | Y% | Z% | A% | B% |
Su-aal: Ma shareeca Islaamiyaa rabtaa mise sharci Islaam oo iska ladifaniyo mid madani ah?
Tirada dadka: 3000
| Muqdish | Bay | Puntland | Somaliland | Other |
| X% | Y% | Z% | A% | B% |
By A. M. Ali
Senior Engineer


