abaaraha
|

Askar ka tirsan Ciidamadda Soomaaliya oo Dhac iyo Boob Muqdisho ugu gaystay Dad Shacab ah.

Saddex Askri oo ka tirsan Ciidamadda Dowladda Federalka Soomaaliya oo dhac iyo Boob u ugaystay Dad Shacab ah,ayaa gacanta lagu so dhigay,iyagoo ku sugan Halka dhaca ka gaysteen.

Askartan oo lagu kala Magacaabo Daahir Maxamed Axmed,Maxamed Xasan Cali,Abshir Axmed Xasan ayaa lo taxaabay Xabsiga sida uu warbaahinta u sheegay , C/fitaax Cumar Xalane, Afhayeenka Gobalk Banaadir.

Eedaysanayaashan Askarta ah ayaa sheegay in dhowrkii bilood ee la so dhaafay aysan qaadan Wax Mushaarah,taasina ay keenayso in ay ku dhacaan falkan ay wax ugu dhimayaan Shacabkii ay Ciidamadda u ahaayen.

Sidoo kale,Qaar ka mid Saraakiishii hore Ciidamadda Soomaaliya ayaa Dowlada Hadda jirta ku eedeynaysa Mushaar la,aanta Haysata Ciiidamadda Xooga dalka Soomaaliya,waxayna ka digeen Khatarta Arintaasi ay keeni karto

Ugu Danbayn,Arintan ayaa imaanaysa Xili la qorshaynaya in soomaaliya ay yeelato Ciidamo isku dhaf ah oo Sugidda Amniga kala wareegan Ciidamadda Midow-ga Africa Ee Nabad sugida u jooga Soomaaliya.

 

 

Comments are closed