|

Asli Ciise Abshir Oo Qardho Ku Shaacisay Inay u tartamayso Aqalka Hoose Ee Baarlamaanka Soomaaliya

Asli Ciise Abshir ayaa magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar kaga dhawaaqday inay u sharaxan tahay Aqalka hoose ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, xilli Dawlada Puntland ay Qoondo wannaagsan u qorshaysay haweenla.

Asli ayaa sheegtay in ay jagadan ka soo bixi karto ka dib markii ay aragtay Aqoonta iyo shuruudaha Looga Baahan Yahay inay tahay qof buuxin karta aqoonteeda iyo Kartideedana Leh Gabadhan musharadaha ah ayaa Sheegtay in ay tahay Gabar Aqoonyahanad ah haysatana Shahaadada Loo yaqaan (DAUL MASTER ) kana soo shaqeeysay Arrimaha Bulshada iyo Hay’ado kala Duwan Asli ayaa ah gabar dhalinyarro ah oo kasoo bixi karta lana Jaanqaadi karta Arrimaha Siyaasada ee ka jira Dalka Soomaaliya.

Asli waxay sheegtay in ay rajeynayso in la dhawro Qoondada Haweenka ee golayaasha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, sidaas oo kalena ay wax badan qaban doonto haddii ay ku guuleysto xilkan Xildhibaanimo.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka;-

www.puntlandi.com.

Comments are closed