abaaraha
“Author Archive”
Stories written by admin1

(Sawiro) Wasaaradda Deegaanka Puntland oo dhisme Cusub ka bilowday Boosaaso

Dhismahan Cusub ee laga hirgalin doono xarunta Wasaaradda Deegaanku ku leedahay Boosaaso ee ayaa la sheegay in loo adeegsan doono qaybta maamulka wasaarada si loo dardar galiyo hawlaha Wasaaraddu ka hayso gobolka Bari Duqa degmada Boosaso, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Bari iyo Maamulaha Degamda Boosaso ee Wasaaradda deeganka, ayaa si wada jir ah u dhax […]

July 12th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Hay’ada Shaqalaha rayidka ah Puntland oo qaaday waraysi shaqo ee Madax qaybeedka Xisaabaadka

Hay’ada shaqalaha rayidka ah ee Dowladda Puntland (Puntland Civil Service Commission) oo qaaday waraysi shaqo (Job Interview) ee MadaxqaybeedyadaXisaabadka(Finance Unit Heads)) ee Hay’adaha iyo Wasaaradaha qaybta ka ah mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista uu Bangiga Aduunku maal galinayo,waxaana xiririnaya Mashruuca Guddiga isku dubaridka iyo dabagalka (Project Coordination Unit-PCU) ee xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland. Dadka laga […]

July 12th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Jadwalkii Doorashadda Soomaaliya ee lagu balamay oo aan wali la fulin iyo Dib u dhac Muuqda

Jadwalkii Doorshadda Soomaaliya ee ay ku balameen Madaxda Soomaaliya shirki Baydhabo ayaan illaa iyo hadda la fulin, waxaana la filayay in dhamaadkii bishii tagtay iyo bilowga bishan la qaban lahaa shaqooyin muhiima oo ku xusan Jadwalka, hasa yeeshe arrintas ayaan illaa iyo hadda hirgalin. Wixii ka dambeeyay shirki Baydhabo waxaa la qabtay oo kaliya Dib-u-habayn […]

July 12th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Daawo Video:-Boqor Burhaan Boqor Muuse Oo Ka Qayb galay Aaska Deegaanka Balicad Loogu Sameeyay Garaad Abshir Saalax Maxamed

Aas heer sare ah ayaa deegaanka Balicad loogu sameeyay EEBE ha u Naxariistee Garaad Abshir Saalax Maxamed oo ka mid ahaa Isimada Miisaanka wayn ku lahaa Soomaaliya, kaas oo dhowaan ku geeriyoday dalka Sweden. Isimada ka qayb galay Aaska ayaa waxaa ka mid ahaa Boqor Burhaan Boqor Muuse, oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuumka EEBE ha […]

July 12th, 2016 | Posted in .warka,Video | Read More »

Daawo Sawirada Xulka Kubada Cagta Puntland Oo Isu Diyaariyay Koobka Kooxaha Soomaliya

Xulka Kubadda Cagta Puntland ayaa si wayn isugu diyariyay Koobka Kooxaha Kubada Cagta Soomaaliya, kaasi oo maalmaha soo socda ka furmi doona magaalada Muqdisho. Koobka ayaa waxaa ku tartamo doona kohaxa Kubada Cagta ee dawladaha Xubnaha ka ah Federalka, waxaana marti galinaysa magaalada Muqdisho. Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland ayaa Kooxda Kubada Cagta ee Puntland […]

July 12th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Oo Booqday deegaan uu Dab ka kacay, baaqna u diray Dawlada

Guddomiyaha Gobolka Sanaag ayaa booqasho ku tagay deegaanka Ceel-la-helay oo dab qabsaday, wuxuuna saamayn ku yeeshay dabku qoysaska daganaa Guryaha ku yaalay deegaanka. ”Bulshada degan deeganka waxay ii sheegeen in bakhaarkii Raashinka iyo lacagta ay dadka tuuladu dhigan jireen uu dabku baani’iyey , haddana ay raashin la’aan iyo sahay la’aan yihiin, halka Guryaha gubtey ay […]

July 12th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Boqor Burhaan Boqor Muuse Oo Gaaray Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool

Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo Isimo uu hogaaminayo, ayaa Xalay gaaray magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, halkaas oo uu kaga qayb galayo Aaska maalinta bari deegaanka Balicad loogu samayn doono EEBE ha u Naxariistee Garaad Abshir Saalax Maxamed. Isimo, Waxgarad iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa Boqorka beelaha Daarood kuso dhoweeyay magaalada Laascaanood ee Gobolka […]

July 11th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Ururka Shabaab Oo La Wareegay Magaalada Marka oo 100-KM u jirta Muqdisho

Ururka Al-Shabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Marka ee Gobolka Shabeelada Hoose ka dib markii ay isaga baxeen ciidamada ku magacownaa Ciidanka Dawlada Federaalka Soomaaliya. Ciidamada ka baxay Marka ayaa timi ka dib markii Kooxda A-Shabaab ay Weerar culus ku qaadeen Xerada Lanta Buuro ee cidanka dawlada. Magaalada Marka ayaa 100-KM u jirta […]

July 11th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Maamulka Gobolka Sanaag Oo Digniin u diray Soomaaliland, Maxay tahay Digniintu?

Maamulka Gobolka Sanaag ayaa Soomaaliland uga digay faragalinta ay ka wadaan Gobolka Sanaag, ka dib markii Soomaaliland ay ciidamo badan keentay Gobolka Sanaag, gaar ahaan degmada Ceerigaabo si ay Sanaag uga hirgaliyaan Doorashadda Soomaaliland. Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ciyoon oo la hadlay Warsidaha Puntlandi, ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan ciidanka Soomaaliland ay kuso […]

July 11th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Wasiirka amniga Puntland Muxuu ka yiri amniga Gaalkacyo?

Wasiirka Wasaaradda amniga Dawlada Puntland Mudane Cabdi Xirsi Cali Qarjab, ayaa dadweynaha ku dhaqan magaalada Galkacyo ugu baaqay inay Hay’adaha amniga kala shaqeeyan arrimaha amaanka, wuxuu sheegay in dawlada Puntland ay ka go’an tahay illaalinta amaanka shacabkeeda. Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in dadka gaystay falalka amaanka lidiga ku ah aysan ahayn dad kaso […]

July 11th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Guddoomiyaha Degmada Qardho oo dhlinyarada reer Puntland ee Waxkabarta Uganda Dhiirigeliyay

Maamulka degmada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar ayaa Ardayda wax-ka-barta dalka Uganda ku dhiirigaliyay inay ka dhabeeyaan himilada ay ku doonayaan inay hormar kaga gaaran Waxbarashadooda, ka dib markii uu kulan kula qaatay Uganda. Cabdi Siciid Cismaan ayaa dhalinyarada uga digay Tahriibta oo dhibaato badan oo Geeri ay ka mid tahay ay kala kulmeen Soomalidu, […]

July 11th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Daawo Sawirada Boqorka Beelaha Daarood Oo Salaada Ciida Qardho Kula tukaday Dadweyne Badan

Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse, ayaa Salaada Ciidul Fidri Mubaarak kula tukaday dadweyne aad u badan magaalada Qadho ee xarunta Gobolka Karkaar. Goobta lagu tukaday Salaada Ciida ayaa waxaa sido kale goob joog ka ahaa Maamulka Gobolka Karkaar iyo Maamulka degmada Qardho. Burhaan Boqor Muuse ayaa dadweynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabada Ciida, wuxuuna […]

July 6th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Daawo Sawirada Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland Oo Dadweynaha Salaada Ciida Kula tukaday Garoonka Boosaaso

Maamulka Gobolka Bari, maamulka degmada Boosaaso iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland ayaa qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Boosaaso kula tukaday Salaada Ciida garoonka kubada cagta magalaada Boosaaso. Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays ”Dhedo” iyo Duqa degmada Boosaaso ayaa salaada ka dib si wada jir ah ugu hambalyeeyay dadweynaha Soomaaliyeed […]

July 6th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Daawo Sawirada Yamaniyiinta Ku Nool Qardho Oo Loo Qaybiyay Raashin

Mu’asasada Alminhaaj ayaa Qaxootiga u dhashay dalka Yaman ee ku nool Qardho u qaybisay Raashin  Sakaatul Fidri ah, waxaana ka faa’iidaystay qoysas badan oo ka mid ah qaxootiga. Magaalada Qardho ayaa ka mid ah magaalooyinka Puntland ee ay ku nool yihiin qaxootiga kaso cararay dagaalada Yaman, waxayna soo dhoweyn iyo marti galin ka heleen Gobolada […]

July 5th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Ciidanka Booliska Gobolka Karkaar Oo Duugay 20 Rugood oo Dhuxul Laga Shidayay

Laamaha amniga ee Gobolka Karkaar ayaa gacanta ku dhigay Kooxo gubayay dhirta oo waday xaaluf ka dhan ah deegaanka, waxaana arrintan gacan ka siiyay dhalinyarada iyo Odayaasha dhaqanka. Ciidanka ayaa duugay 20 Rugood oo laga shiday Dhuxul, waxaana ay arrintan daba joogtay hawlgalo kuwan dhigooda ah oo ciidanku ay horay u sameeyen. Gaashaanle Sare Axmed […]

July 5th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Boqor Burhaan iyo Afhayeenka Isimada Puntland Oo Ka tacsiyeeyay Geerida Garaad Abshir Garaad Saalax

July 3rd, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Afhayeenka Nabadsugida Jubbaland:’’Waa Dhamaaday Waqtigii La Mucaaradi Jiray Jubbaland”

Afhayeenka Nabadsugida Jubbaland Axmed Maxamuud Maxamed oo Saxaafadda kula hadlay magaalada Kismaayo ee Jubbaland, ayaa beeniyay Warar aan sal iyo raad lahayn oo ay baahiyeen Warbaahinta qaar, kuwaas oo sheegay in Jubbaland ay qabatay Koox ka tirsan Daacish ka dibna ay sii daysay. ‘’Shabaab iyo Daacish isku Xukun ayay noo saaran yihiin isku si ayaan […]

July 3rd, 2016 | Posted in .warka | Read More »

14-Sano Ka Dib, Muxuu Moorgan ku Arkay Puntland?

Siyaasiga caanka ah ee Soomaaliyeed Janaraal Maxamed Siciid Xirsi ‘’Moorgan’’, ayaa sheegay in Puntland ay gaartay hormar balaaran, wuxuu sheegay in Puntland ay ugu dambaysay sanadkii 2002-dii. Janaraal Moorgan ayaa ku booriyay dadweynaha reer Puntland inay ku dadaalan hormarinta amaanka iyo Midnimadooda. ‘’Reer Puntland haddii aad tihiin waajibku waa inaad ka shaqaysaan amnigiina iyo Midnimadiina […]

July 2nd, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Akhriso Shirka Golaha Xukuumadda Puntland Iyo Qodobada Looga Hadlay

Shirka Golaha Xukuumadda Puntland oo uu shir guddoomiyay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Injineer Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar ”Camay”, ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin amaanka, tayaynta shaqaalaha dalka iyo qodobo kale. Hoos Ka Daawo Warsaxaafadeedka;- www.puntlandi.com.

June 30th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Daawo Sawirada Duulimaadkii ugu horeeyay ee isku xiraya Puntland iyo Imaaraatka Carabta Oo Boosaaso Yimi

Shirkadda Air Shabelle ayaa noqotay Shirkadii ugu horaysay oo bilowday Duulimaad isku xiraya Puntland iyo dalka Isutaga Imaaraatka Carabta, waxaana ay meesha ka saaraysaa dhibaatadii dadka reer Puntland ay ku qabeen Safarka ay ku aadaan dalka Imaaraatka Carabta. Diyaarada ayaa imanaysa magaalada Boosaaso maalmaha Khamiista iyo Axada, waxaana arrintan si wayn uso dhoweeyay dadweynaha reer […]

June 30th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Daawo Sawirada Sida Madaxweyne Gaas Loogu Soo Dhoweeyay Gobolka Mudug

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo ka kooban labada gole ee dawladda ayaa maanta 30-Jun-2016 safar shaqo ugu amba baxay magaaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  iyo wafdigiisa ayaa intii ay jidka kusii  jireen waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalooyinka […]

June 30th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Guddoomiyaha Guddiga Doorashadda Puntland:’’Guddiga Kaliya Waxba Ma Qaban Karaan’’

Dhowaan ayay ahayd markii Guddiga Doorashooyinka KMG ah ee Puntland lagu Daahfuray magaalada Garowe, kaasi oo si rasmi ah u bilaabay hawlihiisa shaqo. Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland Axmed Maxamed Cali ‘’Kismaayo’’, ayaa sheegay in Guddigu uu si habsami leh u wado hawlihiisa shaqo. ‘’Waxaan bilownay innaan eegno shaqooyinka na horyaala iyo waxa ay yihiin, intaas […]

June 28th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

(Dhagayso) Maamulka Gobolada Dhexe Oo Ka Hadlay Hannaanka Loso Xulayo Xildhibaanada

Maamulka Gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa si wayn u dhaliilay hannaanka loso xulayo Xildhibaanada Soomaaliya, waxay sheegen in loo baahan yahay innan la iska indho tirin in Xildhibaanada Gobolada dhexe lagu soo xulo magaalada Dhuuso Mareeb. Waxay sheegen in arrintan ay gaarsiiyeen beesha caalamka, xilli Soomaaliya ay isu diyaarinayso Doorshadda 2016-ka oo Wadadeedii caga la […]

June 28th, 2016 | Posted in .warka,Wareysiyo | Read More »

Xildhibaan Ka tirsan Golaha Deegaanka Gaalkacyo Oo Lagu Dilay Xaafada Garsoor

Kooxo hubaysan ayaa goor dhaweyd ku diley magaalada Gaalkcayo EEBE ha u Naxariistee Xildhibaan  Siciid Xayle oo ka tirsanaa Golaha deegaanka degmada Gaalkacyo. Kooxaha Dilka gaystay oo buskoolado ku hubaysnaa ayaa goobta isaga baxsaday kadib markii ay Xildhibaanka dileen,waxaana laamaha Amaanka Magaaladda Gaalkacyo ay bilaaben baaritaano ay ku baarayaan kooxaha Dilka gaystay Tan iyo markii […]

June 26th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Liiska Odayaasha Dhaqanka ee Soo Xulaya Xildhibaanada Soomaaliya Oo Laso Saaray

Madaxda Soomaalida ee ku shiray magaalada Baydhabo, ayaa maanta soo saaray Liiska Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaanada Soomaaliya, kaasi oo qayb ka ahaa heshiiska ay gaareen. Liiska ayaa Madaxdu ay saxiixeen, waxaana Odayaasha ku jira Liiska ay noqonayaan kuwo soo xulaya Xildhibaanada Soomaaliya ee sanadka 2016-ka. Halkan Hoose Ka Akhriso Liiska Odayaasha;- www.puntlandi.com.  

June 25th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Jadwalka Waqtiga Doorashadda Soomaaliya Oo La Shaaciyay

Shirka kuso afmeermay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, ayaa Madaxdu ay kaso saareen Warmurtiyeed dhamystiran oo ku saabsan geedi socodka Doorashadda iyo Khariirada la raacayo. Halkan Hoose Ka Akhriso;- Qorshaha Hirgelinta iyo Jadwal Waqtiyeedka 24-ka June Dib u eegidda iyo dhamaystirka liiska 135ka odey dhaqameed ee hadda jira. Madasha Hogaanka Qaranka (MHQ) 24-ka June […]

June 25th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Shirkii Madasha Wadatashiga ee Baydhabo Oo Laso Afmeeray

Shirka Madasha Wadatashiga Doorashooyinka Soomaaliya ee ka socday magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, ayaa laso afmeeray maana oo Sabti. Madaxda ayaa soo saaraysaa Warmurtiyeed ku saabsan natiijada shirka, waxaana Saxaafadda looga yeeray goobta uu shirku ka dhacay. Shirka ayaa la filayaa inuu noqdo midkii ugu dambeeyay ee Madaxdu ay yeeshaan isla markaana ay kaso […]

June 25th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Dr. Cabdulqaadir Cabdi Xaashi Oo Loo Magacaabay Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya

June 24th, 2016 | Posted in .warka,Wareysiyo | Read More »

Xuska Qabanqaabada 26-ka Juun Oo Ka Socota Puntland

Qabanqaabo loogu diyaargaroobayo Xuska 26-ka Juun oo ku beegan 56-sno guuradii kaso wareegtay markii Gobolada Waqooyi ee dalka ay Xoriyada qaateen Guumaystihii Ingiriiska, ayaa ka socota Puntland. Dawlada Puntland ayaa sheegtay in Gobolada Puntland si wayn looga xusi doono maalmaha Xoriyada Soomaaliya, isla markaana dadweynaha ku boorisay inay u diyaargaroobaan. Gobolada Waqooyi ee dalka ayaa […]

June 24th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Maxaa Looga Hadlay Shirka Golaha Xukuumadda Puntland?

Shirka Khamiisla ah ee Golaha Xukuumadda Puntland ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin;- -Amaanka. -Xuska Maalmaha Xoriyada iyo Qodobo kale. Waxaa kulanka shir guddoominayay Madaxweyne ku xigeenka dawlada Puntland Injineer Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cuma Camay. Ka dib markii uu shirku soo afmeermay ayaa Dawladu ay soo saartay Warsaxaafadeed ku saabsan natiijada shirka, halkan […]

June 23rd, 2016 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Shirka Baydhabo oo Maalintii labaad Galay

June 23rd, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Daawo Sawiro Dheeri ah Oo Ku Saabsan Shirka Baydhabo Ka Furmay

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigii uu  hoggaaminayey  ayaa galabta 22-Jub-2016 magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay kaga qayb galay shirka Madasha wadatashiga qaran oo halkaasi galabta ka furmay. Shirka ayaa waxaa iyana kasoo qayb galay madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul-wasaaraha dawaladda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali, Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka […]

June 22nd, 2016 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Shirka Madaxda Soomaalida Oo Baydhabo Ka Furmay

Shirka Madaxda Soomaalida ayaa galabka galinkii dambe ka furmay magaalada Baydhabo ee xaruna Gobolka Bay, kaasi oo socon doona muddo dhan saddex bari. Shirka oo ay ka wada qayb galeen Madaxda Soomaalida, ayaa waxaa shir Guddoominaya Madaxda ugu saraysa Dawlada Federaalka Soomaaliya. Shirka ayaa waxaa diirada lagu saari doona arrimo ay ka mid yihiin;- -Dhismaha […]

June 22nd, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Daawo Video:-Magaalada Qardho Oo Samaysay Hormar dhinacyo badan

Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, ayaa hormar ka samaysay dhinacyada amniga, Waddooyinka, dhismayaasha, Ganacsiga iyo arrimo kale. Wariye Yaxye Nuur Muumin oo ka tirsan Puntland TV ayaa ka diyaariyay Barnaamijkan ee Daawsho wacan;- www.puntlandi.com.  

June 22nd, 2016 | Posted in .warka,Video | Read More »

17 Qodob Oo Looga hadli doono Kalfadhiga 37-aad ee Golaha Wakiilada Puntland marka uu dib u furmo

Kalfadhiga 37-aad Golaha Wakiilada Puntland, ayaa looga Doodi doona 17 Ajande ka dib marka uu dib u furmo Ramadaanka ka dib hadduu EEBE raali ka noqdo. Qodobada ugu waawayn ee diirada lagu saari doono Kalfadhiga ayaa waxaa qayb ka ah;- -Ansixinta wixii heshiis ah ee ay Xukuumaddu soo gudbiso. -La Xisaabanka Xukuumadda Punland. -dhulka ka […]

June 22nd, 2016 | Posted in .warka,Wareysiyo | Read More »

Daawo Video:-Baydhabo Oo U Diyaargarowday Marti galinta shirka Madasha

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa isu diyaariyay marti galinta shirka Madasha wadaashiga Doorashooyinka Soomaaliya, xilli Madaxda Soomaaliyeed ay maana ku qulqulayaan Baydhabo. Halkan Hoose Ka Daawo;- www.puntlandi.com.

June 22nd, 2016 | Posted in .warka,Video | Read More »

Madaxweynaha Jubbaland Oo Magacaabay la taliye Dhinaca amniga ah

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmed Islaam, ayaa la taliyahiisa dhinaca amniga u amniga u magacaabay Janaraal Cali Mahdi Cabdi Salaan,ka dib Digreeto kaso baxday xafiiska Madaxweynaha. Digreetada ayaa lagu sheegay inuu Madaxweynuhu si buuxda ugu kalsoon yahay aqoonta, karida iyo Xirfada la taliyaha cusub. Xilka loo magacaabay Sarkaalkan ayaa kuso beegmaya xilli Xukuumadda cusub ee Jubbaland […]

June 22nd, 2016 | Posted in .warka | Read More »

(Dhagayso) Dhakhaatiirta, Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Bulshada Oo Ka Digay tuugo Moobilada Wax Ku Dhaca Boosaaso

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa si wayn uga soo shaacbaxay magaalada Boosaaso tuugo si farsamaysan bulshada uga dhacayay lacago, iyagoo Adeegsanaya xeelado cusub oo ay ku qateen lacago badan. Kooxda tuugada ah oo aan illaa iyo hadda la aqoon halka ay ka joogaan magaalada Boosaaso,waxay wacaan qofka ay doonayaan inay lacago ka qaataan, iyaga oo u […]

June 21st, 2016 | Posted in .warka,Wareysiyo | Read More »

Maamulka Gobolka Karkaar, Maamulka degmada Qardho Iyo Laamaha amniga Oo Dib U Furay Dooxo Hal Qof U Xirnayd

Maamulka Gobolka Karkaar, maamulka degmada Qardho iyo Laamaha amniga ayaa ku guulaystay inay dib u furaan Dooxo la xirmaysay, taasi oo magaalada Qardho u jirta 30-KM. Ka dib markii Dooxada dib loo furay, ayaa waxaa isugu yimi reer Guuraa badan, kuwaas oo si wada jir ah uga faa’iidaystay. Guddoomiyaha degmada Qardho Cabdi Siciid Dheere ayaa […]

June 21st, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Maamulka Degmada Gaalkacyo Oo Fariin u diray dadweynaha

Duqa degmada Gaalkacyo Cabdicsiis Jaamac Nugaal, ayaa dadweynaha ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ugu baaqay inay la shaqeeyaan Laamaha amniga, wuxuu sheegay in Maamulku uu wado dadaal xooggan oo ay ku sugayaan amniga. ‘’Waxaan uso jeedinayaa shacabka inay amniga door ka qaataan illaaliniisa oo aysan ku halayn dawlada oo kaliya’’Ayuu yiri duqa […]

June 21st, 2016 | Posted in .warka,Wareysiyo | Read More »

(Sawiro) Xaggee Marayaa Dhismaha Internetka Carsiga ah ee Shirkadda Golis ay Hirgalinayso?

Shirkada Isgaarsiinta  Golis Telecom Somalia ayaa soo wada submarine fiber optic badda lasoo dhigayo, waxaana hada gacanta lagu hayaa dhismaha landing station-ka fiberka la dhigi lahaa oo ka socda dhul ku yaal xeebta Boosaaso. Dhanka kale, waxaa isna socda Mashruuca balaaran ee Fiber-ka dhulka lagu dhigayo wadada dheer ee isku xirta Boosaso illaa Gaalkacyo  kaas […]

June 18th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Hay’ada Bisha Cas ee Imaaraatka Carabta oo Raashin Qaybin iyo Afurin Ka Samaysay Magaalada Boosaaso

Hay’ada Bisha Cas ee Imaaraatka Carabta ayaa Afurin u samaysay dad dhan 300 oo qof, kuwaas oo ah qaar ka mid ah  Barakacayaasha ku nool magaalada Boosaaso ee xaruna Gobolka Bari. Sido kale, Hay’ada ayaa Raashin qaybin u samaysay qoysas ka badan 100, xilli lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan. Goobta Munaasabada Afurinta ah […]

June 17th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Daawo Siyaasi Cali Xaaji Warsame:’’Soomaaliya Waxay u Baahan tahay Dad ILLAHAY Yaqaan Oo Jeebkooda ka wayn’’.

Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta dhalinyarada ah ee Soomaalida, ayaa ka hadlay xaalada Puntland iyo Geedi socodka Siyaasadeed ee Soomaaliya, ka dib markii uu waraysi siiyay mid ka mid ah telefishanada Soomaalida. Cali Xaaji Warsame, ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu istaahilo in loo shaqeeyo, sidaa darteedna uu go’aansaday inuu ka […]

June 17th, 2016 | Posted in .warka,Video | Read More »

(Sawiro) Jabuuti Oo taag ugu Deeqday Dekeda magaalada Boosaaso

Dawlada Jabuuti ayaa Dekeda Boosaaso ugu deeqday taag, kaasi oo loogu tala galay inuu soo xiro Gaadiidka Badda ee imanaya Dekeda magaalada Boosaaso. Waxaa Dawlada Jabuuti ay taaga ku deeqday ka dib markii uu codsi uga yimi Wasaaradda Dekedaha,Gaadiidka badda iyo La-dagaalanka Burcadbadeeda. Waa taagii 2-aad ee Jabuuti ay ugu deeqdo Puntland, horay ayaa mid […]

June 17th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Daawo Sawirada Wafdi ka socda Puntland oo Kenya kulamo kula qaatay hay’adda tababarka Shaqaalaha dalka Kenya

Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa  waxaa gaaray wafdi kasocda dawladda Puntland oo uu hogaaminayey Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Dawladda Puntland, wafdigaas oo ka kooban Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, hay’adda shaqaalaha rayid ka ah, Jaamacadda PSU iyo xubno katirsan Madaxda guddiga mashruuca tayeynta shaqaalaysiinta ee xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland (PCU). Ujeedada […]

June 16th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Akhriso Qodobada Looga Hadlay Shirka Golaha Xukuumadda Punland

Shirka Khamiilaha ah ee Golaha Xukuumadda Puntland ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay ugu muhiimsan yihiin;-Amaanka, abaaraha, ka qayb galka shirarka dibada, Caymiska iyo qodobo kale. Markii uu shirku soo dhamaaday ayaa dawladu ay Warsaxaafadeed kaso saartay naiijada shirka. Nuqul ka mid ah Warsaxaafadeedka ayaa soo gaaray Warsidaha Punlandi, halkan hoose ka daalaco;- www.puntlandi.com.

June 16th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Wax Ka Badalay Qodobo Ka Mid ah Dastuurka Soomaaliya

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta wax ka badalay laba qodob oo ka mid ah Dastuurka Soomaaliya, ka dib kulan ay ku yesheen magaalada Muqdisho. Qodobada wax laga badalay ayaa ah qodobka 136-aad farqadiisa 6-aad iyo qodobka 60-aad oo ka mid ah qodobada Dastuurka Soomaaliya. Qodobka 60-aad ayaa qorayay in xilhaynta Baarlamaanka ay ahay Afar sano oo […]

June 15th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Maamulka Dekeda Kismaayo Oo Ka Hadlay Xoolo 26-sano Ka dib ka dhoofay Dekeda Kismaayo

Markii ugu horaysay ayaa 26-sano ka dib ay Xoolo nool ka dhoofeen Dekeda magaalada Kismaayo ee Jubbaland, taasi oo qayb ka ah hormarka ay ku talaabsatay Xukuumadda Jubbaland. Maareeyaha Dekeda Kismaayo Axmed Xaaji Aadan ayaa sheegay in Xoolaha ka dhoofay Dekeda Kismaayo oo ah Lo’ ay u dhoofeen dalka Masar, wuxuuna sheegay in arrintan ay […]

June 15th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

(Dhagayso) Waddooyin Laami ah iyo Buundooyin Laga Dhisayo Garowe

Magaalada Garowe ee Caasimada Dawlada Punland ayaa nasiib u yeelatay inay ka faa’iidysato dhismaha Waddooyinka Laami ah oo uu ku deeqay Bangiga Adduunka, kuwaas oo laga hirgalin doono magaalooyinka Garowe, Muqdisho iyo Hargeysa. Xoghayaha Dawlada hoose ee Garowe Cabdiqafaar Cabdiraxmaan Aadan oo la hadlay Saxaafadda, ayaa sheegay in dhismaha Mashaariicdu ay dhowaan bilaan doonaan, isla […]

June 15th, 2016 | Posted in .warka,Wareysiyo | Read More »

Gaafow Oo Loo Magacabay Taliyaha NISA, ka dib markii Tuuryare Xilka laga qaaday

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaday taliyihii nabadsugida Soomaaliya Cabdiraxmaan Axmed Tuur Yare, ka dib Digreeto kaso baxday xafiiskiisa. Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xilka taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka si KMG ah ugu magacaabay Cabdullaahi Gaafow Maxmuud oo ahaa taliyihii Laana Socdaaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya. Gaafow ayaa lagu tilmaama inuu yahay […]

June 14th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

Qardho:-Go’aamo Laga Soo saaray Hubka Sharci darada ah

Maamulka Gobolka Karkaar,maamulka degmada Qardho iyo taliyaha qybta Booliska Gobolka Karkaar, ayaa si wada jir ah uso saaray go’aamo kor loogu qaadayo amniga magaalada Qardho, xilli lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan. Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Dheere, ayaa sheegay inaysan Qardho ku arag Maqaayad Cuno lagu karinyay inta lagu guda jiray bisha barakaysan […]

June 14th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Tartan Kubada Cagta ah Oo Ka Bilowday Garoonka Puntland Fitness Center ee magaalada Boosaaso

Garoonka Kubadda Cagta ee Puntland Fitness Center, ayaa waxaa ka bilowday tartan Kubada cagta ah, kaasi oo loo qabtay Toban Kooxood, wuxuuna socon doona inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee  Ramadaan. Munaasabada lagu Daahfuray Koobka ayaa waxaa ka qayb galay Guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubada cagta Soomaaliya, Mas’uuliyiin ka socday xiriirka kubada cagta Puntland, […]

June 13th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro+Dhagayso) Maxaa Kaso Baxay Kulan Looga Hadlay Amniga Oo Ka Dhacay Magaalada Boosaaso?

Kulan looga hadlayay arrimaha amaanka ayaa maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xrunta Gobolka Bari, xilli lagu guda jiro tobanka hore ee bisha Ramadaan. Wasiirka Wasaaradda arrimaha amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo Saxaafadda la hadlay markii uu soo dhamaaday, ayaa sheegay in kulanka looga hadlay dardar galinta arrimaha amaanka. Cabdi Xiri Cali Qarjab […]

June 13th, 2016 | Posted in .warka,Wareysiyo | Read More »

Daawo Sawirada Naadiga Kubadda Cagta ee Comsed Oo Si Wayn Loogu Soo dhoweeyay Gaalkacyo

Naadiga Kubadda Cagta ee Comsed ayaa dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, ka dib markii ay ciyaaro saaxiibtinimo u aadeen Jubbaland. Milkiilaha Naadiga Dr. Cabdulqaadir Maxamuud Jaamac ‘’Dhegacade’’ iyo dadweyne kale ayaa Naadiga kuso dhoweeyay magaalada Gaalkacyo. Naadiga Kubada Cagta Comsed ayaa ka mid ah Naadiyada ciyaaraha ee ugu caansan Gobolada Puntland, […]

June 13th, 2016 | Posted in .warka | Read More »

(Dhagayso) Madaxweyne Ku Xigeenka Jubbaland:’’Jubbaland waa soo dhoweynaysaa Qaxootiga kaso noqonaya Dhadhaab’’

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxmuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Jubbaland ay soo dhoweynayso qaxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab ee la filayo inay dalka dib ugu soo noqdaan, wuxuu sheegay in dhulk Jubbaland ee Nabada ah ay kuso dhoweynayaan qaxootiga. Maxamuud Sayid oo la hadlay Idaacada BBC ayaa sheegay, marka laga tago dhulka amaanka ah ee […]

June 13th, 2016 | Posted in .warka,Wareysiyo | Read More »