abaaraha
“Author Archive”
Stories written by pi6

(Dhagayso) Madaxweyne Farmaajo:”Qofkii Doonaya Inuu Matalo Qabiil Waa Inuu Noqdaa Kaabo Qabiil”

Madaxweynaha dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in Golaha Wasiiradda cusub ee Soomaaliya aysan matalin Qabiil, oo ay matalaan Ummadda Soomaaliyeed. Hadalkan ayuu ka sheegay xilli uu la hadlayay kulan uu la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya. ”Wasiiradda waan la hadlay waana u sheegay inaysan Qabiil matalin, qofkii doonaya inuu […]

March 26th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) 300 Oo Qoys Oo Deeq La Gaarsiiyay Gobolka Sanaag

Gobolka Sanaag wuxuu ka mid yahay gobolada Puntland ee Abaarta aadka u xooggan ay ka jirto, taas oo galaafatay nolosha Xoolo badan, halka ay dadkiina ay qarka u saaran yihiin dhimasho. Iyadoo ay arrintaas ay jirto ayaa, Hay’adda Zam-zam Foundation ayaa 300 qoys oo ka mid ah reer guuraaga abaartu saamaysay raashin ugu qaybisey degaanka […]

March 26th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweynaha Jubbaland Iyo Guddoomiyaha Golaha Amaanka iyo Nabadgalyada Midowga Afrika?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa  Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay wafdi balaadhan oo uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Amaanka iyo Nabadgalyada Midowga Africa Ndumiso Ntshinga. Dhamaan Safiirada shan iyo Tobanka wadan ee xubnaha ka ah Golaha Amaanka iyo Nabadgalyada Midowga Africa ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad […]

March 26th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Daawo Sawirada Dhismaha Jaamacadda Maakhir Oo Laso Afmeeray

Wajiga 1-aad ee Mashruuca lagu dhisayay Jaamacadda Maakhir ayaa laso afmeeray, taas oo loo dhisay si heer sare ah. Jaamacadda ayaa dhismaheedu uu muddo sanado ah si habsami leh uga socday degmada Baran ee Gobolka Sanaag. Dhowaan ayaa la filayaa in loo qabto Munaasabad balaaran oo lagu Daahfurayo Jaamacadda. Sawirada Halkan Hoos Ka Daawo; www.puntlandi.com.

March 23rd, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Dawlada Puntland Oo Marti gelisay Shir Looga Hadlay Suuqgeynta,Tayaynta yo Hormarinta Xoolaha Soomaaliya

Dawlada Puntland ayaa marti gelisay shir looga hadlay Xoolaha Soomaaliya, kaas oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Shirka ayaa waxaa ka qayb galay dawladaha Xubnaha ka ah Dawlada Federaalka Soomaaliya, Maamulka  Maxjarada Puntland, Xubno ka socday Maxjarka Jasiira ee Muqdisho, Ganacsato, Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Soomaaliya iyo marti sharaf kale. […]

March 23rd, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Kulan- sanadeedkii Guud Ee Bahda Jaamacadda Bariga Afrika Oo Ka Dhacay Magaalada Boosaaso

Kulanka oo muddo la qorshaynayey ayaa maalinimadii Salaadada ee 21/3/2017 ku qabsoomay hoolka wayn ee Jaamacadda Bariga Afrika ee magaalada Boosaaso. Kulanka oo ujeedkiisa ugu wayn ahaa in ardayda loo xogwaramo lana wacyigaliyo, ayaa waxaa warbixin dheer kaso jeediyey Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Bariga Afrika Maxamed Maxamuud Ciise, Guddoomiyaha dhinaca Akadeemiyada Jaamacadda Prof. Cabdi Salaan […]

March 22nd, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Faahfaahin Dheeraad Ah Oo Kaso Baxaysa Soomaali Lagu Laayay Dalka Yaman

Dooni ay saarnaayeen dad Tahriibayaal ah ayaa lagu dhuftay Gantaal, xilli ay maraysay Xeebaha dalka Yaman, kuna sii jeeday dalka Suudaan. Warsidaha Puntlandi ayaa xiriiro kala duwan la sameeyay dalka Yaman, waxaana uu ogaaday in dadka dhintay ay ka badan yihiin Soddon qof, isla markaana ay isugu jiraan Rag iyo Dumar. Waxaa jira dad ku […]

March 18th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Daawo Sawirada Tartan Suugaaneed Lagu Qabtay Gobolka Sanaag

Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha , Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashanaysa dallada dhallinyarada Puntland ayaa tartan suugaaneed u qabatay 80 dhallinyaro ah oo da’doodu ka yar tahay 20 sano. Dhallinyaradan ayaa ka kala yimid Yube, Hadaaftimo , Laasqoray , Ceelbuh iyo shanta xaafadood ee magaalada Badhan ka kooban tahay. Suugaanta lagu tartansiinayey ayaa ku saabsanayd wadaniyada […]

March 18th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Guddiga Gurmadka Abaaraha Puntland Oo Soo Bandhigay Liiska Lacagaha Soo Gaaray

Guddiga Gurmadka Abaaraha Puntland ayaa Boosaaso kuso Bandhigay Liiska Magacyada Shirkadaha iyo dadweynaha ka qayb qaatay Gurmadka Abaaraha Puntland. Guddoomiyaha guddiga Sheekh Fu’aad Xaaji Nuu, ayaa ka hadlay shirkadaha, shaqsiyaadka iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee soo gaarsiiyay lacagaha ay uga qayb qaateen Gurmadka ka soconaya gobolada Puntland. ” liiskani waa lacagihii guddiga soo gaaray laga soo […]

March 17th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Markabkii Lagu Haystay xeebta Xaabo La Sii Daayay

March 17th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Dhagayso) Dad Abaar Darteed Isugu Dilay Gudaha Puntland

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar ayaa sheegay inay jiraan dad Abaar darteed isugu dilay gudaha Puntland sida aan Xogta ku hayno buu yiri waxay dhan yihiin illaa Lix qof. Camay ayaa sheegay in talaabooyinkaasi aan bannaannayn ay muujinayaan heerka ay gaarsiisan tahay Abaarta ka jirta Gobolada Puntland. Madaxweyne ku xigeenka Puntland […]

March 16th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Daawo Sawirada Bannaanbaxii Ugu Balaarnaa Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Garowe

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey  ayaa maanta 16 March 2017 Magaalada Garoowe ee Casimada Dawladda Puntland kaga qayb galay roobdoon laga tukadey. Banaanbaxa  Alle  lagu waydiisanaayey Raxmadiisa ayaa waxaa kusimaha Madaxweynaha Ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, shacabka […]

March 16th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Maxaadan Ogayn Oo Aan Xog Ka Haynaa Markabka Lagu Haysto Xeebaha Xaabo?

Kooxo sheegtay inay yihiin Kalluumaysato ayaa maalintii Isniinta afduubtay Markab shidaal oo lagu magacaabo Aris 13, waxaana maamusha Shirkad fadhigeedu uu yahay dalka Isutaga Imaaraatka Carabta. Waa afduubkii ugu horeeyay ee ka dhaca Xeebaha Soomaaliya tan iyo sanadkii 2012-kii, ka dib markii si adag loola dagaalamay Kooxixii Burcadbadeeda Soomaalida. Waxaa Markabku uu ka yimi dalka […]

March 16th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Maamulka Gobolka Sanaag iyo Qaybaha Bulshada Oo Shir Yeeshay, Maxay Uga Hadleen?

Shirweyne ay ka soo qayb galeen bulshada qaybeheeda kala duwan ayaa maanta lagu qabtay Hoolka shirarka ee Wasaarada Haweenka ee gobolka Sanaag ee magaalada Badhan. Cuqaasha , guurtida , culimada , dhalibyarada iyo haweenka ayaa maamulka dawlada ee heer gobol iyo heer degmo uga xog waramayeen wixii qabsoomay ee gurmadka abaaraha iyo horumarka kaleba . […]

March 16th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Daryeel Caafimaad Oo Loo Bilaabay Qoysaska Ay Abaartu Saamaysay Ee Gobolka Sanaag

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo kaashanaysa Hay’adda TASS, ayaa daaweyn bilaash ah u bilowday qoysaska ay Abaaruhu saameeyen ee ku dhaqan Gobolka Sanaag. Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ciyoon oo la hadlay Warsidaha Puntlandi, ayaa sheegay in daryeelka Caafimaad uu socon doono muddo ku siman saddex bilood, waxaana uu xusay inay ka faa’iidaysan doonaan dadka ay Abaaruhu […]

March 15th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Maxaa Maanta Ka Cusub Degmada Baran Ee Gobolka Sanaag?

Shir ay yeesheen laamaha dawladda ee heer gobol iyo heer degmo ayaa maanta ka dhacay xarunta maamulka gobolka . Shirkan ayaa wuxuu ujeedkiisu ahaa iswaraysi wixii qabsoomay arimaha gurmadka abaaraha iyo qiimaynta xaalada abaartu sida ay uga sii darayso. Guddoomiyaha Gobolka Hon. Maxamuud Ciyoon oo safar shaqo ku maqnaa ayaa ugu horayn ka warbixiyey hay’adaha […]

March 15th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Gurmad Loo Fidiyay Qoysaska ay Abaaruhu Saameeyen Ee Gobolka Mudug

Ol’ole balaran oo lagu caawinayo dadka ay saameyen Abaaruhu ayaa ka socda deegaano hoostaga Gobolka Mudug oo ka mid ah gobolada Puntland ee Abaaruhu ay saameyen. Djalinyarada oo la baxay Gurmad oo ah dhalinyaro is-xilqaamay, ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday Barnaamijkooda ay ku caawinayaan dadka ay Abaaruhu saameyen, waxaana dhalinyarada hormuud u yihiin Saleebaan Ceegaag, […]

March 15th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Maxaa Ka Jira In Markab Lagu Afduubay Xeebaha degmada Calluula Ee Gobolka Bari?

Koox sheegtay inay yihiin Kalluumaysato ayaa Markab ka afduubtay nawaaxiga degmada Calluula ee Gobolka Bari, waxaana Markabka ay afduubteen saaraan shaqaale u kala dhashay wadamada Ingiriiska iyo Filibiin, waxaana tirada shaqaalaha Markabka saaran ay dhan tahay Toban qof. Kooxda Afduubka ku qabsaday Markabka ayaa sheegay inay afduubeen ka dib markii uu Qashin Sun ah uu […]

March 14th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Waxgarad Ka Horyimi Ugaas Lagu Caleemo Saaray Magaalada Boosaaso

Kulan ay ku yeesheen magaalada Boosaaso ee Puntland-Soomaaliya waxgarad ka tirsan beesha Cali Xijiijle ayey sheegeen ugaas dhawaan lagu caleema saaray magaalada in uusan ka mid ahayn. Odayaasha kulankaasi ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa ku simaha suldaanka beesha Cali Xijiijle Khaliif Ismaaciil Yuusuf, nabadoon Kaarshe Axmad Gallan, nabadoon Siciid Maxamad Jaamac, nabadoon […]

March 14th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Daawo Qof Ku Qarxay magaalada Kismaayo Ee Jubbaland

Nin sitay Waxyaabaha qarxa ayaa kaligiis galabta galinkii dambe u qarxay gudaha magaalada Kismaayo ee Jubbaland, waxaana loo badinayaa inuu ka tirsanaa Shabaab oo uu doonayay inuu qarax fuliyo, balse uu qaraxu qaray ka hor Bartilmaameedka. Waxaa gabi ahaan googo’ay jirkiisa, waxaana aan la garan karin wajigiisa, waxaana uu ku qarxay Nawaaxiga Masjidka Xaaji Jaamac […]

March 13th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Faysal Cali

Mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Finland ayaa ka hadlay arrinta nin dhallinayaro ah oo ka tegay Finland oo uu ku biiray xoogagga Islaamiyiinta ee Daacish ee ka dagaalama Iraq & Syria sanadkii 2014-ka. Bartamihii Bishii Agoosto sanadkii 2014-ka, ayaa Ninka dhallinyarada ah waxaa laga daawaday cajal video ah oo la galiyey internetka, waxaana magaciisa […]

March 13th, 2017 | Posted in Uncategorized | Read More »

Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax Ismiidaamin ah ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee xarunta gobolka Banaadir, kaas oo dhawaqiisa aad looga dareemay magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhacay nawaaxiga  irida hore ee hotel Weheliye, waxaana loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay. Wararka aanu ka helayno Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen ugu yaraan Sideed […]

March 13th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Xaalada Abaarta Puntland Oo Meel Halis Ah Maraysa iyo Dadka Oo Gurmad Deg Deg Ah U Baahan

Abaarta ka jirta Gobolada Puntland ayaa maraysa meel aad u saraysa, waxaana si isdaba joog ah u baxaya Xoolaha, halka reer Guuraagii ay kaso hayaameen dhulka Baadiyaha ah, ayna isugu soo urureen Cooshado ay ka dhisteen hareemaha magaalooyinka. Hooyooyinka iyo Carruur ayaa waxaa soo foodsaaray Nafaqo daro iyo Cuduro ay ka mid yihiin Iswad iyo […]

March 13th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Dhagayso) Guddiga Abaaraha Puntland:” Dadku Waxay Qarka U Saraan Yihiin Inay Haraad Iyo Gaajo U Dhintaan”

Guddoomiyaha guddiga Abaaraha Puntland Sheekh Fu’aad Xaaji Nuur, ayaa sheegay sheegay inuu aad uga baqsan yahay heerka ay marayso xaalada Abaareed ee ka jirta Puntland, wuxuu sheegay inay soo arkeen xaalad aad u adag oo ay ku sugan yihiin reer Guuraaga Puntland. ”Kolay annigu maadama aan ka mid ahay dadka ka shaqaynaya hawsha Abaarta xaqiiqda […]

March 13th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Daawo Sawirada Deeq La Gaarsiiyay Qoysas Reer Guuraa Ah Oo Bacaadweyn Ku Dhaqan

Abaarta ka jira guud ahaan deeganada gobalka Mudug ayaa ka sii daraya, waxaana sii kordhaysa saamaynta ay ku reebayso dadka iyo duunyada. Dad reer Miyi ahaa oo xoolihii ay uga dhamaadeen abaarta ayaa u soo guuray magaalooyinka waawayn si ay u helaan caawimaad iyo taageero. Dhalinyarada magaalada Gaalkacyo ayaa bilaabay olole ay ugu magac dareen […]

March 12th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Dhagayso) Reer Guuraa Ka Yimi Togdheer Oo Gaaray Puntland

Qoysas reer Guuraa ah oo kaso hayaamay Gobolada Togdheer iyo Sool , ayaa gaaray deegaano hoostaga Gobolada Bari iyo Karkaar, kuwaas oo qayb ka noqday qoysas reer Guuraa ah oo horay halkaa u dagay, ka dib markii uu Roob ka da’ay. Qaar ka mid ah qoysaska gaaray deegaanad fog fog ee Bari ee Puntland oo […]

March 12th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Maxaa Maanta Ka Cusub Jubbaland?

Saraakiisha ciidanka Jubbaland ayaa wada qorshe ay ku doonayaan inay kula wareegaan dhulka ay gacanta ku hayaan Kooxda Shabaab, waxaana gulufka ay qaadayaan ciidanka laga dareemayaa Jubbaland. Wararka aan ka helayno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidanku ay qaadi doonaan hawlgal ay iska kaashan doonaan ciidamada Amisom, kaas oo ay ku doonayaan inay kula wareegaan […]

March 12th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Dawlada Puntland:” Farmaajo Waan Wada Shaqaynaynaa, haddii aysan dhankooda Wax Ka Iman”

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali ”Gaas”, ayaa sheegay inay ka g’an tahay inay si dhow ula shaqeeyaan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Gaas oo Waraysi siiyay mid ka mid ah Telefishanada Soomaalida, ayaa sheegay in Puntland ay Xiriir wannaagsan la yeelanayso Madaxweynaha iyo Xukuumadda. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Farmaajo […]

March 11th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Maxkamada Gobolka Bari Oo Sii daysay Nabadoon Xarago

Maxkamada Gobolka Bari, ayaa dib u siisa Xoriyadiisa Nabadoon Cabdul Qaadir Axmed Ibraahim oo ku magac dheer Xarago, kaasi oo xirnaa muddo dhan 16-cisho. Nabadoon Xarago oo si kooban ula hadlay Saxaafadda, ayaa sheegay in Maxkamada Darajada 1-aad ee Gobolka Bari oo uu hortagay ay Xoriyadiisa siisay. Wuxuu intaas ku daray inuu aad ugu faraxsan […]

March 11th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Daawo ayaan darada : – Nolosha Chelsea Village waa goobaha Somaalida ka caagan ee Shisheeyahu ku raaxeysto ee Xalane, Waqti Ummaddii Somaaliyeed Abaar iyo Gaajo dishootay

Chelsea Village is your home in the heart of the Mogadishu International Airport zone (MIA). We pride ourselves on the experience we offer guests, especially the comfort and safety of our rooms, the quality of our catering and the peace of mind provided by our security. We also provide on-site potable water to World Health […]

March 11th, 2017 | Posted in .warka,Boga Dadweynaha,Video | Read More »

(Sawiro) Dood Cilmiyeed Looga Hadlay Fursadaha Iyo Caqanadaha Horyaala Dawlada Federaalka Soomaaliya Oo Ka Dhacay Magaalada Boosaaso

Dood cilmiyeedkan ayaa lagu qabtay xarunta jaamacadda Bariga Afrika ee magaalada Boosaaso, waxaana si wada jir u soo qaban-qaabiyey xarunta cilmi baarista geeska Afrika iyo xarunta cilmi baarista ee jaamacadda Bariga Afrika. Waxaa diiradda lagu saaray Dood Cilmiyeedka  Fursadaha iyo Caqabadaha horyaala dawlada Federaalka Soomaaliya, waxaana ka qayb galay  Mas’uuliyiinta laba xarun, aqoonyahano, Siyaasiyiin, dhalinyaro […]

March 10th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Golaha Xukuumadda Puntland Oo Ka Hadlay Amaanka, Abaaraha iyo Arrimo Kale

Golaha Xukuumadda Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah shir ku yeeshay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland. Shirkooda ayay uga hadleen Amaanka, Abaaraha, Xeerar ay Ansixiyeen iyo qodobo kale, waxaana markii uu soo dhamaaday shirku ay dawladu soo saartay Warsaxaafadeed ay uga hadashay Natiijada kulanka; www.puntlandi.com.

March 9th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Maxaa Maanta Ka Cusub Degmada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug?

Masuuliyiinta dagmada Galkacyo ee Puntland iyo Galmudug oo kaashanaya UN ayaa labada dhinac ee Galkacyo ku qabto kulamo lagu dhiiragalinayo isdhexgalka Bulshada Nabada,Hawaynka, iyo sidii looga qaybqaadanlahaa abaaraha. Bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ayaa sameeyay kulamo isdhexgal ah, kuwaas oo kor loogu qaadayo amniga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo, Maxamuud Yaasiin […]

March 9th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Dhagayso) Wasaaradda Cadaalada Puntland Oo Iclaamisay Roob Doon

Wasaaradda Cadaalada Puntland ayaa Iclaamisay in 16-ka bishan ay dadweynaha ku dhaqan Puntland isugu soo baxaan Bannaanbaxyo Roob doon ah. Wasiirka Cadaalada Puntland Saalax Xabiib ayaa sheegay in bulshada looga baahan yahay in malainta Khamiista ee todobaadka dambe ay isugu baxaan Roob doon. Saalax Xabiib ayaa EEBE ka baryay inuu ka dulqaado Roobka, wuxuuna xusay […]

March 9th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Maxaa Ka Soconaya Gobolada Puntland?

Ol’ole balaaran oo loogu Gurmanayo qoysaska ay saamaysay Abaarta baaxada wayn ee ka jirta gobolada Puntland, ayaa ka socota inta badan magaalooyinka Puntland. Kooxo isugu jira rag iyo dumar Samafalayaal ah ayaa dad ku garaacaya Guryaha, isla markaana ka qaadaya Raashin, lacag, Maacuun iyo wax kasta oo ay ku darsanayaan Gurmadka Abaaraha. Bulshada reer Puntland […]

March 9th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Muxuu Ka Yiri Dhismaha Wadada Ceeldaahir Iyo Ceerigaabo?

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ciyoon ayaa sheegay inuu si wannaagsan u socdo dhismaha Wadada Isku xirta Ceeldaahir iyo Ceerigaabo, wuxuuna rajo wannaagsan ka muujiyay inay kaso baxdo Waddo wannaagsan oo bulshada wax badan kuso kordhay. Ciyoon oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in dad badan oo aan aaminsanayn in Wadadan la dhisi karo, ay […]

March 9th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Maxaadan Ogayn Oo Ka Cusub Degmada Qandala?

Gudoomiyaha degmada Qandala Jaamac Maxamed Khuurshe oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa ka hadlay xaalada Amaan iyo Abaareed ee degmada Qandala ee Gobolka Bari. Jaamac Maxamed Khuurshe ayaa sheegay in Abaar aad u adag ay ka jirto degmada Qandala iyo deegaanada hoostaga, sidaa darteedna loo baahan yahay in Gurmad deg deg ah loo sameeyo. ”Degmada […]

March 8th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Dhagayso) Guddoomiyaha Haweenka Puntland:” Waxaan Ku Baaqayaa In Dadka Abaarta U Dhimanaya Loo Gurmado”

Gudoomiyaha ururada haweenka 9-ka gobo lee Puntland Khadra Jaamac Warsame, ayaa sheegtay inay bilaaban Ol’ole ay ugu Gurmanayaan qoysaska ay Abaartu sida adag u saamaysay ee Puntland, xilli Abaarta ka jirta Puntland ay meel adag marayso. Khadro ayaa sheegtay in Haweenku maanta oo kale ay qabsan jireen Munaasabado ay ugu dabaaldagi jireen maalinta Haweenka, balse […]

March 8th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro+Dhagayso) Puntland Oo Xukun Ku Riday Dad Shabaab Ku Eedeysnaa Iyo Askar Dil Lagu Xukumay

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa Xukun ku riday dhalinyaro ku eedeysnaa Shabaab, kuwaas oo Xukuno kala duwan lagu riday, waxaana Xukunka Maxkamada ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland Cabdi Fataax Xaaji Aadan. Dadka Xukunka lagu riday ayaa kala ahaa; -Cabdi Waaxid Macalin Axmed 22-jir 10-sano oo xarig ah. -Maxamed Cali […]

March 7th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Daawo Sawiradii Ugu Dambeeyay: Abaarta Ka Jirta Puntland Oo Heer Aad U Adag Maraysa

Xaalada Abaareed ee ka jirta Gobolada Puntland ayaa maraysa heer aad u adag, waxaa si joogto ah u u baxaya Xoolaha, sido kalena waxaa jira dad u dhimanaya Abaarta. Bakhtiga Xoolaha ayaa daadsan Waddooyinka, waxaa reer guraagu ay uso guurayaan magaalooyinka, waxaana meesha kasi baxaya noloshii Miyiga oo Ummadda Soomaaliyeed u ahayd Lafdhabar, maadama dhaqaalaha […]

March 7th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Dawlada Puntland Oo Ka Hadashay Lacagtii Dawlada Federaalka Ay Ugu Deeqday Abaarta Puntland

Madaxweyne ku xigeenka Dawlada Puntland Injineer Cabdi Xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar ayaa sheegay in dhaqaalihii ay ugu deeqeen Federaalku Abaaraha Puntland ay ku gaden Gawaari, waxaana uu xusay in Gawaaridu ay noqon doonaan kuwo si joogta ah ugu shaqeeya dadweynaha reer Puntland ee ay saamaysay Abaartu. ”Dawlada Federaalka Soomaaliya waxaa naga soo gaaray lacag dhan  […]

March 6th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Dhagayso) Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Ka Hadlay Safarkiisi Muqdisho

Madaxweyne ku xigeenka Dawlada Puntland Injineer Cabdi Xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar ayaa ka Warbixiyay shir looga hadlay Abaaraha oo uu kaga qayb galay magaalada Muqdisho ee xarunta Gobolka Banaadir. Camay ayaa sheegay in shirka ay soo diyaarisay dawlada Soomaaliya, ayna joogeen Madax kala duwan oo ka socday beesha Caalamka. Injineer Camay ayaa sheegay inuu shirka […]

March 6th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Dhagayso) Madaxweynaha Puntland:” Bulshada In La Kiciyo Oo La Dhaho Dagaalama Cid Ogolaanaysa Ma Jirto”

Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali ”Gaas” ayaa ka hadlay Kooxaha Shabaab iyo Daacish, dhainyaro ku eedeysnaa Shabaab oo dawladu ay dil ku xukuntay, Kooxdii lag qabtay dagaaladii Garmaal iyo Garacad iyo xaalada guud ee Puntland. Dr. Gaas ayaa sheegay in dagaalka ka dhan ah Shabaab uu wali socdo, isla markaana ay Puntland guul wayn […]

March 6th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Daawo Sawirada Ciidamada PSF-ta Oo Deeq Gaarsiiyay Qoysas Ay Saamaysay Abaartu Ee Gobolka Mudug

Ciidamada PSF ee Puntland ayaa raashin qaybin ka sameeyay deegaano iyo degmooyin hoostaga Gobolka Mudug, waxaana raashinka loo qaybiyay qaar ka mid ah qoysaska ay saamaysay Abaarta ka jirta Puntland. Deeqda ayaa ka koobnayd Bariis,Sonkor,Bur,Timir,Caanobore iyo saliid, waxaana ay qayb ka ahayd deeqo ay muddooyinkii ugu dmabeeyay Gobolka ka qaybinayeen. Sido kale Ciidanka ayaa dadweynaha […]

March 6th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Madaxweynaha Dawladda Puntland oo La Kulmay Odayaasha Dhaqanka Gobolka Bari

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 05, March 2017 la kulmay qaybaha kala duwan ee odayaasha dhaqanka Gobolka Bari, waxaana kulnakaasi ka qayb galay masuuliyiinta maamulka Gobolka Bari, nabadoonada iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dawladda Puntland. Kulankankii maanta uu Madaxweynuhu la qaatay odayaasha ayaa looga wada hadlay xaaladda nabad-gelyada iyo horumarka […]

March 5th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Wajiga 2-aad ee Ol’olaha Loogu Gurmanayo Qoysaska Ay Saamaysay Abaartu Oo Boosaaso Lagu Soo Afmeeray

Samafale Maxamed Yuusuf Tigey ayaa soo afmeeray Wajiga 2-aad ee Ol’olaha loogu Gurmanayo dadka ay saamaysay Abaarta baaxada wayn ee ka jirta gobolada Puntland. Deeq kala duwan ayaa laga soo ururiyay dadweynaha ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, taas oo la gaarsiin doono qoysas reer Miyi ah oo u naq-raacay deegaano hoostaga Gobolada […]

March 5th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Madaxweynaha Soomaaliya Oo La Kulmay Saxaafadda

Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay maamulka iyo tifaftireyaasha warbaahinta madaxa bannaan ee dalka iyo ururrada ay ku midaysanyihiin suxufiyiinta. Madaxweynaha oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in warbaahinta madaxa bannaan ay kusoo shaqeeysay duruufo aad u adag, isaga oo uga mahadceliyay sidii ay u […]

March 5th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Dhagayso) Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Bari Oo Ka Hadlay Bamka Lagu Tuuray Maxkamada

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1-aad ee Goboka Bari Xaaji cabdi Nuur ow Jaamac oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in Bamka lagu tuuray Maxkamada ay ku dhaawacmeen shan qof oo shacab ah , kuwaas oo uu sheegay in qaar ka mid ah dhaawacoodu uu culus yahay. Xaaji cabdi Nuur ow Jaamac ayaa sheegay inaysan jirin […]

March 4th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Maxaa Kaso Kordhay Magacaabista Golaha Xukuumadda Soomaaliya?

Magaalada Muqdisho ee xarunta gobolka Banaadir, ayaa waxaa si habsami leh uga socda la tashi u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre, la tashigaa oo ku saabsan xulista Golaha Wasiiradda Soomaaliya. Warsidaha Puntlandi ayaa ogaaday in Labada Mas’uul ayaa isku raacsan in Wasiiradda badankooda ay ka yimaadan bannaanka, balse […]

March 4th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Sawiro: Maxaa Ka Cusub Magaalada Kismaayo Ee Jubbaland?

Magaalada Kismaayo ee Jubbaland ayaa waxaa laga hirgaliyay xarun lagu dhaqan celinayo Maleeshiyaadka kaso baxa Shabaab, taas oo ay hirgalisay dawlada Jarmalka. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa xariga ka jaray xarunta cusub, taas oo qayb ka noqonaysa xarumo horay looga hirgaliyay Soomaaliya. Waa xaruntii Afraad ee nooceeda oo kale lagu hirgaliyo dalka […]

March 4th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Daawo Sawirada Ciidamo Tababar Loogu Soo Xiray Magaalada Boosaaso

In ka badan 300 oo Askari ayaa maanta tababar loogu soo xiray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, kuwaas oo ka tirsan ciidanka Badda Puntland. Askarta tababarka loso xiray ayaa tababarku uu u socday in ka badan 5-bilood, waxaana la baray waxyaabo badan oo ay ka mid tahay sida ugu wannaagsan ee hawl gal looga […]

March 2nd, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Dhagayso) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Xukuumadda Uu Soo Dhisayo

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo waraysi siiyay VOA, ayaa sheegay inuu ku jiro wada tashiyado uu ku doonayo inuu kuso dhiso Golihiisa Xukuumadda. Xassan Cali Khayre ayaa sheegay in Xukuumadda uu soo dhisayo ay noqon doonto mid ka tarjumaysa shacabka Soomaaliyeed, ayna ku qanci doonaan Baarlamaanka Sooomaaliya. Madaxda maamulada Soomaaliya, Siyaasiyiin […]

March 2nd, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Dhagayso) Sheekh Fu’aad:” Waxaan soo Aragnay Duunyadii Oo Dhamaanaysa iyo Dadkii Oo Haraad la Liita”

Guddiga Gurmadka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay Abaaraha ka jira Puntland iyo heerka ay gaarsiisan tahay, ka dib shir Saxaafadeed ay ku qabten magaalada Garowe ee Caasimada Puntland. Guddoomiyaha guddiga Abaaraha Puntland Sheekh Fu’aad Xaaji Nuur ayaa sheegay in Xooluhu ay marayan gabaabsi, ayna abaartu si wayn u taabatay Gobolada Puntland. Sheekh Fu’aad Xaaji Nuur […]

March 2nd, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Dhagayso) Guddoomiyaha Gobolka Bari Oo Ka Hadlay Xaalada Amaan ee Magaalda Boosaaso

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacay Dhedo ayaa ka hadlay xaalada Amaan ee magaalada Boosaaso iyo hawlgaladii ay ciidanku ka sameeyen Boosaaso natiijada kso baxday. Dhedo oo Saxaafadda shir Jaraaid ugu qabtgay Boosaaso ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo amniga Puntland, cid kasta uu waajib ka saaran yahay.’ Wuxuu soo hadal qaaday xariga Nabadoon Xarago […]

March 1st, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland oo Muqdisho Kaga Qayb-Galay Shir lagahadlayey Abaaraha.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Xaaji  Cadulaahi Cumar Camey ayaa magaalada muqdisho kaga qab galay shirlooga hadlayey abaaraha baaxadaleh ee ka jira guud ahaan Soomaaliya, waxaana sidoo kale shirka kasoo qayb galay gudiga abaaraha heer fadaraal, heer maamul goboleed iyo xubno kasocdey beesha caalamka. Madaxweyne ku xigenka dawladda Puntland ayaa uga warbixiyey gudiga abaaraha […]

March 1st, 2017 | Posted in .warka | Read More »