“Author Archive”
Stories written by Bosa

(Sawiro) Madaxweynaha Puntland Oo Dib Ugu Laabtay Magaalada Boosaaso

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ee ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay  magaalada Kismaayo ayaa maanta 12 October 2017 dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso. Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakisha ciidamada […]

October 12th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Dekeda Magaalada Boosaaso Oo Lagu Wareejiyay Shirkadda P&O

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa waxaa maanta ka dhacay Munaasabad ay shirkadda P&O kula wareegtay Dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Munaasabada ayaa waxaa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, Maamulka gobolka Bari, maamulka degmada Boosaaso, hogaamiye dhaqameed iyo marti sharaf kale. Agaasimaha guud ee wasaarada dekedaha iyo  gaadadidka […]

October 12th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Munaasabad Lagu Xusay Maalinta Calanka Soomaaliya Oo Ka Dhacday Qardho

Munaasabada oo ahayd mid lagu maamuusayay Maalinta Calanka, ayaa ka dhacday sugsiga sare ee Imaamu Nawawi ee magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Waxaa Munaasabada ka qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Kakaar, maamulka degmada Qardho, Arday Waalidiin iyo marti sharaf kale. Barnaamijka ayaa waxaa soo qabanqaabiyay  Fasalka saddexaad ee dugsiga sare ee Imaamu […]

October 12th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Shirkadda DP WORLD Oo Maanta La Wareegaysa Maamulka Dekeda Boosaaso

Shirkadda DP WORLD, ayaa maanta la wareegaysa maamulka Dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Munaasabada ay shirkaddu kula wareegayso Dekeda, ayaa ka socota gudaha Dekeda, waxaana ka qayb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan dawlada Puntland, Madax ka socota shirkadda iyo marti sharaf kale. Shirkadda DP WORLD, ayaa dhaqaale dhan 336 Milyan oo Doolar ku Maalgalinaysa […]

October 12th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Puntland Oo Ka Hadashay Weerarkii Kaantarooka Boosaaso

Wasiirka Wasaaradda amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf oo la hadlay Warbaahinta, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Weerarkii Kooxda Shabaab ay ku qaadeen Kaantaroolka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, wuxuuna sheegay in dawladu ay wado baaritaano, ka dibna ay shaacin doonto sida wax u dhaceen baarista ka dib. ”Horta cadowgu inuu khasaaro geysto oo […]

October 10th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Shirka Kismaayo Oo Maanta Laso Afmeerayo

Madaxda maamul goboleedada Soomaaliya, ayaa shirkoodii uu wali uga socdaa magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland. Shirka oo Warbaahintu ay bannaan joog ka tahay, ayaa Madaxdu ay si gaar ah u wada hadlayaan, waxaana Warbaahinta ay uso bandhigi doonaan natiijada shirkooda. Wararka aanu ka helayno Kismaayo ayaa sheegaya in maanta galanka dambe ay Madaxdu soo saari […]

October 10th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Kooxo Hubaysan Oo Weerar Qorshaysan Ku Qaaday Ciidamada Kaantaroolka Boosaaso

Kooxo hubaysan oo loo badinayo inay ka tirsan yihiin Shabaab, ayaa Weerar qorshaysan ku qaaday ciidamada Puntland ee ku sugan Kaantaroolka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Weerarka, ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta la og yahay Weerarka ku dhintay illaa todoba qof oo isugu jira ciidan iyo dad […]

October 9th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Daawo Sawiro Horu-dhac Ah: Madaxweyne Gaas Oo Kismaayo Gaaray

Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo, ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee Jubbaland. Madaxweynaha Jubbaland Sayid Axmed Maxamed Islaam, Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda Jubbaland iyo dadweyne kale ayaa Gaas kuso dhoweeyay Kismaayo. Wuxuu Madaxweynuhu qayb ka noqday Madaxda maamul goboleedada ee ka qayb galaya shirka Kismaayo uga furmaya dawlad goboleedyada. […]

October 8th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Madaxweyne Gaas Muxuu Ka Yiri Shirka Kismaayo?

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa faahfaahin ka bixiyay shirka Kismaayo, ka hor inta uusan ka duulin magaalada Boosaaso, wuxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ka qayb galka shirka. Gaas ayaa sheegay in dawlad goboleedyada Xubnaha ka ah dawlada Fededaalka ay Xaq u leeyihiin inay isugu yimaadan shirar gaar ah, si ay […]

October 8th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

DEG DEG: Madaxweyne Gaas Oo Ka Duulay Boosaaso, Kuna Wajahan Kismaayo

Wafdiga Puntland uga qayb galaya shirka Kismaayo, ayaa ka duulay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Waxaa Wafdiga hogaaminaya Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, kuwaas oo si wayn looga sugayo Kismaayo. Madaxweynayaasha Jubbaland, Hirshabeele iyo Galmudug, ayaa ku sugan magaalada Kismaayo, waxaana Kismaayo laga sugayaa Wafdiga Puntland. Shirka Kismaayo ayaa waxaa walaac […]

October 8th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

DEG DEG+SAWIRO: Madaxweynaha Hirshabeele Oo Ka Dagay Kismaayo

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare iyo Wafdi uu hogaaminayo, ayaa ka dagay magaalada Kismaayo ee Jubbaland. Madaxda maamul goboleedada iyo dadweyne kale ayaa kuso dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, waxaana iminka laga sugayaa Kismaayo Madaxweynaha Puntland Dr. Gaas oo Boosaaso kaso duulay. Madaxda maamul goboleedada, ayaa galinka dambe ee maanta uu Kismaayo uga […]

October 8th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Sawirada Maanta: Xildhibaan Xidig, Xaaf, Shariif Xassan Iyo Sayid Axmed Iyo Kismaayo

Madaxda maamul goboleedada ayaa si habsami leh ugu qulqulaya magaalada Kismaayo ee Jubbaland, halkaas oo la filayo in galinka dambe ee maanta uu ka furmo shirka maamul goboleedada. Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa laga dareemayaa mashquul badan, waxaana la sugayaa Madaxweynaha Puntland Cabdi weli Maxamed Cali Gaas oo kaso duulay garoonka Boosaaso. Hoos Ka […]

October 8th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

DEG DEG: Madaxweynaha Galmudug Xaaf Oo Kismaayo Ka Dagay

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Geele Ducaale Xaaf, ayaa ka dagay magaalada Kismaayo ee Jubbaland. Madaxweynaha Jubbaland Sayid Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan, Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland iyo dadweyne kale ayaa Xaaf kuso dhoweeyay Kismaayo. Madaxda maamul goboleedada, ayaa Kismaayo kaga qayb galaya shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, […]

October 8th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Shirkii Arrimaha Dastuurka Ee Muqdisho Oo Fashilmay

Shir looga hadli lahaa Dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya oo maanta ka furmi lahaa magaalada Muqdisho, ayaa fashilmay, ka dib markii ay qaadaceen ka qayb galkiisa Madaxda maamul goboleedada. Inkasta oo ay jiraan dad ka yimi Qurbaha oo Muqdisho u tagay ka qayb galka snhirka, hadana ururada bulshada rayidka ah ee maamulada dalka ayaanm u sarfin Muqdisho, […]

October 8th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Akhriso Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Shirka Kismaayo

Madaxweynaha Galmudug Axmed Geele Ducaale Xaaf, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Hirshabeele Maxamedm Cabdi Waare, ayaa maanta u duuli doona magaalada Kismaayo ee Jubbaland. Qabanqaabada lagu soo dhoweynayo Madaxda, ayaa ka socota magaalada Kismaayo, waxaana Kismaayo horay u gaaray Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan. Warsidaha Puntlandi, ayaa ogaaday […]

October 8th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Oo Dib Loogu Soo Celiyay Shaqadiisa

Digreeto kaso baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa shaqadii dib loogu celiyay Taliyihii ciidanka Booliska Puntladn Janaraal Cabdulqaadir Shire Faarax Ereg oo uu horay xilka uga qaaday Madaxweyne ku xigeenka Puntland Injineer Cabdi Xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay. Hay’adaha amniga Puntland ayaa la faray in shaqada dib loogu soo celiyay Janaraal Cabdulqaadie […]

October 7th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Maamul Goboleedada Oo Qaadacay Shir Beri Ka Dhacaya Muqdisho

Maamul goboleedada Soomaaliyeed ee Puntland, Galmudug, Jubbaland, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed, ayaa si wada jir ah u qaadacay inay ka qayb galaan shir looga hadlayo arrimaha Dastuurka Soomaaliya, kaasi oo sida la qorsheeyay maalinta bari ka furmaya Muqdisho. Warsidaha Puntlandi, ayaa ogaaday in Madaxda maamul goboleedadu ay u arkaan shirkaas mid dhinac ka raran, isla […]

October 7th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Dhagayso) Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Muxuu Ka Yiri Shirka Kismaayo?

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeedka Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan, ayaa sheegay in shirka Kismaayo uu noqon doono mid lagu dhameeyo Madmadowga Siyaasadeed ee soo kala dhexgalay Siyaasiyiinta Soomaalida. Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa sheegay in shirku uu yahay mid taariikhi ah, ayna kaso bixi Ajandayaal ay u ayaan jiilka naga dambeeya buu yiri. ”Taladu waxay […]

October 7th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Madaxweynaha Jubbaland:”Shirka Kismaayo Waa Gogol Nabadeed”

Madaxweynaha Jubbaland Sayid Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in shirka Kismaayo uu yahay mid ay dani ugu jirto Ummadda Soomaaliyeed, isla markaana ay ka shaqaynayaan hormarka Soomaaliya. Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka Kismaayo lagu xalinayo xiriir xumada maamul goboleedada iyo dawlada Federaalka Soomaaliya, wuxuuna xusay inay kaso bixi doonto wax dan u ah Ummadda […]

October 7th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Madaxda Maamul Goboleedada Oo Isu Diyaariyay Shirka Kismaayo

Madaxda maamul goboleedada qaybta ka ah dawlada Federaalka Soomaaliya, ayaa isu diyaariyay shirka maalinta Axada ka dhacaya magaalada Kismaayo ee Jubbaland. Warsaxaafadeed ay soo saareen ay siyaabo gooni gooni ah uso saareen Madaxda maamul goboleedada, ayaa lagu sheegay inay ka qayb galayaan shirka Kismaayo, kaasi oo uu caasumaadiisa fidiyay Madaxweynaha Jubbaland Sayid Axmed Maxamed Islaam. […]

October 6th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Daawo Sawirada Duqa Degmada Qardho Oo Ka Qayb Galay Ol’ole Nadaafadeed

Maamulka degmada Qardho, ayaa dhalinyarada ku dhaqan magaalada Qardho kala qayb galay Ol’ole Nadaafadeed oo ay ka sameeyen gudaha magaalada Qardho. Dhalinyarada oo isugu jiray wiilal iyo gabdho, ayaa Nadiifiyay qaar ka mid ah Waddooyinka magaalada, waxaana ay ugu tala galeen inay horseed u noqdaan hormarka wadankooda. Ol’ole ay dhalinyaradu kaga qayb qaadanayaan Nadaafada, ayaa […]

October 6th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Daawo Sawirada Dhalinyaro Ol’ole Nadaafadeed Ka Sameeyay Magaalada Boosaaso

Dhalinyarada ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa maanta oo Jimce ah sameeyay Ol’ole Nadaafadeed, waxaana dhalinyarada oo ka koobnaa Rag iyo dumar ay isu xilqaameen inay ka qayb qaataan Nadaafada magaaladooda. Ol’olahan Nadaafadeed ee dhalinyaradu ay sameeyen ayaa qayb ka ah Ol’ole si habsami leh uga socda magaalooyinka waawayn ee Puntland. Hoos […]

October 6th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Daawo Sawirada Guddoomiyaha Cusub Ee Deegaanka Sheerbi Ee Gobolka Karkaar Oo Xilka La Wareegay

Guddoomiyaha cusub ee deegaanka Sheerbi Mustafe Abshir ee gobolka Karkaar, ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay, waxaana Munaasabada xil wareejinta ka qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada. Mustafe Abshir, xilka kala wareegay gudoomiyihii hore ee deegaankaas Maxamud Yuusuf, waxaana guddoomiyaha cusub laga filayaa inuu si habsami leh u guto hawlihii shaqo. Hoos Ka […]

October 5th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Shariif Xassan Sheekh Aadan Oo Ka Hadlay Nidaamka Federaalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan, ayaa sheegay in dalku uu yahay Federaal, isla markaana ay Ummadda Soomaaliyeed ku heshiiyeen Nidaamka Federaalka. Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa sheegay inay jiraan Xasaasiyad ka qaba Nidaamka Federaalka, kuwaas oo doonaya in wadanku uusan qaadan Federaal. ”Waxaa la rabaa inaan labo gacmood ku qabsatiin, dad […]

October 5th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Daawo Sawirada Dhalinyaro Ol’ole Nadaafadeed Ka Bilaabay Magaalada Qardho

Dhalinyarada ku dhaqan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, ayaa maanta Ol’ole Nadaafadeed ka sameeyay gudaha magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Waxaa la arkayay dhalinyarada oo isugu jiray Wiilal iyo Gabdho oo watay xaaqino, kuwaas si habsami leh u Nadiifinayay magaalada. Todobaadyada ugu dambaysay ayaa waxaa magaalooyinka waawayn ee Puntland ay dhalinyaradu ka bilaabeen […]

October 5th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Gaalkacyo: Daawo Sawirada Arday Abaalmarino La Guddoonsiiyay, Sabab?

Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga sare ee Cumar Samatar, ayaa Abaal-marinno gudoon siiyay 10 arday oo kaalimaha ugu horeeya, 1,2 iyo 3, galay Imtixaanadka sanad dugsiyeedka 2016-2017. Ujeedada laga lahaa ABaalmarinta ayaa ahayd in Ardayda lagu dhiiri geliyo si ay u laba jibaaraan dadaalkooda Waxbarasho. Hoos Ka Daawo Sawirada;- www.puntlandi.com.

October 5th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Akhriso Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Shirka Kismaayo

Wararka uu Warsidaha Puntlandi ka helayo magaalada Kismaayo ee Jubbalad, ayaa sheegaya in shirka Kismaayo ku dhexmari lahaa Madaxda maamul goboleedada Soomaaliya uu dib u dhac ku yimi. Puntlandi, ayaa ogaaday in Madaxdu ay u balameen in shirka uu dhaco bilowga todobaadka soo socda, waxaana Madaxdu ay ku wada hadleen khadka telefoonka. Inkasta oo dawlada […]

October 4th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Maxaa Xalay Ka Dhacay Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari?

Kooxda Daacish ayaa sheegatay Mas’uuliyada Weerar lagu dilay qof shacab ah, laguna dhaawacay taliye ku xigeenkii Saldhiga Baalade C/raxmaan Barre Saalax. Weerarka ayaa ka dhacay Maqaayad shaah laga cabo oo ku taala gudaha magaalada Boosaaso, waxaana Kooxdii Weerarka soo qaaday ay ka baxsadeen goobta. Kooxda Daacish ayaa ka mid ah Kooxaha ay dagaalka kula jirto […]

October 4th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Xaggee Marayaa Khilaafka Siyaasadeed Ee Galmudug?

Jahawareer Siyaasadeed, ayaa wali ka taagan degmada Cadaado ee Galmudug, kaasi oo u dhexeeya Madaxda ugu saraysay maamulka Galmudug. Xiisada Siyaasadeed ee Galmudug oo marxalado kala duwan soo martay, ayaa iminka maraysa in Guddoonka Maxkamada sare ee Galmudug uu xilka ka qaaday dhamaan Madaxda Galmudug. Madaxweynaha Galmudug Axmed Geele Ducaale Xaaf, ayaa dhinaciisa ku adkaysanaya […]

October 4th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Daawo Sawirada Ciidamo Dhiiri Gelin Loogu Sameeyay Magaalada Boosaaso

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa waxaa Shahaado Sharaf uu Madaxweyne Gaas ku guddoonsiiyay Ciidamo ka tirsan Booliska gobolka Bari iyo Ciidanka Badda Puntland, waxaana ciidanku ay ka koobnaayeen saraakiil, saraakiil xigeeno iyo dabley oo tiradoodu dhammayd 64 askari. Ujeedada Shahaado sharafta loo guddoonsiiyay, ayaa ahayd in lagu dhiiri geliyo shaqada ay u qabteen […]

October 4th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Dhagayso) Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Muxuu Ka Yiri Shirka Kismaayo?

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Injineer Cabdi Xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa sheegay in shirka uu ku baaqay Madaxweynaha Jubbaland Sayid Axmed Maxamed Islaam uusan ahayn shir ay Maslaxad ugu jirto Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in muhiim ay tahay in dib loo dhigo shirka. Hadalkan ayaa Camay uu sheegay xilli uu ka duulayay Garowe, waxaana […]

October 3rd, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Dawlada Federaalka Soomaaliya Oo Ka Hadashay 50 Milyan Oo Sucuudigu Uu Ugu Deeqay

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday Konton Milyan Oo Doolar oo ay ugu deeqday dawlada wadanka Sucuudi Carabiya. Warsaxaafadeed kaso baxay xafiiska Wasiirka 1-aad ee Soomaaliya Xassan Cali Khayre, ayaa lagu sheegay in dawlada Soomaaliya ay dawlada Sucuudiga uga mahadcelinayso dhaqaalaha ay ugu deeqday, kaasi oo uu sheegay in loo adeegsan […]

October 3rd, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Madaxweyne Farmaajo Oo Mar Kale Dal Carbeed U Safri Doona

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa todobaadkan safar ku aadi doona wadanka Suudaan, ka dib markii uu Caasumaad ka helay. Safarka Mdaaxweynaha ayaa kuso beegmaya xilli uu todobaadkii hore dib uga soo laabtay shir uu ku tagay wadanka Sucuudi Carabiya. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu dalka Suudaan kula kulmo dhigiisa wadankaas […]

October 3rd, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Daawo Sawirada Bannaanbax Nabadeed Oo Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

Bannaanbax Nabadeed, ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaasi oo ay soo qabanqaabiyeen Ardayda Wax kabarata Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo. Ardayda bannaanbaxa dhigayay ayaa ku dhawaaqayay halkudhigyo ay ku muujinayaan inaysan doonayn khilaaf iyo Colaad, ayna doonayaan Nabada iyo wada noolaanshaha Gaalkacyo. Waxaa Ardaydu ay socod ku mareen Waddooyinka waawayn ee magaalada […]

October 2nd, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Daawo Sawirada Suuq Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Magaalada Boosaaso

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa waxaa laga dhisay Suuq cusub oo lagu magacaabo New Bosaso Market, kaasi oo si heer sare ah loo dhisay. Guddoomiyaha degmada Boosaaso Yaasiin Mire Maxamuud, ayaa sheegay in dhismaha Suuqan cusub uu hormar balaaran kuso kordhinayo bulshada. Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo, ayaa sheegay inuu aad […]

October 2nd, 2017 | Posted in .warka | Read More »

In Ka Badan 50 Qof Oo Lagu Dilay Dalka Maraykanka

Inta la og yahay 50 qof ayaa ku dhintay, halka dad ka badan 200 qofna ay ku dhaawacmeen Weerar ka dhacay goob uu ka socday Bandhig Faneed oo ku taala Las Vegas ee gobolka Nevada ee dalka Mareykanka. Ninka Weerarka toogashadda ah fuliyay ayaa la toogtay sida Hay’adaha amniga Maraykanku ay sheegen, waxaana dadka dhaawaca […]

October 2nd, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Maxaa Kaso Kordhay Shirkii Maamul Goboleedada Ee Jubbaland Ay Marti Gelisay?

Maamulka Jubbaland ayaa dhowaan shaaciyay inay marti galinayaan shir ay isugu iman doonaan Madaxda maamul goboleedada, kaasi oo looga hadli doono geedi socodka Siyaasadeed ee Soomaaliya. Ka dib markii uu soo baxay marti qaadka Jubbaland, ayaa waxaa bilowday qabanqaabo ay Madaxda Maamul goboleedadu isugu diyaarinayaan shirka. Warsidaha Puntlandi, ayaa ogaaday in dawlada Federaalka Soomaaliya ay […]

October 2nd, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Boosaaso: Wasiirka Amniga Puntland Oo Ka Hadlay Amaanka

Wasiirka Wasaaradda ammiga dawlada Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf, ayaa sheegay in amniga Puntland uu aad u wannaagsan yahay, isla markaana dhinaca kale dawladu ay wado hawlgalo lagu xoojinayo amniga magaalada Boosaaso. Axmed Cabdullaahi Yuusuf ayaa oo ka hadlayay hawlgalada ciidamada amniga Puntland ay ka wadaan Boosaaso ayaa wuxuu yiri”….Hawlgaladu waxay ka socdaan gobolka Bari, waxayna […]

October 1st, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Xaggee Maraysaa Xaalada Cadaado?

Xaalada Siyaadeed ee degmada Cadaado ee Galmudug ayaa maraysa meel adag, ka dib markii khilaafka Madaxdii Galmudug uu gaaray meel aad u saraysa. Saacadihii tagay ayaa Xildhibaano ka tirsan Galmudug ay sheegen inay xilka ka qaadeen guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenka, waxaana arrintan ay uga jawaabayeen Xil ka qaadistii ay sheegen Xildhibaano ka tirsan […]

October 1st, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Daawo Sawirada Turkiga Oo Saldhig Milatari Ka Hirgaliyay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu Daahfuray saldhig Milatari oo dawlada Turkigu ay dhistay, waxaana ka qayb galay furitaanka saldhiga Madax ka kala tirsan dawladaha Soomaaliya iyo turkiga. Saldhigan ayaa dawlada Soomaaliya ay sheegtay in loo dhamaysriray Adeegyo ay ka mid yihiin; sida guryaha la dejinayo ciidamada la tababarayo, garoon kubadda cagta, K/koleyga, teeniska, qeyb […]

September 30th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Maxaa Maanta Ka Cusub Magaalada Garowe Ee Caasimada Puntland

Dadka la Nool Cudurka HIV IDS-Ka ayaa samaystay Dalax ay ku midaysan yihiin, taasi oo ay doonayaan in ay ka shaqayso daryeelkooda. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Injineer Cabdi Xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa Daahfuray Dalada, waxaana lagu magacaaba Daryeel. Ururkan ayaa xafiiskoodii ugu horeeyay ka furtay magaalada Garowe ee Caasimada dawlada Puntland ee Soomaaliyeed. […]

September 30th, 2017 | Posted in .warka,Boga Dadweynaha | Read More »

Goormaa La Daahfurayaa Mashruuca Lagu Balaarinayo Dekeda Magaalada Boosaaso?

Warsidaha Puntlandi, ayaa ogaaday in todobaadkan ay dawlada Puntland Daahfuri doonto Mashruuca lagu balaarinayo Dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Qabanqaabo balaaran oo loogu diyaargaroobayo Daahfurka Mashruuca ayaa ka socota Boosaaso, waxaana la filayaa in wajiga 1-aad ee Mashruuca laso afmeero ka hor sanadka 2019-ka. Shirkadda DP WORLD oo laga leeyahay wadanka Isutaga Imaaraatka […]

September 30th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Dawlada Puntland Oo Dadweynaha Uga Warbixisay Mashruuca Lagu Balaarinayo Dekeda Boosaaso

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa waxaa ka dhacay kujlan balaaran oo looga hadlay Mashruuca lagu hormarinayo Dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, Maamulka gobolka Bari, maamulka degmada Boosaaso iyo dadweyne kale ayaa ka qayb galay kulanka. Madaxda Wasaaradda Dekedaha Puntland, ayaa dadweynaha reer Puntland uga Xogwaramay […]

September 28th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Maxaa Maanta Ka Cusub Degmada Cadaado?

Wararka Warsidaha Puntlandi kaso gaaraya Cadaado, ayaa sheegaya innaan wali xal laga gaarin khilaafkii Siyaasadeed ee u dhexeeyay Madaxda Galmudug. Warar lagu kalsoonaan karo, ayaa Warsidaha Puntlandi u xaqiijiyay in Carabay iyo Guddoomiyaha Baarlamaanku iyo ku xigeenkiisa ay qabaan in Xaaf uu u hogaansamo go’aanka Baarlamaanka. Wada hadalada ayaa sii socda, walina ma jirto wax […]

September 28th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Khasaaro Intee Le’eg Ayaa Ka Dhashay Qaraxa Ka Dhacay Muqdisho?

Inta la og yahay todobo qof ayaa ku dhintay, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa, ayaa yimi ka dib markii gaari walxaha qaraxa laga soo buuxiyay uu qarxay, kaasi oo la dhigay Maqaayad ku dhow Beerta Nabada. Dadka ku dhintay qaraxa iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa […]

September 28th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Roob Si Habsami Leh Uga Da’aya Puntland

Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, ayaa waxaa maanta ka da’ay Roob, kaasi oo dadka iyo dunyadu ay si wayn ugu diirsadeen. Roobka ayaa biyo dhigay Waddooyinka magaalada Qardho, waxaana uu qayb ka yahay Roob maalmihii tagay ka da’ayay magaalada. Dhanka kale, magaalada Garowe ee Caasimada Puntland, ayaa waxaa saacadihii tagay ka da’ay Roob, kaasi […]

September 28th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Dawlada Puntland Maxay Ka Tiri Heshiiska Ay Shirkadda DP WORLD Ku Dhisayso Dekeda Boosaaso?

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha Puntland Injineer Siciid Maxamed Raage, oo la hadlay Warbaabhinta gudaha, ayaa ka hadlay dhismaha Dekeda magaalada Boosaaso, cabasho kaso yeertay qaar ka mid ah Odayaasha Boosaaso iyo arrimo kale. Siciid Maxamed Raage, ayaa sheegay in dawladu ay diyaar u tahay inay Odayaasha hadlay ka qanciso sida ay u dhisayo Dekeda, hasa yeeshe […]

September 28th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Xoolo Nool Oo Loogu Deeqay Hawlwadeenada Wadada Ceeldaahir Iyo Ceerigaabo

Dadweynaha ku dhaqan deegaanka Midigale ee gobolka Sanaag, ayaa Xoolo nool ood han Lixdan Neef ugu deeqay shaqaalaha Wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo Xoolahan ayaa loogu tala galay in lagu dhiirigeliyo hawlwadeenada wada dhismaha Wadada, waxaana uu qayb ka yahay Xoolo kuwan dhigooda ah oo bulshada ku dhaqan gobolka Sanaag ay horay ugu deeqen. Qaar ka […]

September 28th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Maxaa Maanta Ka Cusub Degmada Cadaado ee Galmudug?

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kana soo jeeda Galmudug, ayaa gaaray degmada Cadaado. Xildhibaanada gaaray Cadaado, ayaa waxaa qayb ka ahaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka sare ee Soomaaliya Abshir Bukhaari. Wararka uu Warsidaha Puntlandi ka helayo Cadaado, ayaa sheegaya in Xildhibaanadu ay la kulmen Madaxda Galmudug, isla markaana ay u […]

September 27th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Dilal Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Kooxo hubaysan ayaa maanta magaalada Muqdisho ku dilay Xoghayihii ururka haweenka Soomaaliya Canab Cabdullaahi Xaashi, ka dib markii ay rasaas ku fureen gaari ay saarnayd. Sido kale, waxaa rasaasta ku dhintay wiil ay  dhashay guddoomiyaha ururka haweenka Soomaaliya, kaasi oo lagu magacaabi jiray Axmed Xaashi Xirsi. Dilkan oo ahaa mid qorshaysan oo ay fuliyeen rag […]

September 27th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Maxaa Maanta Ka Cusub Magaalada Boosaaso?

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 27 September 2017 magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland kulan is xogwaraysi ah kula yeeshay nabadoonada iyo waxgaradka gobolada Sanaag iyo Hayland. Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, taliyaha ciidamada qalabka sida […]

September 27th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Wasiirka Amniga Puntland Muxuu Ka Yiri Hawlgalada Ka Socda Boosaaso?

Ciidamada amniga Puntland, ayaa maalmihii ugu dambeeyay hawlgalo sal balaaran ka waday magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Wasiirka wasaaradda Amniga Dawladda Puntland Axmed Cabullaahi Yuusuf, ayaa markii ugu horaysay Warbaahinta faahfaahin guud ka siiyay ujeedada iyo natiijada hawlgalka ka socda Boosaaso. Axmed Cabullaahi Yuusuf, ayaa sheegay in ujeedada hawlgalku uu yahay sidii loo xakamayn […]

September 26th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Madaxweyne Farmaajo Oo Sucuudi Carabiya U Duulay

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi balaran oo uu hogaaminayo, ayaa u duulay wadanka Sucuudi Carabiya. Farmaajo oo safarkiisi saddexaad ku tagaya wadanka Sucuudi Carabiya, ayaa safarkiisu uu ahaa mid aan caadi ahayn oo horay aan loo shaacin. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka gaabsatay inay faahfaahin ka bixiso safarka Madaxweynuhu uu ku aaday […]

September 26th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Dhagayso) Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Oo Xabsi Guri La Galiyay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, ayaa sheegay inuu Xabsi guri uu galiyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Geele Ducaale Xaaf. Cali Gacal Casir, ayaa sheegay in loo sheegay in muddo dhan shan maalmood ay ku jiri doonaan Xabsiga, waxaana uu xusay in amniga Cadaado ay la wareegen ciidamo ka amar qaata Xaaf, waxaana uu xusay in […]

September 26th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) Maxaa Maanta Ka Cusub Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug?

Guddiga Nabadgalyada gobolka Mudug, ayaa isugu yimi shir aan caadi ahayn, kaasi oo looga hadlay Colaad kaso cusboonaatay Miyiga Gobolka. Guddoomiyaha gobolka Mudug Xassan Maxamed Khaliif oo la hadlay Warbaahinta markkii kulanku uu soo dhamaaday, ayaa sheegay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo hirgalinta heshiiskii horay loo gaaray, isla markaana laga wada shaqeeyo […]

September 25th, 2017 | Posted in .warka | Read More »