“Author Archive”
Stories written by P2

Maraykanka oo dilay saddex xubnood oo Shabab katirsan.

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay qaadeen weerar duqayn ah oo ka dhan kooxda xagjirka ah ee Alshabab, waxayna ku dileen saddex xubnood. Weerarkaan oo ka dhacay meel ku dhow degmada Jilibka ee gobolka Jubada dhexe , ayuu Maraykanku sheegay inaanu jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray shacabka. Maraykanka ayaa weeraro badan oo duqayn ah […]

February 22nd, 2018 | Posted in .warka | Read More »

JOB VACANCY: PUNSAA Legal expert

Job Description Name of the Project Participatory Governance and Peacebuilding Programme Title of the assignment Legal expert Contract type Service Contract – full time Duty station Garowe with travel to other regions in Puntland Duration 3 months ( March – May , 2018) Description of PUNSAA The Puntland Non-State Actors Association (PUNSAA) is a non-governmental, […]

February 22nd, 2018 | Posted in .warka,Xayeysiin | Read More »

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo cafis ufidiyay 1500 maxaabiis ah.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa cafis ufidiyay in kabadan 1500 oo maxaabiis dhaqancelin ugu jirtay xarunta dhexe ee dhaqan toosinta DDSI kuwaas oo isugu jiray nabadiid iyo kuwo galay danbiyo kala duwan kadib markuu gudiga cafiska heer deegaan xaqiijiyay inay saxmeen islamarkaana uu gudigu hordhigay madaxwaynaha DDSI. Sidaasna uu madaxwaynuhuna qalinka ugu duugay. […]

February 21st, 2018 | Posted in .warka | Read More »

(DHEGAYSO) Culimada Bosaso oo baaq kasoo saaray cabashada ka taagan arrimaha Xajka.

Culimada magaalada Bosaaso ayaa shir ay ku qabteen galabta magaalada Bosaaso waxa ay kaga hadleen sicir bararka dhaqaale ee hor taagan Xujayda Soomaaliyeed  ee doonaya inay gutaan waajibaadka Xajka oo kamid ah acmaasha waaweyn ee tiirarka Islaamka. Culimada ayaa ka digay caqabadaha dhaqaale ee xilligaan ka taagan gudashada Xajka inay keenidoonto in dadku gudan waayaan […]

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

February 21st, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka qayb galay Xuska Maalinta Caalimiga ah ee Afka Hooyo.

Ra’iisul Wasaare  Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay munaasabada maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo oo sanad walba 21-ka Febraayo la qabto. Waxaana soo qaban qaabiyay maamulka Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga ee “AGA” iyo Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo kaashanaya Abwaannada Xamar. Waxaa ka soo qayb galay kulanka guddoomiyaha Gollaha Aqalka Sare ee Soomaaliya […]

February 21st, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Madaxweyne Gaas oo Kormeeray Qaar kamida Xarumaha Dawladda Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa maanta kormeer ku sameeyey qaar kamida xarumaha dawladda Puntland ee ku yaala caasimada Garoowe,  xarumahaas oo ay ka mid ahaayeen xarunta Dawladda Hoose, xarunta denbi-baadhista iyo xarunta laanta socdaalka iyo jinsiyadaha. Gaas ayaa ugu horeen waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay xarunta Dawladda Hoose ee Garowe xilli ay ka socotey shaqada maalinlaha ah […]

February 21st, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Wasaaradda warfaafinta Puntland oo ka hadashay xuska maalinta Afka hooyo iyo dhaqanka.

Wasaaradda Warfaafinta dowladda Puntland ayaa galabta xusaysa maalinta caalamiga ahh ee Afka-hooyo oo sannad walba ku beegan 21 febraayo, taasoo ah maalin ku weyn shacuubta Dunida. Warsaxaafadeed kasoo baxay wasiirka wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Cali, oo nuqulkiisa uu soo gaaray warsidaha Puntlandi ayaa lagu sheegay inay dowladda Puntland galabta maamuus qaran u sameynayso ahmiyada ay […]

February 21st, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Ciidanka PSF oo dilay dhagar qabayaal katirsan argigixisada kuwa kalena gacanta ku dhigay.

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay maanta 20 February, 2018 hawlgal dagaal oo qorshaysan oo ka dhan ah cadowga Al Shabaab ka fuliyeen Buuraleyda deegaanada Dhadhaabo iyo Ceeldibir ee Buuraha Cal Madow,Puntland, Soomaaliya. Intii hawlgalkani socday, waxay ciidanka PSF dileen 3 xubnood oo ka tirsan cadowga Al Shabaab , tiro kale oo intaa ka badana waxay […]

February 20th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

(DHEGAYSO) Ciidanka kantaroolka Garowe oo qabtay Rag looga shakisan yahay inay katirsan yihiin argigxisada.

Ciidanka amniga ee ka howlgala kantaroolka konfureed ee magaalada Garowe, ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo looga shakisan yahay iany katirsan yihiin kooxda Alshabab. Labadaan nin ayaa xalay ka dagay gaari xamuul ah oo siday Ari, kaasoo ka yimid magaalada Baladweyne kuna wajahnaa magaalada Bosaso, sida uu sheegay taliyaha qeybta booliiska gobolka Nugaal gaashanle […]

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

February 20th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Faah Faahin :Ciidamada Booliska G/Nugaal Oo Garoowe ku qabtay Gaari siday Raashin dhacay

Taliska Booliska qaybta ee gobolka nugaal ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay gaar nooca candho meedlaha looyaqaan oo siday 50 kartoon oo timir dhacday ah. kar toomadii ay ku jirtay timirtan ayaa lagu buufiyay taariikh buufis ah oo aan ahayn tii loogu talagalay ee ahayd waqtigeedii rasmiga ah. Warbaahinta ayaa sidookale latusay muuqaalka timirtan oo […]

February 20th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

BREAKING NEWS:- Saraakiisha booliiska gobolka Nugaal oo warbaahinta usoo bandhigaya Raashin dhacay oo la qabtay.

Taliska ciidanka booliiska gobolka Nugaal ayaa warbaahinta uga yeeray saldhiga bartamaha Garowe, halkaas oo goor dhow lagusoo bandhigayo gaari Xamuul ah oo sida Raashin dhacay oo la doonayay in la galiyo suuqyada Puntland. Ciidankaan amniga ayaa qabtay gaarigaan, kadib markii ay xogtiisa heleen, waxaana lagu xiray isaga iyo raggii wadayaasha ka ahaa saldhiga dhexe ee […]

February 20th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

(VIDEO) Tartanka kubada cagta kooxaha heerka saddexaad oo galabta ka furmaya Garowe.

Tartanka kooxaha heerka saddexaad ee caasimadda Puntland ee Garowe, ayaa galabta ka furmidoona garoonka Mir-awaare ee magaalada Garowe.Waxaa tartankaan ka qeybgalidoona 16 koox oo uu qiimayn uu ku sameeyay maamulka ciyaaraha gobolka Nugaal. Guddoomiyaha ciyaaraha gobolka Nugaal, Siciid Maxamed Cabdi, oo dhawaan xilkaan loo magacaabay ayaa tartankaan qabanaya markii ugu horeysay.

February 20th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Nugaal oo la magacaabay

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliin sare ee Puntland Abshir Aw Yusuf Ciise ayaa Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal u magacaabay Cabdisamad sheikh Xaamid, sida ku xusan wareegto magacaabis ah oo soo gaartay warsidaha Puntlandi Halkaan hoose ka akhriso.

February 19th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

BREAKING NEWS:- Taliyayaasha nabad sugida, Booliiska iyo Asluubta oo la magacaabay,

Shir deg-deg ah oo ay golaha wasiiraddu yeesheen ayaa lagu magacaabay Taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida iyo Asluubta Soomaaliya, xilalkaas oo ay muddo si kmg ah u hayeen ku xigeenadooda marka laa reebo taliyaha ciidanka Asluubta.   Bashiir Cabdi Maxamed, oo ahaa taliye ku xigeenkii ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa loo liyaha ciidanka booliiska, Taliyaha Nabadsugida ayaa loo […]

February 19th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Madaxweyne Gaas oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid allaha unaxariistee Boqor Xildhibaan  Cumar Ismaaciil Maxamed ( Sanweyne )

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr: Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Tacsi u diray dhammaan Shacabka  Puntland,  Qoyska iyo Eheladii Allaah ha’u naxariistee Marxuun Boqor Xildhibaan  Cumar Ismaaciil Maxamed ( Sanweyne ) oo  ku geeriyooday Boosaaso saaka aroortii,    Marxuun Boqor Xildhibaan Cumar Ismaaciil Maxamed  ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii  lagu Aasaasay Puntland, isla markaana ka mid ahaa […]

February 19th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

(Dhegeyso) Hay’adda maaraynta masiibooyinka Puntland oo walaac ka muujisay abaaraha ka jira Puntland.

Garowe (Puntlandi) Xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanada Puntland ayaa sii siyaasadayaa culayskeeda kadib markii abaartii Sima ay saamayn xooga Puntland ku yeelatay iyadoo deegaanada qaarkood aysan si wanagsan uga curan roobabkii Guga. Agaasimaha Hay’adda Maarayntata Masiibooyinka Puntland, HADMA Cabdulaahi Cabdiraxmaan Axmed Cayrow ayaa sheegay in kormeer ay kusoo sameeyeen i210 deegaan ayna kusoo ogaadeen […]

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

February 18th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

(SAWIRRO) Wasiirka caafimaadka Puntland oo dhagax dhigay xarunta tababarka shaqaalaha caafimaadka Puntland.

Garowe (Puntlandi) Wasiirka caafimaadka dowladda Puntland. Dr. Cabdinaasir Cuuke, ayaa maanta dhagax dhigay xarunta tababarka shaqaalaha caafimaadka Puntland, taasoo noqondoonta xaruntii ugu horeysay ee lagu tababaridoona shaqaalaha caafimaadka. Xaruntaan cusub ayaa laga dhex dhisayaa gudaha dhismaha wasaaradda caafimaadka, waxaana wasiirka dhaga dhiga ku wehliyay agaasimaha guud ee wasaaradda , Dr. Cabdirisaaq Xirsi Xasan, agaasimaha waaxda caafimaadka […]

February 18th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

(VIDEO) Muuse Biixi oo xabsiga u taxaabay siyaasi ku dhawaaqay inuu maamul goboleed udhisayo Saaxil

Siyaasi, Saleebaana Ibrahim Maxamuud, oo kasoo jeeda magaalada Berbera ayaa loo taxaabay xabisga kadib markii uu ku dhawaaqay inay reer Saaxil sameysanayaan maamul ka madax bananan maamulka Hargeysa ee Somaliland. Siyaasigaan ayaa si weyn ugasoo horjeestay wuxuu ugu yeeray boob ay kheyraadka Berbera ku hayaan wasiirka arrimaha dibada Somaliland, Sacad Cali Shirre iyo wiil uu sodog […]

February 18th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Laascaano:- Nin Diin Diin soo qabsaday oo dhibaato weyn ay kasoo gaadhay.

February 18th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

(Dhegeyso)Isimada Puntland oo Shir ka Yeelan Doona Qabsashada Deegaanka Tukaraq iyo guud ahaanba Gobolka Sool

Garaad Cabdilahi Cali Ciid Af-hayeenka Isimada Puntland oo la hadlayay Puntlandi.com isagoo ku sugan Muqdishu ayaa sheegay inaysan aqbali doonin shir ay wado dawlada Somaliya oo Jabuti lagu wado in lagu qabto kaas ay ku wada hadli doonaan Somaliland iyo Somaliya. Garaadka ayaa tilmaamay in ay tahay iyaga ama Wax-garadka gobolada SSC in wax laga […]

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

February 17th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Dowladda Puntland oo amar kusoo rogtay hay’addaha barnaamijyada samafalka ah ka fuliya xarumaha barakacayaasha.

Hay’addaha ka shaqeeya samafalka ayaa lagusoo rogay amar ku saabsan in iyagoo aan oggolaansho ka haysan wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladda hoose aysan wax barnaamij ah ka fulin karin xarumaha barkacayaasha iyo tuulooyinka. Ujeedada ka dambeysa go’aankaan ayaa ah, kadib markii ay dowladdu ogaatay inay jiraan shakhsiyaad iyo hay’adddo ku shaqaysta inay macluumaad ka buuxsadaan […]

February 17th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Baashe Maxamed Faarax oo hadda ogaaday dulmiga beesha dhexe ee Somaliland, calaacalna wehel ka dhigtay.

Guddoomiyaha golaha wakiillada maamulka Hargeysa Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa walaac xoogan ka muujiyay saami­qaybsiga kuraasta baarlamaanka Somaliland iyo cadaalad darrada beesha Isaaq ku hayso beelaha kale ee martida ah Hargeysa. Baashe Maxamed Faarax waxa uu sheegay in golahoodu uu ka kooban yahay 56 kursi oo beesha dhexe ah (Beesha Isaaq) iyo 26 kursi oo […]

February 17th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Soomaali ku xirnaa xabsiyada dalka Libya oo lagu guulaystay in dib loogusoo celiyo Soomaaliya.

Dowladda federalka Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 11 qof oo ah muwaadiniin Soomaliyeed, kuwaas oo kamid ahaa maxaabiistii Soomaaliyeed ee ku xirnaan jiray xabsiyada dalka Libya, kadib markii halkaas ay Tahriib ku galeen. Dadkaan oo isugu jiray dhalinyaro, carruur iyo haween ayaa noqonaya tiradii ugu horeysay ee Soomaali ku dhibaataysanayd dalka Libya oo […]

February 17th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Siyaasi Abgaal,” Muuse Biixi wuxuu dhisay Isaaqistaan ee ma uusan dhisin Somaliland loo dhan yahay.

February 16th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

(DAAWO MUUQAAL)-Dowladda Puntland oo Canshuurtii ka cafisay hantida ku raran Doonta Xafiis

6 kamid Golaha Wasiiradda Dowladda Puntland oo maantay shir saxaafadeed ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay in Canshuurta laga daayey doonta Xafiis oo badbaadinteed lagu guulaystay. Wasiirada Shirka jaraa’id qabtay  oo kala ah Wasiirka Maaliyadda,Cabdullaahi Siciid Carshe(Dhaqaaje) ,Wasiirka Ganacsiga Cabdiweli Xirsi Cabdulle(Indha-guran),Wasiirka warfaafinta Cabdi Xirsi Cali(Qarjab),Wasiirka Amniga Axmed Cabdullaahi Yusuf(Dowlad),Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda […]

February 15th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

DEG-DEG:- Raysalwasaarihii dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn oo iscasilay.

Raysal Wasaarihii dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa iyo sidoo kale hogaamintii xisbigiisa haya talada waddankaas ee EPRDF Iscasilaada Hailemariam Desalegn ayaa ku soo beegantay xilli uu waddankaasi cagaha kula jiro xiisado siyaasadeed iyo rabshado ka dhacay, kuwaas oo sababay in xabsiyada lagasii daayo kumanaan maxaabiis ah. Boqolaal dad ah ayaa ku […]

February 15th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Shirkii gollaha wasiiradda Puntland oo murtiyeed lagasoo saaray

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa looga hadlay, Amniga Dalka, Shirkii Amniga Qaran, Nabadeynta Beelaha Deegaanka Cagaare, Xaaladda Bad-baadinta Doontii Caariday, Xeerka Nidaamka Cabashooyinka Puntland, Wax-kabadelka Magaca Wasaaradda Deegaanka   iyo Warbiximo. Xaaladda Amniga Dalka: Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa warbixin ka dhageystay wasaaradda […]

February 15th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Reer Hargeysa oo gadooday Qaad la’aanta soo food saartay Hargeysa iyo xukuumada oo loogu baaqay in Qaad xumada wax ka qabato.

February 15th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

(AQRISO) Shirkii nabadaynta colaadii koonfurta Sool oo laga gaaray heshiis nabadeed.

Shirkii Nabadaynta Beelaha Cumar Maxamuud iyo Baharsame ayaa lasoo gabagabeeyey is afgarad Colaadii ka dhexaysay labada beelood. Qodobadii lagasoo saaray waxaa kamid ah:- 1:In Colaadii La Joojiyo. 2:In Qolo Kasta Joogto Deegaankeeda Laysku Soo Gudbin Inta Magta La Kala Qaadanayo. 3:In Qolo Kasta Saddex Sano Ku Bixiso Magta. 4:In Dowlada Itoobiya la shaqeyso Gudiyada Nabadeenta. […]

February 15th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Job Vacancies:- Saddex shaqo oo ka banaan Amal Bank

Job Title: Branch Marketing Officer Location: Kismaayo, Laascaano and garowe Reporting to: Branch Manager Position Summary: Branch Marketing Officer is responsible for the development and implementation of the Bank’s Marketing Plan at the branch level. This position is responsible for initiating, developing, driving and overseeing the implementation of marketing and promotional plans including advertising, sales, […]

February 15th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Shirkada biyaha NUWACO oo ka hadashay mid kamid ah shaqaalaheeda oo laga afduubtay Badhan.

Maamulka shirkada biyaha ee Nuwaco ayaa cambaareyay afduub maanta loo geystay mid kamid ah howlwadeenadooda oo la yiraahdo Maxamed Siciid Taako, xilli uu ku sugnaa magaalada Badhan oo ay NUWACO ku guulaysatey inay u saldhigto biyo galintii ugu horeysay. Maamulka Shirkaddu waxay bogaadiyeee  dadaalka ay ugu jiraan maamulka Gobolka Sanaag iyo Odoyaasha Deegaanku sidii xoriyadiisa […]

February 14th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Wasaaradda kalluumaysiga Puntland oo beenisay war dhawaan kasoo baxay Booliiska Thailand.

Wasaaradda kalluumaysiga iyo kheyraadka badda ee dowladda Puntland ayaa maanta beenisay in Doon kalluumaysi oo dhowaan lagu qabtay Thailand, ay si sharci darro ah xeebaha Soomaaliya uga qaadatay 500.000 oo tan oo khayraadka Badda ah. Agaasimaha guud ee wasaaraddu wuxuu sheegay in arrintan xaqiiqadeedu ahayd sanadkii hore ee 2017, isla markaasna la mariyay nidaamka rasmiga […]

February 14th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Shacabka Hargeysa.” Beesha Cali Khaliif iyo Xaglo toosiye waxaan aamini karnaa oo dastuurka u furi karnaa markaan hubka ka dhigno beelahooda

February 14th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia oo ku kulmay Nairobi.

Madaxweynaha Dawlad Gobaleedka Jubbaland Ahmed Mohamed islaam iyo Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia Mudane Abdi Mohamud Omar ayaa saakay ku kulmay magaaalada Nairobi, halkaas oo uu ka socda shir lagu wada hadal siinayo dowladda Etgiopia iyo jabhadda hubaysan ee ONLF. Shirkaan ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gabagabeeyo laganasoo saaro heshiis taariikhihi oo dhabada u xaaridoona […]

February 13th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Maraykanka oo cambaarayn culus ujeediyay maamulka Somaliland.

Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa si xoogan u cambaareysay xariga uu maamulka Hargeysa ugeystay Naciimo Awbaan Qorane oo ah Gabadh Abwaanad ah oo aaminsan fikirka Soomaaliweyn iyo Maxamed Keyse Maxamuud oo dhawaan qoray buug uu ku ammaanayay M/weyne Farmaajo. Qoraal kasoo baxay safaarada ayaa Soomaaliland ayaa loogu baaqay maamulka Hargeysa inay si degdeg ah xoriyadooda […]

February 13th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

(VIDEO) Culimada Puntland oo bayaan kasoo saaray sicir bararka qiimaha Xajka, baaq xoogana udiray dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

Muuqaalka Culimada Nadwada soo jeedinaysay - Masaajidka Xaaji Cali

BAYAANKA CULIMADA PUNTLAND EE KU WAJAHAN DAWLADDA FEDERALKA QODOBADA BAYAANKU TAABANAYO. Annagoo ah culimada Puntland ee ku kulantay Garowe waxaan taageersanahay hannaanka wanaagsan ee dawladda federalku wax ku wado kaasoo ku astaysan maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. Waxaan hadaba baaqaan u soo gudbinaynaa madaxda dawladda federalka, madaxda dawlad-goboleedyada, baarlamaanka federalka, golaha wasiirada, culinmada soomaaliyeed […]

February 13th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Beesha Caalamka oo soo dhoweysay go’aannadii Golaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, dowladaha Itoobia, Talyaaniga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa ayaa soo dhoweeyay go’aannadii Golaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya (NSC) uu ku qaatay kulankii 6-10 Febraayo 2018. Golaha Amniga Qaranka (GAQ) wuxuu ka dooday arrimo asaasi ah sida mas’uuliyadaha amniga, hanaanka doorashada, dib-u-eegista dastuurka iyo qeybsiga kheyraadka […]

February 12th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Omar Mohamud Farah : – ” Dawlada Puntland diyaar ma u tahay ilaalinta Dastuur Federaal ah ?!!! ” .

Omar Mahamoud Farah ( Dhollawa) Dib u eegista Distuurka waa arrin muhiima una baahan in distuurka loo qaabeeyo hab ku salaysan rabitaanka ummadda Soomaaliyeed kana tarjumaya habka Federaaliga ah ee ku salaysan in awooda maamulka dalka hoos laga soo dhiso distuurkana lagu qeexo sida hawlaha loo kala leeyahay, heer Dawlad Dhexe iyo heer Dawlad Goboleed. […]

February 12th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

DAAWO: Kullankii dhexmaray wasiirka dastuurka Soomaaliya iyo guddiga joogtada ee barlamaanka Puntland.

February 12th, 2018 | Posted in .warka,dh | Read More »

Wasiirka amniga Puntland oo maanta ka hadlay ammaanka magaalada Bosaso iyo falalkii argigixisadu ka geysteen.

Wasiirka amniga dowladda Puntland, Axmed Cabdullaahi Yuusuf (Dowlad ), ayaa maanta sheegay inay dowladda Puntland gacan bir ah ku qabanayso xaalada ammaan ee magaalada Bosaso, halkaas oo dhawaan ay ka dhaceen falal argigixisadu ka dambeysay. Wasiirka amniga ayaa hadalkaan ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Bosaso, isagoo ka hadlayay arrimaha ammaanka […]

February 12th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Madaxda Qaranka oo Casho Sharaf Loogu Sameeyey Magaalada Muqdisho.

Madaxweye Gaas iyo wafdigii la socday ayaa xalay  ka qayb galay munaasabad casho sharaf ahayd oo gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxman Cumar Cismaan ( Yariisow ) u sameeyey Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah DFS, Ra’isul wasaaraha Soomaaliya  iyo marti sharaf kale,casho sharaftaan oo ka dhacday xarunta dawladda hoose ee xamar ( EX UFFICIO GOVERNO  ) ayaa […]

February 12th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia iyo jabhadda ONLF oo uu wada hadal rasmi ah uga furmay Nairobi iyo Ergooyinka ka qeyb galya.

Dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia iyo Jabhada ONLF ayaa bilaabay wada hadal rasmi ah oo uga furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa hogaaminaya xubnaha wada hadalka la galaya jamhadda ONLF, taasoo muddo dheer dagaal kula jirtay dowladda Ethiopia. Waa wada hadalkii labaad oo dhexmaraya labada dhinac tan […]

February 11th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Odayaasha gobolka Sanaag.” Habar Yooniseey Faysal Cali Waraabe ceshada ama xirta hadduu xanuusan yahay.

February 11th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Heshiis ku saabsan qeybiga daqliga kasoo baxa kalluumaysiga Soomaaliya oo ay wada saxiixdeen dowladda federalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

HOR-DHAC Annagoo tixgelineyna baahida weyn ee loo qabo ilaalilnta, maareeynta iyo in si joogta ah looga faaiideysto kheyraadka kalluunka badda. Annagoo aqoonsan muhiimadda ay leedahay in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalku ay heshiis ka gaaraan dakhliga Kalluumeysiga. Markaan aragnay baahida loo qabo in ilihii dhaqalaha dalka dib loo soo nooleeyo si […]

February 11th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

War-murtiyeed kasoo baxay Golaha Amniga Qaranka ee Muqdisho ka socday.

Golaha Amniga Qaranka ayaa kulankoodii Lixaad ku yeeshay magaalada Muqdisho, 6-10 Feebaraayo 2018. Shirkaas oo ka dhacay xarunta Maaxtooyada – Villa Somalia ee magaalada Muqdisho. Kulankan oo looga hadlayey arrimaha Amniga Qaranka waxaa shir-guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo halka kulankii looga hadlayey Tubta Siyaasadda loo Dhanyahay uu shir-guddoomiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda […]

February 11th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

BREAKIN NEWS:- Guddigii madaxweyne Gaas u xilsaaray Dabkii ka kacay Garowe oo maanta go’aano soo saaray.

Guddigii dhawaan loo xilsaaray khasaarihii ka dhashay Dabkii Garowe ka kacay ayaa maanta soo saaray go’aano ku saabsan baaritaanki kasoo baxay Dabka iyo tilaabooyin looga feejignaandoono halista ka imaan karta xarumaha shidaalka ee kuyaala meelaha aan musaasibka ahayn. Guddigaan oo uu magacaabay madaxweyne Gaas ayaa warbixinta ay soo saareen waxaa nuqulkeeda uu soo gaaray xafiiska […]

February 10th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Booliiska dalka Thailand oo qabtay Doon kalluumaysi oo jarriif xoogan ka geysatay xeebaha Puntland

Thiland (Puntlandi) Booliiska dalka Thailand ayaa qabtay doon kalluumaysi oo ay saarnaayeen 22 qof isugu jira Thailandese iyo combodian. Doontaan ayaa ka timid xeebaha Puntland halkaas oo la sheegay inay ka haysatay shati ogolaansho kalluumaysi. Balse baaritaankii booliiska Thailand waxaa lagu ogaaday in culayska kalluumaysi ee doontaan shatiga lagu siiyey uu ahaa inay qaadato kalluun […]

February 10th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Ergooyin nabadeed oo gaaray degaanka Maygaagle oo uu ka furmayo shirkada nabadaynta colaadii koonfurta Sool.

Wafti balaadhan oo isku jira Isimo, Cuqaal iyo Odayaal uuna hogaaminayo Garaadka Jaamac Garaad Cali oo ka ambabaxnay tuulada Karin dabayweyn ayaa gaaray Magaaladda Maygaagle, halkaasna waxaa kusoo dhaweeyey beesha Cumar maxamuud oo gogasha dhigtay. Degaanka Maygaagle oo hoos taga degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn, ayaa waxaa furmaya shirka nabadaynta beelaha Cumar Maxamud iyo Baharsame […]

February 10th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

(VIDEO) Wasaaradda caafimaadka Puntland oo aqoon iyo waayo aragnimo shaqo ku taageertay wasiirka caafimaadka Jubbaland oo socdaal ku jooga Garowe.

Garowe (Puntlandi) Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa Garowe kusoo dhoweysay wasiirka caafimaadka maamulka Jubbaland, Cali Xaaji Nuur, kaasoo qibrad iyo aqoon kororsi ugu yimid dowladda Puntland oo horey gacan uga geysatay dhismihii nidaamka dowliga ah ee Jubbaland. Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland, Dr, Cabdirisaaq Xirsi Xasan, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay wasiirka caafimaadka […]

February 10th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Musuqmaasuqii Xajka Somaliya oo la bilaabmay xukuumadda Farmaajo iyo Kheyre.

Waraaq lagu faafiyey baraha bulashada kana soo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, oo ku saxiixanyahay Ra’isul Wasaare ku Xigeenka Mudane: Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa si garab marsan sharciga iyo dawlidnimada Soomaaliya markale ay Shirkadaha caadaystay musuqmaasuqa loogu abaabulay shakhsiyaad u badan dad shaqaale u ah shirkadaha in Ra,iisul wasaare kuxigeenku ugu saxiixo heshiiska xajka sanadkan […]

February 10th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Maraykanka oo Cunoqabatayn kusoo roogay shirkada ganacsi iyo shakhsiyaad lala xiriirinayo Daacish.

Dowladda Maraykanka ayaa maanta oo Jimce ah sheegtay inay cunaqabatayn ku soo rogtey saddex qof iyo saddex shirkadood oo ka soo kala jeeda wadamada Philippines, Turkey, iyo Somalia, kuwaas oo lagu eedeeyey inay taageeraan kooxda argagaxisada ah ee  (IS). Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ayaa bayaan ay baahisay ku xustay inay cunaqabatayn saartay Maxamed Mire Cali Yuusuf […]

February 9th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

BREAKING NEWS:- Ciidanka PSF oo gacanta kusoo dhigay maxaabiis Shabaab ah kadib howlgal ka dhacay Calmadow.

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay hawlgal ballaaran oo dagaal oo ka dhan ah cadowga Al Shabaab ka fuliyeen Buuraleyda deegaanada Dhadhaabo, Ceeldibir, Durduri, Harweyn, Karin Xagarood, Madarshoon iyo Diindigle oo Buuraha Cal Madow oo qiyaastii 35-77km ka xiga dhanka Koonfur Galbeed magaalada Bosaso ee gobolka Bari,Puntland, Soomaaliya. Hawlgalkan dagaal oo socday afartii maalmood ee la […]

February 8th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Maxaa ka jira in taliyihii qeybta booliiska gobolka Bari shaqadii laga joojiyay?

Warsidaha Puntlandi oo xiriiro kala duwan la sameeyay saraakiil dowladdeed oo katirsan madaxtooyada Puntland, ayaa beeniyay qoraal lagu faafiyay baraha internetka oo ku saabsanaa in shaqadii laga joojiyay taliyihii qeybta booliiska gobolka Bari, gaashaanle Cabdixakiin Yuusuf Xuseen. Saraakiishaan oo ka gaabsaday inaan magacyadooda xusno, ayaa Puntlandi u u xaqiijiyay inaanu jirin go’aan si toos ah […]

February 8th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

Taliska nabad galyada wadooyinka Puntland oo maanta soo bandhigay shilalkii gaadiid ee sannadkii hore.

Taliska nabad galyada wadooyinka Puntland ayaa maanta soo bandhigay shilalkii gaadiid ee sannadkii hore ka dhacay degaanada Puntland iyo khasaarihii ka dhashay.

February 8th, 2018 | Posted in .warka | Read More »

(VIDEO) Cali Khaliif oo markii ay xaalada ku xumaatay oo heshiiskii Caynaba u socon waayay aflagaado ugeystay Isimada Dhulbahante.

February 7th, 2018 | Posted in .warka | Read More »