“Author Archive”
Stories written by P2

Madaxweynaha Puntland oo Cisbitaal Digfeer Ku Booqday Qaar Kamid ah Ciidanka Madaxtooyada oo Dhaawac Soo Gaadhey.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 06 December 2017 cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku booqday qaar kamid ah ciidanka Madaxtooyada oo dhaawac  soo gaadhay dhowaan iyagoo ku guda jira difaaca dalkooda. Madaxweynaha ayaa waxaa booqashada ciidanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Qorshayta Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha […]

December 6th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Akhriso heshiis awood qeybsi ah oo ay rasmi ah u wada gaareen Galmudug iyo maamulka gobolada dhexe.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), iyo hoggaamiyaha Ahlusunna Maxamed Cabdi Shaakir ayaa heshiiska wada saxiixday, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha uu la saxiixay. Heshiiskan ayaa qeexaya in hogaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Shaakir uu noqonayo Madaxa Xukuumada dowlad goboleedka Galmudug iyadoo xilkaasi uu yahay mid aysan hore u lahayn maamul goboleedyada dalka. Puntlandi.com

December 6th, 2017 | Posted in Uncategorized | Read More »

Isimada Puntland oo go’aano kasoo saaray shir uga socday Bosaso.

Bosaso (Puntlandi) Shir Isimada Puntland ay ku qabteen Hotel Gacayte ee Boosaaso ayaa maanta lagasoo saaray Go’aanno ku saabsan arrimaha nabad gelyada iyo muranka dekeda Bosaso. Go’aanadaan oo ka koobnaa afar qodob, ayaa saxaafada loo akhriyay.. -In laga wada shaqeeyo Nabadgelyada -Dawladdu inay soo bandhigto Hashiiska Balaarinta Dekedda Boosaaso -In la taageero Mashaariicda Horumarineed, -In tariifada ay […]

December 6th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Dhegayso) Dowladda Puntland oo beenisay in shaqaalaha dowladda aysan mushaar qaadan.

Garowe (Puntlandi) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng, Cabdixakiin Camey ayaa maanta beeniyay im musuq maasuqa ka jira Puntland uu ka dhashay mushaar la’aanta shaqaalaha dowladda, kadib markii sidaasi uu sheegay hanti dhowraha Puntland Hadalkaan ayaa madaxweyne ku xigeenka ka sheegay shirka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa Soomaaliya, shirkaas oo maanta Garowe lagu […]

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

December 6th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(SAWIRRO) Maalinta farshaxanka Puntland oo lagu qabtay Garowe.

Garowe (Puntandi) Xaflad lagu maamuusayay maalinta farshaxanka Puntland oo sannad walba loo qorsheeyay shantsha bia December ayaa lagu qabtay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, iyadoo ay tahay markii saddexaad oo la xuso. Waxaa xafladaan kasoo qeyb galay madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Eng Camey, xubno katirsan golaha xukuumada, aqoonyahano iyo bahda warbaahinta gaar ahaan sawir […]

December 6th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

BREAKING NEWS:- Taliyihii saldhiga suuqa Gaalkacyo oo lagu dilay qarax gaarigiisa loogu xiray.

Gaalkacyo (Puntlandi) War degdeg ah oo nagasoo gaaraya Gaalkcyo yaa sheegaya in tliyihii saldhiga Cusub ee Suuqa Gaalkacyo dhinaca Madaxtooyada Puntland gordhawayd uu ku dhintay qarax loogu xiray gaarigiisa. Allaha u naxariiste Taliyaha Dhintay oo lagu magacaabayCali Ibraahim Cali (Cali Magafe) ayaa la sheegay in uu kayimid hoygiisa, isagoo kusii jeeday goobtiisa shaqada. Goobta uu […]

December 6th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Dowladda Puntland oo ku dhawaaqday xaalad abaareed oo ka jirta 6 gobol oo katirsan Puntland.

Garowe (Puntlandi) Dawladda Puntland ayaa ku dhawaaqay xaalad abaareed oo biyo la’aan darran ah  oo ka jirta meelo bada oo katirsan Puntland. Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Puntland oo ku qornaa Enlish ayaa lagu sheegay abaartu inay ka dhalatay yaraanshaha xilliroobaadka dayrta. Dowladda Puntland waxay sheegtay in xaalada biyo yaraansho ee ka jirta Puntland ay saameysay […]

December 6th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

BREAKING NEWS:- Isku aadka tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo la sameeyay.

Muqdisho (Puntlandi) Tartanka kubadda cagta dowlad-gobolleedyada dalka oo markii labaad lugu qabanayo magaalada Muqdisho ayaa goor dhow la sameeyay sidda ay isugu aadeen dowlad-gobolleedyada ka qeybgalaya iyo gobolka Banaadir. Group A- Gobolka Banaadir Galmudug Jubbaland Group B- Puntland, Hirshabeelle Koonfurgalbeed Tartanka waxaa uu furmi doonna Jimaha soo socota oo ay bisha ku beegan tahay 8-da […]

December 5th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Wiil uu dhalay Cali Cabdalla Saalix oo wacad ku maray inuu Aabihii u aargudidoono.

Sanca (Puntlandi) Axmad Cali Cabdalla Saalix oo ah curadka madaxweynihii hore ee dalka Yemen, Cali Cabdalla Saalix, ayaa wacad ku maray inuu u aargudidoono Aabihii oo shalay si fool xun loogu dilay magaalada Sanca ee dalkaasi. Axmad Cali Cabdalla Saalix oo taliye u ah 80,000 askari oo ah Unuga ilaalada Jamhuuriyadda, ayaa sheegay inuu isagu hogaamindoono dagaal […]

December 5th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Madaxweynaha Puntland iyo Danjiraha Dalka Jarmalka ee Soomaaliya oo Muqdisho Ku Kulmay.

Madaxweynaha Puntland iyo Danjiraha Dalka Jarmalka ee Soomaaliya oo Muqdisho Ku Kulmay. Mdaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 04 December 2017 kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Miss. Jutta Frasch. Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda […]

December 5th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Ka Qayb Galay Shirka Madaxda Soomaaliya Iyo Beesha Caalamka.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad muhiim ah ka jeediyey furitaanka shirka amniga ee u dhexeeyey Madaxda qaranka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ayaa sheegay in Soomaaliya u baahan tahay in si wada jira oo adag loosugo amaanka iyadoo la xoojinayo hay’addaha amaanka si  Soomaaliya looga cidhib-tiro kooxaha argagixisada ah ee Alshabaab, […]

December 4th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(VIDEO) Madaxweynihii hore ee dalka Yaman Cali Cabdalla Saalax oo maydkiisa lasoo bandhigay.

Madaxweynihii hore ee dlaka Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa lagu dilay dagaal uu Xuutiyiinta kula galay magaalada Sanca. Telefishin ay Xuutiyiinta maamulaan oo lagu magacaabo al-Masirah ayaa baahiyay muuqaalka nin wasiirka arrimaha gudaha lagu sheegay oo shaacinaya in “la afjaray dhibaatada maliishiyada khiyaanada qaran sameysay, lana dilay hoggaamiyahooda”. Dad ka tirsan xisbiga Mr Saalax ayaa […]

December 4th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

SOMALIA SECURITY CONFERENCE, MOGADISHU 4th December 2017 COMMUNIQUE

On 4 December 2017 the President of the Federal Government of Somalia, H.E. Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmaajo” convened the Somalia Security Conference in Mogadishu with representatives of the Federal Member States of Somalia and the Benadir Regional Administration. The conference was co-convened by the United Nations and African Union, and attended by 29 of Somalia’s […]

December 4th, 2017 | Posted in .warka,News in English | Read More »

Sidee xulka kubada cagta Puntland loogusoo dhoweeyay magaalada Muqdisho.

Xulka kubada cagta Puntland ayaa maanta si dhiiran loogusoo dhoweeyay magaalada Muqdisho, iyagoo halkaas uga qeyb galaya tartanka kubada cagta maamul goboleedyada. Sawirradaan hoose ayaa isugu jira markii ciyaartoydu ay ka duulayeen garoonka kumeel gaarka ah ee diyaaradaha Garowe iyo markay gaareen Muqdisho.

December 4th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Yemen ex-President Saleh killed by Houthis – Iranian media citing sources

Former President of Yemen Ali Abdullah Saleh has been killed by Houthi fighters, according to reports by Iranian media citing informed sources. However, Saleh’s party denies reports of his death. Both Iranian state Press TV and private Tasnim News Agency‏ reported the alleged death of the former Yemeni leader. The deposed leader was reportedly killed […]

December 4th, 2017 | Posted in .warka,News in English | Read More »

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Baarlamaanka horgeeyay Miisaaniyada 2018

Garowe (Puntlandi) Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa maanta oo isniin ah golaha wakiiladda hor-geeyay miisaaniyadda Puntland ee sanadka soo socda 2018-ka, taasoo nuqulkeeda loo qeybiyay xildhibaanada. Wasiirka Maaliyadda mudane Carshe, ayaa sheegay Miisaaniyadda dowladdu inay dhan tahay $92,713,364 milyan, waxaana uu sheegay in Miisaaniyadda laga saaray lacago laga filayey in laga helo […]

December 4th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawiro) 514 Arday Oo Ka Qalinjabiyay Jaamacadda Bariga Afrika

Munaasabad ay ku qalinjabiyeen Dufacadii 17-aad ee ka qalinjabisay Jaamacadda Bariga Afrika, aya ka dhacday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Munaasabada ayaa waxaa ka qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, maamulka Jaamacadda, Waalidiin iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Aadan Sheekh Doon Cali ayaa hambalto iyo Boggaadin u jeediyay Ardayda dhamaysatay Jaamacadda, […]

December 4th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(SAWIRRO) Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland oo sagootiyay xulka kubada cagta Puntland.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Puntland, Cabdiraxmaan Sheikh Axmed Cabdulle iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cumar Faraweyne, ayaa maanta Garowe ka sagootiyay Xulka Kubadda Cagta Puntland oo Muqdisho u duulay. Xulka kubada cagta Puntland, ayaa ka qayb galaya horyaalka kubada cagta ee maamul Goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaasoo dhowaan ka furmaya Muqdisho. Wasiir Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay xulka […]

December 4th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Xulka kubada cagta Puntland oo maanta Muqdisho usafraya

Garowe (Puntlandi.com) Xulka kubada cagta Puntland ayaa maanta u safraya magaalada Muqdisho ee caasimada gobolka Banaadir, si ay uga qaybgalaan tartanka kubada cagta ah dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Tartanka kubada cagta ah ayaa waxa uu magaalada Muqdisho ka furmayaa todobada bishaan sida uu qorshuhu yahay, waana sannadki labaad oo xiriir ah oo la qabanayo. […]

December 4th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Jaaliyadda Puntland ee Londan oo dib udhiska isbitaalka Gaalkacyo ugu deeqday $8000.

Gaalkacyo (Puntlandi) Jaaliyada Puntland ee Londan ee dalka Ingiriiska ayaa lacag $8000 gaarsiiyay guddiga dib udhiska isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo. lacagtaan ayay jaaliyaddu ugu talo gashay inay kaga qeyb qataan dhismaha ka socda qeybihii horey u burburay oo hadda meel wanagsan maraya Guddga ayaa shir ay ku qabteen isbitaalka gudihiisa waxa ay kaga warameen […]

December 4th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Xildhibaan Sareedo.” Xildhibaanada maalin kasta warbaahinta la taagan hebel ayaa la dhiibay maxay uga hadli la’yihiin inuu cadaalad helo Wasiir Siraaji.

December 4th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(SAWIRRO) Waa sidee dhaqdhaqaaqa dekeda magaalada Bosaso?

Dekedda Boosaaso waxaa ku soo xirtay Saddex doonyood iyo laba markab oo waaweyn , kuwaas oo qeybna lagu wado dajin iyo saarista xoolo la dhoofinayo . Labada markab ee soo xirtay mid kamid ah waxa uu wadaa Shidaal , halka kan kalana uu wado sibir sida xogta ay igu siiyiin masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Dekedaha […]

December 3rd, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Ka Qayb Galay Shirka Amniga Qaranka oo Muqdisho Ka Furmay.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa manta oo ay taariikhdu tahay 03 December 2017 ka qayb galay shirka Amniga Qaranka Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay. Shirka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane. Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Mahdi Maxamuud Guulleed […]

December 3rd, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Haweeney Soomaalida aflagaadeyn jirtay oo laga tuuray liiska musharaxiinta barlamaanka Sweden.

Amineh Kakabaveh oo ah haweeney asal ahaan kasoo jeedo dalka Iiraan, kana tirsan xisbiga Vänsterpartiet ee dalka Sweden, ayaa sanadkan laga tuuray liiska musharaxiinta baarlamaanka xisbigaas ee baarlamaanka Sweden. Haweeneydan ayaa sanadkii 2014 kujirtay booska 4-aad ee musharaxiinta baarlamaanka xisbigaas ee magaalada Stocklom, balse sanadkan ayaan gabi ahaanba aan lagu soo darin liiska dadka u […]

December 3rd, 2017 | Posted in Uncategorized | Read More »

Wasaarada Deegaanka Puntland iyo hay’adda ARC oo biyo Xireen cusub ka dhagax dhigay Deegaanka Falar-yaale ee gobolka Sool.

Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL oo kaa shanaysa Hay’adda ARC International ayaa biyo xireen cusub ka dhagax dhigtay Deegaanka Falaryaale oo katirsan Gobolka Sool, biyo xireenkan ayaa ah mid casri ah islamarkaasna la jaanqaadaya kawa laga dhiso dunida horumartay waxaana ay tani qayb ka tahay Siyaasada wasaarada Deegaanka Puntland ee ku aadan ka faa’iidaysiga […]

December 3rd, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Wasiir Ashkir.” Raysal Wasaare Kheyre hanoo fasiro Soomaaliyada Cusub waxa uu ka wado.

Ugu horrayn Waxaa Jira laba heer oo Ereyada loo macneeyo;waa tan Kuwaadee (Musdalax) oo ah: Sida Ereyga luuqad ahaan loo Fasiro;Waa tan labaadee (Mafhuum) oo ah:Macnayaal uu Ereyga wadan karo oo ka baxsan tan luuqadda kaliya ah. haddaba, hal-ku-dhagga ah: “Soomaaliyada Cusub” ma iska tiri Xukuumadda Raysal Wasaare Khayre,mise Macno intaa ka fog oo loo […]

December 2nd, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Hay’adda la dagaalanka AIDska Puntland ( PAC) oo Garowe ku qabatay kulan ku saabsan wacyi-gelinta bulshada ee halista cudurka AIDs-ka

Iyadoo shalay la xusay maalinta caalamiga ah ee cudurka AIDS-ka oo ku beegan 1 Dec sannadkasta, ayaa xalay magaalada Garoowe lagu qabtay kulan isugu jiray casho sharaf iyo ka wacyi-gelinta bulshada ee halista cudurkaan. Munaasabad ballaaran oo ay ka soo qaybgaleen madaxweyne ku-xigeenka Puntland,guddoomiyaha Baarlamanka, xubno ka socday golaha wasiirada,madaxda hay’adda la-dagaallanka AIDS-ka Puntland ee […]

December 2nd, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo Muqdisho soo gaaray rajo wanaagsana ka muujiyay shirka Amniga Qaranka ee ka dhacaya Muqdisho

Kismaayo, December, 2, 2017 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka koobna labada gole iyo Masuuliyiin kale Xildhibaano katirsan Baarlamaanka JSF iyo Masuuliyiin kala duwan ayaa wafdiga Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradah Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.  Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa […]

December 2nd, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Gaas oo u safray magaalada Muqdisho.

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saakay u safray magaalada Muqdisho ee xarunta gobolka Banaadir. Madaxweyne Gaas ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qayb galka shirka Amniga Qaranka oo maalinta berrito la filayo inuu ka furmo Muqdisho, Shirkii Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowladadaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir ayaa la isku […]

December 2nd, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Goorma ayaa la bilaabayaa dhismaha Wadada Eyl iyo Dangorayo?

Garowe (Puntlandi) Shirkadka CCECC ee laga leeyahay dalka China ayaa soo bandhigtay qaabka ay u dhisi lahayd iyo waqtiga uu bilaabanayo dhismaha wadada laamiga ah ee isku xiridoonta degmooyinka Eyl iyo Dangoryao. Shirkada CCECC Waxa ay degaanka Qarxis ee gobolka Nugaal ka samaysteen xaruntii ay ku shaqayn lahaayeen shirkadaas, iyaga oo uga gudbay degamda Eyl oo […]

December 2nd, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Golaha Walaalaynta Bulshada Iyo Qabyaalad Diidka oo lagu dhowaaqay soona saaray warbixintoodii ugu horeysay.

Shirweynahaan oo ay kasoo qaybgaleen ergooyin ka kala yimid magaalooyinka Gaalkacyo, Burtinle, Buuhoodle, Laascaanood, Garoowe, Qardho, Boosaaso iyo Baran, waxaana lagaga dooday siyaabaha iyo waddooyinka ugu munaasibsan ee dadkeena loo walaalayn karo, qabyaaladda iyo isnacaybkana looga saari karo, dhismaha gole shaqadaas u taagan, axdiga golaha, qorshaha shaqada iyo xulashada guddiyadii maamul ee golahaas. Dood socotay […]

December 2nd, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Xildhibaanada labada aqal ee beesha Daarood oo ka digay dhaqan jamhadeedka iyo abaabul beeleedka ka socda Xamar.

Xildhibaano Isugu jira labada aqal ee Baarlamaanka ayaa maanta ku kulmay hotel Jasiira Ee Magaalada Muqdisho waxayna shirkooda kaga hadleen xaalada siyaasada dalka iyo sida xayndaab adag loogu noqon lahaa dowladnimada Somaliya. Intaas kadib Furitaanka shirka xildhibaanada Beesha daarood ayaa lagu sameeyay gudi ka Shaqeeya isku xirka iyo wada shaqaynta xildhibaanada beelaha daarood sidoo kale […]

December 1st, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Garowe Dib Ugu Soo Laabtay.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 01 December 2017 dalka dib ugu soo laabtay, kana soo degey magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland, kadib safar shoqo oo ay ugu maqnaayeen dalka Ethiopia. Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey […]

December 1st, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawirro) Munaasabad lagu maamusayay xuska dhalashada Nabigeena Muxamad N.N.K.H oo Garowe lagu qabtay.

Munaasabad lagu maamusayay xuska dhalashada Nabigeena Muxamad N.N.K.H ayaa lagu qabtay magaalada Garoowe, waxaana munaasabadda ka qeybgalay Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Cadaalada iyo Arimaha Diinta Puntland. Munaasabadan oo aheyd mid ay soo qaban qaabiyeen culimaa’udiinka Ahlu sunna Waljamaaca ee ku nool magaalada Garoowe ayaa waxaa lagu xusayay dhalashada Xabiibkeena Muxamad N.N.K.H. Munaasabadda ayaa waxaa ka […]

December 1st, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Fwd: Maalinta AIDS-ka Dunida oo Garoowe laga xusay [Sawirro]

Puntland- Waxaa laga xusay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe, Maalinta Caalamiga ah [1 December, 2017] ee loo asteeyay Cudurka AID-ka, kasoo sannadkan hal ku dhig looga dhigay Caafimaadku waa Xuquuq Sugan iyo Aan CiribtirnoTakoorka. Munaasabad ay soo qaban qaabisay hay’adda Puntland u qaabilsan AIDS-ka ee PAC, ayaa looga hadlay cudurkan iyo sida bulshada looga wacyigalin […]

December 1st, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Gudoomiyaha Dhalinyarada Puntland iyo Hay’adda PDRC oo Qardho ku qabtey Barnaamijka baraaruga Bar-baarta.

Gudoomiyaha Dhalinyarada Puntland Aweys Axmed Sardheeye oo kaashanaya Hay’adda Hormarinta iyo  Cilmi baarista Puntland ee PDRC ayaa magaalada Qardho ku qabtey Barnaamij lagu dhiiragalinayo dhalinyarada Baraaruga Hormarineed ka wada Magaladaasi. Barnaamijkan oo mid aad u balaaran ayaa waxaa ka so qayb galay Maamulka Degmada Qardho,kan Gobalka,Taliska Booliska,Dhalinyaro,Haween,waxgarad iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada,waxaana qaybtiisa hore […]

December 1st, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Wasaarada Deegaanka Puntland iyo Hay’ada ARC oo Dhismaha Biyo Xireeno cusub ka bilaabay Degmooyinka Iskushuban, Buraan, Waaciye iyo Xumbays.

Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL oo kaa shanaysa Hay’adda ARC International ayaa biyo xireeno ka dhagax dhigay deegaano katirsan Degmooyin ka tirsan  gobolada Bari, Karkaar iyo Haylaan ee Puntland, biyo xireenadan oo ah kuwo casri ah islamarkaasna la jaanqaadaya kawa laga dhiso dunida horumartay ayaa laga dhagax dhigay deegaanada Qodax, Sheerbi, Balli-busle, Xiriiro iyo […]

December 1st, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Golaha Wasiirada Jubbaland oo Ansixiyay Miisaaniyada Sanadka 2018 kana hadlay sababta loo baajiyay Ciyaarahii Dowlad Goboleedyada ee lagu qaban lahaa Kismaayo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada Jubbaland oo lagaga hadlay qodobo kala duwan. Ugu horayn Wasiirka Amniga mudane Cabdirashiid Janan ayaa laga dhagaystay xaaladaha amniga ee deegaanka iyo waxyabahii ugu danbeeyay. Wasaarada Beeraha ayaa soo bandhigtay qorshe ay doonayso in lagu xakameeyo cabashooyin ka […]

November 30th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Shirkii Golaha Xukuumadda Puntland oo looga hadlay, Amaanka, Firxadka Al-shabaab iyo Warbixinno.

   

November 30th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Sawirro-Macalimiin Ka Qalin Jebiyey Kulliyadda GTEC ee Mgaaalada Garoowe.

Kulliyadda macalimiinta Garoowe ee GTEC ee magaalada Garoowe ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad qalin jebin ah oo loo qabtay 110 macalin oo kulliyadda baraha ama macalinimada ka bartay kulliyadda GTEC. Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare, maamulka kulliyadda GTEC, macalimiinta kulliyadda, macalimiinta qalin jebisey, waalidiin, […]

November 30th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Dhegayso) Dowladda Puntland oo si rasmi dowladda federalka ugu wareejisay 2.400 askari oo kamid noqondoona ciidanka xooga dalka.

Waxaa maanta Xerada 54 aad Ee Garowe lagu qabtay Xaflad lagu wareejinayay ciidamo katitrsan kuwa Daraawiishta Puntland, oo  ku biiraya Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed. Ciidankaan oo tiro ahaan gaaraya 2.400 oo Askari, ayaa  qayb ka ah ciidama laga qorayay Maamulada xubnaha ka ah Dawladda federalka dhexe, waana heshiis horey loo kala saxiixday oo ku saabsanaa […]

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

November 30th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Xoghayaha cusub ee dowladda hoose Garowe oo la wareegay shaqadiisa.

Garowe (Puntlandi) Xoghayaha cusub ee dowladda hoose Garowe, Maxamuud Cali Xassan, ayaa maanta la wareegay xilkiisa dhowaan loosoo magacaabay, wuxuuna xilkaas kala wareegay Cabdiqafaar Cabdiraxmaan oo muddo labo sano ah xafiiska joogay. Cabdiqafaar Cabdiraxmaan, ayaa guul iyo horumar u rajeeyay masuulka xilka kala wareegay, isagoo sheegay inuu xilku meerto yahay islamarkaana uu soo dhoweynayo go’aankii wasaaraddaha arrimaha gudaha kasoo […]

November 30th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Mareykanka oo beeniyay weerarkii Barriire in dad rayidka ah lagu dilay.

Muqdisho (Puntladi) Dowladda Maraykanka ayaa beenisay in wax shacab ah ku dhinteen weerarkii ay 25-ka bishii August laga fuliyay degaanka Barire ee gobolka Shabellada hoose, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan 10 qof oo hubaysanaa. Taliska Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay baaritaan uu sameeyay inuu ku xaqiijiyay in dadka la bartilmaameesaday ay ahaayeen maleyshiyada Shabaab, wuxuuna […]

November 30th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

BREAKING NEWS: 2,500 askari oo katirsan ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa maanta lagu wareejiyay dowladda federalka.

Dowladda Puntland ayaa maanta oo khamiis ah si rasmi ah dowladda federalka Soomaaliya ugu wareejisay masuuliyadda 2,500 askari oo katirsan ciidanka Daraawiishta Puntland ee fadhigoodu yahay xerada General Maxamed Dirir (Ex- 54-aad), ee magaalada Garowe. Munaasabad haatan ka socota xarunta xeradaas ayaa hadalkaan wareejinta ciidanka waxaa ku dhaawaqay madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Eng. Camey. […]

November 30th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(SAWIRRO) Iskusoo bax lagu weynaynayo dhalashada nabiga oo lagu qabtay Gaalkacyo.

  Iskusoo bax lagu soo dhawaynayo dhalashada Nabigeena Muxamed NNKH ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Waxaa soo agaasimay iskusoo baxaan Culimaa’udiinka Ahlusuna waxaana Dadka ka qayb galay oo Isugu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada ay gaarayeen Boqolaal dadwayne aha. Waxaa la arkayay gaadiidka raaxada oo socod ku maraya wadooyinka degmada […]

November 29th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Gudoomiyaha Dhalinyarada Puntland oo garab istaagay Dhalinyarada isxilqamayaasha Qardho.

Gudoomiyaha Dhalinyarada Puntland Aweys Axmed Sardheereye oo maalmahan socdaal shoqo ku marayay Gobalada Puntland ayaa maanta Dhalinyarada Isxilqaamayaasha “Hormuud baan nahay” ee Degmada Qardho kala qayb qaatey Ol’ole nadaafeed oo isku jiray Qashin uruurin,Gubis iyo xaaqida wadooyinka . Gudoomiyaha Dhalinyarada Puntland Mudane Sardheeye ayaa dhalinyarada isxilqaamayaasha u balan-qaaday in uu sii labo jibaaridoono taageerada uu […]

November 29th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(SAWIRRO) Mac-hadka SIDRA oo soo bandhigay Daraasad uu ka sameeyay soo noqnoqashada Abaaraha Soomaaliya.

Mac-hadka horumarinta cilmi baarista Soomaaliyeed ee SIDRA, ayaa maanta Garowe kusoo bandhigay daraaasad cilmi baaris ah oo ay ka sameeyeen sababaha mar walba soo cel celiya abaaraha ku dhufta Soomaaliya. Daraasadaan ayaa soo bandhigeeda waxaa ka qeyb galay aqoonyahano ku xeeldheer arrimaha deegaanka iyo masuuliyiinta katirsan dowladda Puntland. Hadaba halkaan hoose ka akhriso daraasadii SIDRA […]

November 29th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Madaxweynaha Hishabelle oo magacaabay wasiiraddiisa cusub (Akhriso Liiska)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa goor dhow ku dhawaaqay gole wasiir oo ka kooban 20 wasiir, 20 wasiir ku xigeen iyo 17 Wasiiru dowle. Halkan ka akhriso Liiska Golaha Wasiiradda.          

November 29th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Dowladda Puntland oo feejignaan sare kaga jirta qatarta amni ee firxadka Alshabab.

Dowladda Puntland ayaa gashay feejignaan oo ka dhan ah qatarta amni ee kaga imaan karta firxadka maleyshiyaadka Alshabaab ee ka baxsanaya duqaymaha Maraykanka uu kula beegsanayo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. iyagoona doonaya inay gabbaad ka helaan buuraleyda Golis. Sida warsidaha Puntlandi uu xogta ku helayo waxay dowladda Puntland xoojisay ammaanka baraha kantaroolada ee lagasoo galo Puntland, […]

November 29th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Saddex qof oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Garowe.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, labo kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo xalay saqdii dhexe ka dhacay duleedka Bari ee magaalada Garowe. Shilkaan ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari yar oo ay la socdeen dadka shilkaan galay, kuwaas oo maydkooda iyo dhaawacooda la geeyay isbitaalka guud ee Garowe. Gobolka Nugaal ayaa […]

November 29th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Dhagayso) Puntland Oo Soo Bandhigtay Farqiga U Dhexeeya Khidmooyinka Dekedaha Soomaaliya

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekedaha, gaadiidka badda Puntland iyo ka hortaga dambiyada ka dhaca Badaha Cabdi Majiid Samatar Jaafaan oo Warbaahinta kula hadlay Dekeda magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in Dekeda Boosaaso ay tahay Dekeda ugu raqiisisan Dekedaha ku yaala dalka Soomaaliya. Jaafaan, ayaa sheegay in Dekeda Boosaaso ay aaad iga raqiisan tahay Dekedaha Berbera iyo […]

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

November 28th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Soomaali lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah

Maxkamad kutaala magaalada Gotoberg ee dalka Sweden ayaa 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay nin Soomaali ah oo lagu helay danbi ah isku day dil oo uu u geystay sagaal qof oo ku sugnaa goob suuq ah. Labo qof oo kamid ah dadkii ku sugnaa goobta uu ninka soomaaliga ah weeraray ayaa waxaa soo […]

November 28th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

BREAKING NEWS: 300 Shabaab ah oo saacadaha soo socda isku dhiibaya Jubbaland.

Ilaa 300 maleeshiyo kamida ururka Alshabaab ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo isku dhiibaan Mamaulka gobolka Gedo ee jubbaland. Maleyshiyooyinkaan waxaa hogaaminaaya horjooge magaciisa lagusoo koobay  Fiilow.    

November 28th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

Maraykanka oo duqayn la beegsaday Daacishta ku sugan gobolka Bari

Milatariga Maraykanka ayaa qaaday duqayn oo ka dhan kooxda Daacisg ee ku sugan bururalayda gobolka Bari ee Puntland. Duqayntaan ayaa lagu dilay mid kamid ah argigixisada. War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Maraykanka ee Afrika ayaa sheegaya duqayntaan inay dhacday shalay galab oo ahayd isniin, iyadoo la kaashanaysay dowladda federalka. Dowladda Maraykanka ayaa horaantii […]

November 28th, 2017 | Posted in .warka | Read More »

(Sawirro) Jaaliyadda Puntland ee dalka Germany oo maanta deeq dawo ah ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka.

jaaliyadda Puntland ee dalka Jarmalka ayaa Maanta deeq-dawo ah ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland. Deeqdaan ayaa ka kooban 5 tonne oo isugu jirta noocyada kala duwan dawooyinka. Guddoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee dalka Jarmalka, ahna Xoghayaha guud ee Midowga jaaliyadaha Yurub,Maxammed Cabdiraxmaan Cali Ciise,oo deeqdaan ku wareejiyey wasiirka caafimaadka dowladda Puntland,. Dr. Cabdinaasir Cismaan Ciise(Cawke), […]

November 27th, 2017 | Posted in .warka | Read More »