Banaanbaxyo lagu dhaliilayo Filimkii ka dhanka ahaa diinteena Islaamka oo Buuhoodle ka dhacay.
Buuhoodle(Puntlandi.com):- Banaanbaxyo lagu dhaliilayo loogana soo horjeedo Filimkii ka dhanka ahaa diinta Islaamka ee lagu sameeyay wadanka Maraykankan ayaa ka dhacay Magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn.
Banaanbaxyadan oo ay ka aynaadanayeen Boqolaal dadweynaha oo wata Boorar ay ku qoranyihiin Ereyo lidi ku ah filkaasi iyo cida samaysay ayaa waxaa si weyn loogu muujiyay dareenka dadweynaha Soomaaliyeed ee Muslimiinta iyo sida ay uga caroodeen gafka eexan eel ala maagay diinta islaamka iyo Nabigeenada Muxamad SWC.
Banaanbaxyadan oo ay si weyn uga qaybqaadanayeen Culimaa’udiinka Soomaaliyeed iyo Indheergaradka ayaa waxay banaanbaxayaasho socod dheer ku mareen wadooyinka waaweyn ee magaalada iyagoo aad ugu dhawaaaya Ereyo ay ka dhan ah Filimkaasi iyo dadka sameeyay, Cod dheerna ku diiday soo saarida Filimkaasi sidoo kalana Cod eexan ku sheegay in aysan aqbalayn khaladaadka muuqda iyo gafka weyn ee loo gaysanayo Diinta islaamka iyo Nabigeena Muxamed SWC.
Banaanbaxayaashu waxay sidoo kale banaanbaxoodan ku sheegeen in aysan marnaba ogolaanayn dambiga laga galayo Shucuubta Islaamka ah islamarkaana lagu muuaal xumaynayo.
Banaanbaxani wuxuu magaalada Buuhoodle ka socday mudo saacado ah oo xiriirsan waxaana ka qaybqaadanayay Dhamaan qaybaha kala duwan ee shacabka Muslimiinta ah sida Ardayda, Waalidiinta, Haweenka, Odayaasha, Dhalinyarada, Aqoonyahanka, Culimaa’udiinka iyo dhaamaan qaybaha kale ee bulshada wuxuuna la xiriiray oo daba socday banaanbaxyada ka dhacaya wadamada Islaamka iyo qaybaha kale ee Soomaaliyeed oo looga soo horjeedo Filimka loogu aflagaadooday Nabigeena Muxamed SWC iyo DIinteena Islaamka.
www.puntland.com


