|

Bangiga Amal oo qabtay wajigii labaad ee maalgelinta ganacsatada yaryarka ee Garowe.

Bangiga Amal oo ujeedooyinkiisa ay ka mid tahay horumarinta bulshada ayaa qabtay wajigii labaad ee maalgelinta iyo tababarida ganacsatada haysata ganacsiga yaryar ee magaalada Garowe, si kor loogu qaado hab nololeedkooda xirfadeed iyo wax soo saar

Barnaamijkan oo ganacsatada lagu siiyay lacago amaah ah oo aan faa’ido la socon (AlQardul Xassan) waxaa ka ka faa’idaystay 30 dumar ah oo katirsan haweenka ganacsatada yar yarka ah.

Wajigii hore ee barnaamijkaan waxaa ka faa’idaystay 40 dumar ah.

Cali C/qaadir Ciise oo ah maamulaha Amal Bank faraca Garowe ayaa u mahad celiyay masuuliyiinta iyo shaqaalaha ee bangiga faraciisa Garowe iyo ka qeyb galayaasha tababarkaan.

Cali ayaaa sheegay barnaamijkaan inuu ka mid tahay mashruuca maalgelinta ganacsiga yaryar ee Amal Micro-finance, kaasoo waayadan uu Bangiga Amal ka waday dhamaan degmooyinka dalka.

DAAWO SAWIRRADDA.

Puntlandi.com

 

 

You must be logged in to post a comment Login