|

Barlamaanka Hirshabelle oo ka laabtay mooshinka laga keenay guddoomiyaha barlamaanka maamulkaas.

39 xildhibaan oo dhawaan mooshin xil ka qaadis ah ka keenay guddoomiyaha barlamaanka maamulka maamulka Hirshabelle, Sheikh Cismaan Barre Maxamed, ayaa dib uga laabtay mooshinkaas kadib markii laga jawaabayay dalabkoodii.

Xidlhibaanada mooshinka keenay ayaa laga ogolaaday in dib u eegis lagu sameeyo qodobo ku jira dastuurka uu leeyahay maamulka Hirshabelle , qodobadaas oo ah kuwo awoodo dheeraada ah siinaya madaxda maamulka.

Ergo ka socotay dowladda federalka Soomaaliya oo loosoo diray Jowhar ayaa dhex gashay arrintaan, waxaana habeenkii xalay lagu guulaystay in mooshinkaas la xaliyo.

Xildhibaanada ayaa aad uga cabananayay awoodaha uu barlamaanka hirshabelle ku leeyahay dastuurka, kuwaas oo aan ku jirin kuwo awood u ogolaanaya inay la xisaabtamaan madaxda maamulka, waana arrinta keentay inay xildhibaanada si degdeg ah u dalbadaan in dastuurka lagu cadeeyo awoodaha uu barlamaanka leeyahay.

Sidoo kale, xildhibaanada ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha barlamaanka maamulkaas inuu gudan waayay waajibaadkiisa shaqo xilli uu muddo sagaal bilood ah ku fadhiyo kursiga.

Puntlandi.com

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login