|

Barlamaanka Puntland oo kala diray guddigii sare ee garsoorka Puntland

(Pi Garowe) Barlamaanka dowladda Puntaland ayaa maanta oo arbaco ah kala diray Gudigii Garsoorka Maxkamada Sare ee Puntland, kadib markii uu sheegay inay dhammaatay muddo xileedkeedii. Maxkamada sare ee Puntland ayaa lagu kala diray fadhi uu maanta barlamaanku yeeshay  Garowe.

Madaxweeynaha dowladda Puntland ayaa 5 bilood ugu soo daray Mudada xil Hayntooduna masuuliyiinta maxkamada sare, laakiin barlamaanka Puntland ayaa diiday.

Madaxwaynaha Puntland ayaa laga Sugayaa in uu soo magacaabo Maxkamada Sare ee Puntland oo ka kooban 5Xubnood oo kal ah Gudoomiye, ku xigeen iyo Sadex Garsoore

Puntlandi.com

Comments are closed