|

BARRAARUGGA DHALINTA BARAKAYSAN! W/Q: NAJAX YAASIIN CABDI

BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM
Dhalinyarnimaddu waa quwad iyo awood dheeriya oo bini’aadamka la siiyo xilliga uu xaaladda dhalinyarnimadda ku jiro, waa lafdhabarta la hubo ee uu wadanku yeelan karo, waa kaydka dhaqaale ee durbadiiba laga midho dhalinkaro, waa xilli uu qofka dhalinyarada ahi uu qaban karo wax waliba uu ku hamiyo haddii uu la yimaado yididdiilo iyo waxqabad dhab ah uu ku gaadhi karo hammigii iyo hankii uu lahaa.

Micno weyn inoo samaynmayso hadaynu nidhaahno waxaynu leenahay khayraad dabiiciya adigoon ugu horayntii ka faa’iidin maskaxda iyo muruqa dhalinyarada uu wadanka leeyahay, waxaan odhan karaa dhalinyaraddu waa mashiinka soo saari lahaa illaha dhaqaale ee kale ee wadanku leeyahay, waayo fikiradda quruxda badan iyo waxqabadka ka oo lagu ladho ayaa horumar lagu gaadhi karaa, dhalinyarnimaddu waa xilli qofka dhalinyaradda ahi uu firfircoonyahay awoodna u yeelan karo inuu isku hawlo wax waliba horumarka naftiisa iyo mid bulsheedba ah.

Dhalinyarnimo waa isha dhaqaale ee ugu muhiimsan ee wadan yeelan karo, waa hanti qaran, waa mashiinka dhaqaajiya wado waliba oo horumar lagu gaadhi karo, waxaynu ognahay wadamo badano oo dunidan aynu kuwada noolnahay inaanay lahayn amaba ay ku yartahay khayraadka dabiiciga ee Alle weyne adoomihiisa ugu deeqo, taas badalkeeda wadamadani waxay u beddesheen kuna dhaafeen waddamo badano o qayrkooda ah maskaxda iyo waxqabadka dhalinyarada ay haystaan, runtii horumar xoog leh ayey ka gaadheen  habfikirkii qurxoonaa iyo waxqabadkii ee ay dhalintoodu u fekereen, waana sababta loo yidhi dhalintu waa qayb weyn oo kamida illaha dhaqaale ee caalamka laga helo. (Human resource)

Ma jirto da’a laisla ogsoonyahay ama lawada aqoonsanyahay oo Dhalinyarnimo lagu sifayn karo, waayo waxaa laga yaabaa qofba inuu cayn u yaqaano dhalinyarnimadu waxay tahay, qiyaastii waxaa dhalinyarnimo lagu tilmaami karaa da’da ku siman 18-40 jir, sida xaqiiqda ah, da’da intaas u dhaxaysa waa xilliga uu qofka bini’aadamka ahi uu ugu awooda iyo waxqabsiga badanyahay.

Sidaynu wada ogsoonahay wadankeenu wuxuu ku jiray burbur iyo dhibaato mudo ku siman 26 sano, waxaynu la tiiicaynay dhibaatada dowlad la’aaneed iyada oo ay waliba inoo dheerayd dagaalo, qax iyo barakac, tahriib, qabyaalad iyo quudhsi. Waxaynu la daalaadhacaynay xaalad amni xumo, taasoo sababtay inay ku kalifto in dhalinyaro badani ay lumiyaan hankii iyo rajadii ay qabeen, waxaa iyana jiray qaar badano o dhalinyaro ah oo loo adeegsaday dagaaladii ka holcayey waddanka kuna le’day si micno daro ah waxay u adeegsanayeen sii holcinta dagaaladda waxaa lagu canqariyey reer hebel iska celi iyo reer hebel baa ku neceb, waxaa lagu ababiyey qabyaalad iyadoo ay ka faa’iidaysanayeen kooxii qab-qablayaasha ahaa ee iyagu siyaasadda wadanka ku hardamayey xilligii uu wadanku dowlad la’aanta ahaa, waayo gebi ahaanba waxaa burburay maamulkii dalka, cid masuul ka ahna ma jirin dhiigga sida macno darada ah ku dhamaanayey. Intaa dabadeed waxaa dhamaanba lawada  dhigay rajadii laga qabay dowlad cagaheeda isku taagta.

DHALINYARADDA MAANTA

Waxaa muuqda barraarug xoog leh iyo baahi waddaninimo oo ka muuqata dhalinyaradda iminka jirta, waa farxad weyn inaan leenahay shaqsiyaad iyo ururo dhalinayaro oo ku dhiiranaya inay dib u dhisaan hankii iyo himilladii dhalintii soomaaliyeed ay lahayd. Waxaan aad ugu farxayaa dhawaanahan markay dhaayhaygu qabtaan dhambaalo qurux badano o dhiirigallin iyo hambalyo isugu jira ay isu marinayaan dhalinyaraddu baraha bulshadda,  in  dhalinta ay guusha iyo horumarka iskugu hambalyeyso kagana daydaan talaabooyinka wan-wanaagsan ay kuwa kale qabteen waxaan ku sifayn lahaa waa tubtii horumarka iyo toobiyihii nabadda, waa dhiiranaan iyo waxqabad wanaagsan oo wadaninimo ah ay dhalinyaradan afka soomaaliga ku hadasha samaynayaan meel waliba ha joogtee,  waana wax lag farxo oo illaahay loogu mahadiyo mar haddiiba aan kasoo kabanayno humaagii foosha xumaaa eey qabeen dhalinyaraddii soomaaliyeed mudadaddii uu wadankeenu la daalaadhacaya colaadahan ragaadiyey guud ahaanba hankii iyo hiyiggii dhalinyarada soomaaaliyeed, waxaana ii muuqda ifafaale farxadeed iyo kasoo kabasho xoog leh oo ay muujinayaan dhalinyara iminka joogta.


Madaxweyne ku xigeenka puntland Eng. C/xakiim C/lahi X.cumar Camey( ururka dhalinyaradda waan awoodnaa-Garowe)

 Bisaylka siyaasadeedd  ee iminka dalka ka jira ayaa u ah fursad dahabiya oo ay iminka dhalinyaradu heleyaan waxaa jira xubno firfircoon oo kamida xukuumadda federaaliga ah ee waddanka haatan jirta iyo sido kale maamul goboleedyaddaba, waxayna muunad qurux badan u yihiin dhalinyaradda, waxay sidoo  kale sawir qurux badan u muujinaysa kuna dhiirigalinaysaa kuwo kale ee dibbada ka jooga siyaasadda inay ku dhiiradaan sida ay uga qayb noqo lahaayeen dadaalada xooga leh ee dib loogu dhisayo wadankan soo kabanaya dhibaatooyinkii inka badan 20 sano ragaadiyey , waxayna tusaale qurux badan u muujinaysaa jiilba jiilka uu ka danbeeyo.


Uruka Dhalinyaradda iskaa wax u qabso oo ka shaqaynaya danta guud  (Waan awoodnaa) garoowe

Dhalinyarada iyo arimaha bulshada; hormarinta arimaha bulshada waa tiirka ugu horeeya ee tigaad lagu gaadhi karo, waxaan arkayaa horumar xoog leh oo ay wadaan dhalinyaro iskaa wax u qabso ka wada goboladda kala duwan ee wadanka, waxaan is dhihi karaa waa guul uso hoyatay bulshadda afka soomaaliga ku haddasha, waa ifafaale fiican oo muujinaya wadaniyad, waa aragti dib uso noolaynaysa hankii iyo himilladii dhalinyaradda soomaaliyeed, waa waxqabad toolmoon oo durbadiiba wadanku kusoo xoogaysan karo, waxaa midoobaya oo wax weyn isku biiranaya gacmo badan, ( Gacmo wadajir bey wax ku gooyaan) hadii dhalintu u kacdo waxkaqabadka wadanka iskuna tashadato waxaan hubaa in durbadiiba laga midho dhalin karo, waayo quwaddan xooga iyo xamaasadaysan oo dhalinyarta maankeeda iyo muruqeedaba ka buuxda waa tan waddamada reer galbeedku ay horumar ku gaadheen, runtii waxay adeegsaddeen xooga iyo xeeladda ku kaydsan maskaxda bini’aadamka, iydoo ay maalgashadeen dhalintoodi, waxay ogaadeen in aqoontu wax badasho.

Waxbarashaddaa asal u ah; Inkastoo tayadda waxbarasho ee waddankeena ka jirta ay liidato misna lama dhayalsan karo heerka ay dhalinta waxbaratay ka joogaan bulshadda ay ku dhex noolyihiin, waa sida xiddig aad u iftiimaya oo ka dhexmuuqda samadda xilli habeen ah, walow ay aad u hoosayso fursadaha shaqo oo waddanka ka jira misna dhalinta maata uma arko inay u liicsamayaan, waayo waxaan is dhihimkaraa dadaalkoodu ma yara, qaar kamida dhalinyardda wax baraty waa hal-abuuro, waxay unkaan  gnacsiyo yaryar si ay noloshooda iyo tan qoyskoodda ugu maaryastaan, sidda aynu wadda qirnay in waxa ugu horeeya oo horumarka lagu gaadhi karo, wadanka wax lagu badali karo waa waxbarashadda,  dhalinta wax baratay marnaba lama fikir ahaanayso kuwa aan iyagu wax baran, wey jiraan dhalinyaro badan oo wax baratay oo intay fursaddo shaqo waayeen wadanka iskaga haajiray una babac dhigay tahriib iyo inay badda galaan.

Waxaan hubbaa in dhalinyardda kale ee aan wax baran ay kusii dhiiran lahaayeen inay iyaguna wax bartaan haddii fursaddaha shaqo ee wadanka lasii balaadhin lahaa, hadii dowladdu u atafaxaydan lahayd sidii dhalintaa niyadooda u sixi lahayd una maamuusi lahayd dhqaalo gaar ah, oo lagu kobcinayo shaqo abuurka dhalinayadda waxbaratay, waayo waxay tusaale wayn oo wax ku ool ah u yihiin kuwa iyagu marnaba isku dayin inay waxbartaan, waxaa la arki lahaa xaddi aad u balaadhan oo iskulaadka iyo goobaha kale ee  waxbarsho kusoo hiranaya dibna u bilaabaya waxbarasho si ay u helaan fursaddaha ay heleen saaxiibadda iyaga ka horeeya, waxay isku dayayaan inay maraan halkii ay mareen saaxiibadood iyo meelo kale oo kasii sareeya.

Maalgashiga dhalinyaradda; Maalgashiga dhalinyaraddu waa inay helaan waxbarasho tayo leh, si hab fikirkoodu uu u wanaagsanaado, waxa aad wax weyn galiso dadaal badana ku ladho waxa aad ka filataa midho dhal fiican, waxaan qabaa hadiiba waxbarashadda dhalinyaraddu ahaan lahayd mid tayo iyo tacab leh, dhalintu iyadaan fursadaha shaqo abuuran lahaa, waayo waxbarashaddii tayadda lahayd ay barteen ayaa u sahlaysa inay hal- abuuro cusub samayn lahaayeen.

Waxba yaanan hadalka kusii dheeraane waxaan daah inakaga qarsoonayn in dhalintu tahay kuwa hormar iyo guul horseeda, waxaan dhalinta soomaaliyeed ku dhiirigalinayaa inay waajibaadkooda qaran ay halkaas kasii wataan, waxaan u rajaynayaa guul iyo gobonimo caan baxday, waxaan leeyhay is garabsadda marwalba gacmo wadajir ayey wax ku gooyaan. Waxaan kusoo gaba-gabaynayaa gabaygii dhiirigalinta ahaa ee uu dhalinyaradda u tiriyey abwaan xaaji aadan af-qalooc

*Hadduu geed engego xaabadaa laga idlaystaaye
* Mid yar oo iniintiisa ahbaa soo awaal baxa e
* Isagaa anfaaciga hadhkiyo oodda kaafiya e
* Dadkana odaygu goortuu ka baxo iyo islaantiisu
* Ubadkooda hadhabaa tabcoo aayatiin hela e
* Markii Aadam iyo Xaawa iyo keynta la abuuray
* Sidaasay arwaaxdiyo dhirtuba ku isiraayeene
* Umaddaan shabaabkeedu hanan waa u ayaan xuma e
* Inamiyo hablahaba waxaad tihiin aarankii kacaye
* Itaal gabe dadkiinii hore waydin aragtaane
* Idinkaa amaanada xilkii eeggan qaabilaye
* Iskaa wax u qabsada noloshu waa udub dhexaadkiiye
* Israafkiyo fadhigu waa waxaad ku anbanaysaane
* Axmaqnimo wakhtiga kaaga tagay oohin kugu reebye
* Ayaantii ku dhaaftana waa waxaan la eegayne
* Axadkii kaslaan ahi sabool abidkii weeyaane.


Dhalinta gaalkacyo (hormuudka horumarka)

Dhalinta gaalkacyo (hormuudka horumarka)

Dhalinta Qardho (Hormuud baynu nahay)

Iskaa wax u qabso(waan awoodnaa-Garoowe)

Raysul wasaaraha Somalia xasan cali oo nadaafadda ka shaqaynaya

W/Q: Najax Yasin Cabdi
Email: najaxya@gmail.com
Facebook: https://www.facebook.com/najax.yasin
Linkedin: https://www.linkedin.com/in/najah-yasin-2ba452108?trk=hp-identity-name

Twitter: https://twitter.com/najah_abdi
Najah yasin abdi at 3:13 AM

You must be logged in to post a comment Login