abaaraha
|

BBC

Markii aad wadato magaca shirkad wayn ama aad hoostagto shirkad wayn, waa inaad ka tarjumni kartaa magaca aad wadato, ma rabo innaan dib ugu noqdo taariikhda BBC-da, laakiin waxaan si kooban Warbixintan uga hadlaynaa gefkii ay  BBC-du ka gashay Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa caawo Websaydka Shirkadda BBC-da lagu daabacay War deg deg ah oo cinwaan looga dhigay ….Maxkamada ICJ Oo Ku Gacan seyrtay dalabkii Soomaaliya ee Muranka Badda.

Warkan ayaa markii la daabacay waxaa si wayn uga horyimi Ummadda Soomaaliyeed oo cambarayn wayn u jeediyay BBC-da, waxaana markii ay arkeen Kooxda BBC-da sida Warkoodu uusan uga gadmin Ummadda Soomaaliyeed ayay dib uga saareen, waxayna daabaceen War kale oo ay ku sheegen in dacwada ay Soomaaliya ku guulaysatay.

Hadaba sida uu Warsidaha Puntlandi fahansan yahay Warkan ayaa ujeedada laga lahaa ay ahayd mid salka ku haysa Ol’ole Doorasho oo lagu doonayay in lagu waxyeeleyo qaar ka mid ah Musharixiinta Soomaaliya, isla markaana Ol’ole loogu sameeyo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud.

BBC-du raali gelin kama bixin Warkan oo ahaa qadiyad si wayn ugu wayn Ummadda Soomaaliyeed, ayna ka naxeen dad badan oo aan Xog-ogaal ahayn, balse dib ka ogaaday in BBC-du ay marin habaabin la damacday dadka Soomaaliyeed.

Ma aha Warkan oo kaliya ee waxaa BBC-du ay si joogto ah khaladyo waawayn uga gashaa Ummadda Soomaaliyeed, waxaana ay caawo lumiyeen dadkii tirada yaraa ee ku xirnaa Dhagaysigeeda.

BBC

Comments are closed