abaaraha
|

Beesha caalamka oo tageertay go’aanadii kasoo baxay wada xaajoodkii dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah.

Qaramada Midoobay iyo xubnaha kale ee beesha caalamka ayaa soo dhoweeyay wada xaajoodkii dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah, kuwaas oo isku raacay in dib u habayn lagu sameeyo ammaanka qaranka iyo in ahmiyad gaar ah lasiiyo la dagaalanka musuq maasuqa iyo ka jawaabida abaaraha.

Go’aanadaan ayaa kasoo baxay wada xaajood labo maali socday oo uu hogaaminayay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed .

Wakiilka qaramada Midoobay ee Soo,aaliya Michael Keating ahna madax siyaasada xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya  ayaa balanqaaday inay beesha caalamku taageeridoonto mudnaanta Dowladda.

“Anigoo ka wakiil ah Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka waxan taageeraynaa natiijadii kasoo baxday wada xaajoodka,” ayuu Yiri Keating.

Puntlandi.con

You must be logged in to post a comment Login