abaaraha
|

Beesha Khooto-khooto ee Universal-Tv oo Beeso ku qaatay Aflagaadada Puntland iyo Dilkii Xaawo Taako

Xaawo Cusmaan (Xaawo Taako)

Kadib burburkii dawladii dhexe iyo dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay waxaa ka dhashay kooxo iyo beelo dhiigmiirato ah oo ka ganacsada isku dirka iyo daadinta dhiiga shacbiga soomaaliyeed.

Beesha khooto-khooto ee Universal Tv iyo inta la hal maasha waxay kaalinta kowaad ka galeen isku dirka iyo iska horkeenka qabaa’ilka somaaliyeed ee isaga soo horjeeday colaadii laga dhaxlay dagaaladii sokeeye.

Markii qabaa’ilkii reer guraagaa ahaa xukun iyo degaano isku qabsi ku dagalameen,reer Khooto-khooto waxay ku mashquuleen oo fursad u arkeen in ay qalabka warbaahinta u isticmalaan ama ka dhigtaan qalab iyo hub ay ku dhalan gadiyaan taariikhdii sooyaalka aheyd iyo dhaqankii soo jireenka ahaa ee ummada somaaliyeed,iyo in ay ganacsi iyo lacag ka sameeyaan baahinta iyo abuurida warar iyo barnaamjiyo warbaahineed oo been ah oo madaxa laysugu gelinayo shacbigii somaaliyeed ee colaadu u dhaxeysay.

Beesha khooto-khooto ee Universal-Tv ayaa mashuurac aan dhamaan ka dhigtay hal kudhiga ah FADLAN KU SHUBO, oo macnaheedu yahay in Beesha Khooto-Khooto ee Universal Tv ku sifoowday in ay tahay hayad laysu adeegsado,laguna aflagaadeeyo shakhsiyaad iyo degaano somaaliyeed,iyada oo waxoogaa lacag ah loo daadiyo,waxaana haga oo hogaan u ah shakhsiyaad damiirkii bini-aadanimo ka dhintay oo shilimaad dhaafsada dhiiga shacbiga soomaaliyeed.

MILICSIGA TAARIIKHADA IYO MAALINTII HA NOOLAATO EE DILKII XAAWO TAAKO IYO REER KHOOTO-KHOOTO

70 Sano Kadib Dhacdadii Ha Noolaato Iyo Dilkii Xaawo Taako

Sanadkii 1947, SYL waxaa la go’aansaday in isbeddel lagu sameeyo magacii Xisbiga ee SYC, waxaa loo bixiyay SYL.

Waxaa xusid mudan in uu xanuunsaday Yaasiin Xaaji Cismaan kadibna uu xanuunkaas u geeriyooday, Waxaa uu ka dardaarmay sida la sheegay in jagadiisii oo aheyd Xogheyaha guud ee ururka SYL lagu badalo Cabdullaahi Ciise Maxamud, taasi oo laga aqbalay.

Cabdullahi Ciise xilligaas waxaa uu joogay Magaalada Baladweyn ee gobolka Hiiraan, halkaas oo isaga iyo Aden Cabdulle Cusmaan(Cade) ay Leegada ama SYL ka soo galeen.

Isla Sanadkaas Dhamaadkiisii, waxaa dalka soo booqanayey guddi UNada raacsan oo ahaa dalalkii ku adkaaday dagaalkii labaad ee Aduunka oo loo yaqanay Four Power Commission” kuwaas oo kala ahaa Maraykanka, Ingiriiska, Faransiska, Ruushka, iyo Talyaniga.

Muhimada Guddigu waxay ahayd xaqiiqo-raadis iyo inuu u kuurgalo rabitaanka iyo waxa ay doonayaan dadka Soomaalida ah.

Intaan guddigu imaan, SYL,waxay qabatay shriweeyne ay ka soo qaybgaleen Guddiyada Leegada ee gobollada Soomaaliyeed oo idil, si loogu caddeeyo Mowqifka Leega iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa Maalintaas.

SYL ama Leegada waxaa ay is tuseen in ay haboon tahay in Afarta Quwadood oo wada jira ay maamulaan dalka Soomaaliya.

Waxay SYL diidaneyn Talyaaniga ama Ingiriiska in ay ku kali noqdaan talada ama maamulka aayaha Soomaaliya, waayo labadaba aqoon fiican ayey u lahaayeen.

Guddugii wuxuu yimid Xamar Jannaayo 1948. Waxaa la qorsheeyey in urur waliba uu dhoolatus ku maro Guddiga hortiisa, Leegadu waxay codsatay in maalin gaar ah la siiyo ooy cududooda muujiyaan.

Ururka Gobanimo doonka SYL, waxaa ay sameeyeen tab iyo Xeelad la yaab leh, boqolkii qofba waxaa loo dhiibnay hal hogaamiye , labo calanka side iyo afar ilaalo ah.

Cali Xasan Maslax Verduda oo ka tirsanaa 13-kii SYL, isla markaana aan taariikhdan ka qornay waxaa uu sheegay in isaga maalintaas callamada qeybiyay.

Hanoolaato (Long live Somalia) waxaa ay dhacday 11-kii Janaayo 1948-dii, Naadiga ama Xarunta waxaa joogay dad ilaalo ah, oo waxaa jiray shaki ku saabsan in Gumeystaha ay daqiiqad kasta soo weerari karaan.

Talyaaniga iyo Daba dhilif Soomaali ahaa ayaa soo weeraray naadiga oo ku yiilay agagaarka halka hadda ay ku taalo Taallada.

Gumeystaha Talyaaniga xitaa waxaa uu dhib u gesytay Soomaali aan arintan shaqo ku laheyn, arintaa markii ay dhacday, Ururkii SYL, waa is qeybiyeen, iyagoo go’aansaday Muwaajaha ama weerar weji ka weji ah in ay la galaan Gumeystaha iyo Daba dhilifkiisa.

Dagaal dheer oo halkaas ka dhacay, Leegada waxaa ka Shahiiday 14 Wadaniyiin ah, Waxaa ku jiray Geesiyad aad looga yaqaano Gayiga Soomaalida ee Xaawo Taako , dad kalana waa dhaawacmeen

Gumeystaha Talyaaniga, waxba looma reeban, Soomaalidii waa isku habar wacatay, Talyaanigii iyo kooxihii daba dhilifka ahaa ee uu soo kireystay waxaa lagu hareereeyay Bilaajo Carab, waxaana Halkaas waxaa lagu dilay 54 Talyaani ah iyo dhaawaca oo lagu sheegay ilaa 55.

La soco qeybta 2aad reer Khooto-khooto iyo qisadii Somali ma ihi
Puntlandi

You must be logged in to post a comment Login