abaaraha
|

Beesha Xassan Ugaas ee Degta Goballada Nugaal iyo Sool oo beenisay in ay Isin Cusub magacowdeen.(Sawirro).

Kulan ay isku yimaaden Beesha Xassan Ugaas ee Degta Goballada Nugaal iyo sool ayaa been abuur ku tilmaantay in ay Magacaaben badalkii Ugaas C/laahi Ciise Nuur oo Dhaawaan ku geeriyooday Dalka Turiga.

Kulankan oo ka dhacay Dan Degmada Dan ee Degmada Boocame ee Gobalka Sool ayaa waxaa ka so qayb-galay odayaasha dhaqanka ee beesha Xassan ugaas,Cuqaal,wax-garad,Dhalinyaro,Culumo,Aqooyahan,Saraakiil Ciidan iyo Haween waxaana dhamaan beeshu isku raacday in Xili roobaadka danbe ay beeshu isku timaado si ay uga tashato aayaheeda iyo cidii ay u magacaaban lahaayen isinkii badalilahaa Ugaas C/laahi oo ah ninn aad lo jeclahaa oo Xanuun dartii ugu geeriyooday dalka turkiga oo howl0-caafimaad lo geeyay.

Sidoo kale,Beesha ayaa ismada ee beelaha kale uga digay faragalinta ay ku la jiraan Beesha Xassan ugaas oo aanan wali si cad uga tashan isinka Cusub ee beeshooda,waxayna ka codsadeen beelaha isimadaas ka so jeedan inay ka qabsadaan isimadooda.

Dhinaca kale,Beesha Xassan ugaas ee Dhul-bahante ayaa ugu Baaqay koox dhawaan ku dhawaaqay inay isinkii magaaben inay Geedka hoostiisa yimaadan talada beeshana ay qab ka so noqdaan si Tabashadooda Xal waara loga gaaro.

Caaqil Maxmauud Cabdi Xanaf, Maxamed Ciise Boos, iyo Faarax Maxamed Xuseen,Cali Dalmar Ibraahim iyo Cabdullaahi Madar oo ka mid ahaa Cuqaasha iyo waxgardka ka qayb gashay ayaa ku dheeraday sida loogu baahan yahay in talada beesha la dhur sugo isla markaan aysan aqbalayn cid ka kasta oo baahisa goaan aysan gaarin qaybaha kala duwan beeshan

Ugu,Danbaytii kulankan  oo uu  soo  xiray Caaqilka guud ee Beesha Xassan Ugaas Cabdi Cilmi Qaaje ayaa sheegay in tallada beeshaasi ay iyaga gacanta ugu jirta oo aan wax-ba lo yeerin karin,wuxuu u digay cid kasta oo shacab,Isin iyo Dowlada ah oo arimahooda so faragashata inay ceeb kala kulmayaan.

img_9764 img_9769 img_9770 img_9772 img_9773 img_9774 img_9775 img_9776 img_9777 img_9778 img_9779 img_9780 img_9782 img_9783 img_9784 img_9786 img_9788 img_9789 img_9790 img_9791 img_9792 img_9793 img_9795 img_9796 img_9798-copy img_9798 img_9801 img_9804 img_9805 img_9806 img_9807 img_9828 img_9860 img_9861 img_9862 img_9863 img_9864 img_9865 img_9866 img_9867 img_9868 img_9869 img_9870 img_9871 img_9875 img_9876 img_9877 img_9878-copy img_9878

Comments are closed

bursaalax2 14872462_1518310131519260_484851098_n