|

Boosaaso:-Culumadda Puntland oo baaq kaso saaray Kutub Xambaarsan Fikirka Shiicadda.

Culumadda Puntland ayaa baaq kaso saaray Kutub Xambaarsan fikrka Shiicadda,kuwaas oo Culumaddu ay sheegen inay yaalan dalka Imaaraatka Carabta,lana doonayo in laso raro dalka Soomaaliya.

Culumadda ayaa sheegay Dawladda Imaaraatka Carabta ay kaso horjeensatay in dalkeeda lagu iibiyo Kutubtaa xambaarsan fikirka Shiicadda.

Waxay Culumadu ugu baaqeen ummada somaliyeed   iyo maamulada wadanka ka jira  inay gutaan xilka ka saaran Ummadda u illaalinta Diintooda iyo amnigooda,kana hortagaan wax kasta oo dhaawacaya labadaa arrimood.

Sido kale Culumada ayaa baaqa ku muujinaya in loo baahan yahay in si wada jir ah looga hortago Kutubta xambaarsan fikirka shiicadda ee khatarta badan xambaarsan.

Hadaba baaqa Culumadda oo Nuqul ka mid ah uu soo gaaray Warsiadaha Puntlandi ayaa u qornaa sidan;-

1 2

www.puntlandi.com.

Comments are closed