|

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo baaq nabadeed u diray madaxda wadamada Khaliijka

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ah boqorka beelaaha Darood, ayaa ku baaqay in wada xaajood nabadeed lagu dhameeyo khilaafaadka ka dhex taagan dalalka Khaliijka.

Qoraal ku qornaa luuqada Carabiga ah oo uu boqorku soo saaray ayuu ku yidihi,”Waxaan ku kalsoon nahay in dhinacyada is-haya ee Gacanka Carabta ay qaataan xal nabadeed, iyadoo ahmiyadda la siinayo wadahadal iyo is faham, halkii lagu degdegi lahaa cuno qabatayn.

Boqorka ayaa walaac xoogan ka muujiyay khilaafjka, tafaraaruqa iyo kala duwanaanta u dhexeeya walaalaha jooga Gacanka Carabta, xilli lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Waxa uu carabka ku adkeeyay inuu  diyaar u yahay inuu ka qayb qaato, inta karaankiisa ah, si xal looga gaaro kala aragti duwanaanasha loona helo gacanka Khaliijka oo midaysan  lehna hal hadaf.

Puntlandi.com

Comments are closed