abaaraha
|

Breaking News : – AL-Shabaab oo Hubkii iyo Gadiidkii Ciidanka Dawlada Bililqeystay,Afgooyana ka sii baxaya

Wararka ka soo baxay Degmada Afgooye ayaa sheegay in kooxda Agagixisada Al-Shabaab ay bilaabeen in ay dib uga baxaan Degmada Afgooye oo galabta qabsadeen.

Goobjooge ku sugan Afgooye ayaa warbaahinta Puntlandi u sheegay in dagaalyahanada Alshabaab ay bilaabeen in ay rartaan oo kala baxaan magaalada gudaheeda gadiid,hub farabadan iyo qalab ciidan oo ay ka qabsadeen maleeshiyooyinkii ku magacwonaa ciidamada Dowlada ee ku sugnaa Afgooye

Maleeshiyada Alshabaab ayaa la soo werinayaa in ay dib ugu noqdeen saldhiga ay ku leeyihiin tuulada Mareeray oo 7Km u jirta degmada Afgooye.

Dagaalka maanta oo xooggiisu ka dhacay magaalada gudaheeda ayaa waxaa ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh,iyadoo la sheegay in Al-Shabaab ay gubeen goobo ka mida xarumaha dowlada ee Degmada Afgooye

Comments are closed