|

Baashe Maxamed Faarax oo loo doortay guddoomiyaha barlamaanka maamulka Hargeysa.

Barlamaanka maamulka Hargeysa ee Soomaaliland ayaa maanta gudoomiyaha cusub u doortay Baashe Maxamed Faarax oo kasoo jeeda beesha Dhulbahante.

Waxaa xilkaan kula tartamayay Cabdiraxmaan Talyanle.

Mudanayaasha golaha wakiilada ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyey in Baashe Maxamed Faarax uu noqdo gudoomiyaha golaha wakiilada iyada oo ay u codeeyeen 39 xildhibaan, halka xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ay u codeeyeen 38 xildhibaan.

Puntlandi.com

Comments are closed