abaaraha
|

Breaking News– Beelaha Hawiye oo u hishiiyey iney Kursiga Raysal wasaaraha ay ka ilaashaan Beesha Abgaal

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalmahaan waxaa wareeriyey oo saf ugu jira Odoyaasha Beesha Hawiye iyo Siyaasiyiin u xulufoobay iney Beelaha kale oo isla Hawiye ah ka ilaaliyaan kursiga Raysal wasaaraha.

Wararka Puntlandi Sida hoose u helayo waxay sheegayaan in Beesha Habar gedir ay xulufaysi Siyaasadeed la sameeyeen Beelaha kale ee Hawiye iyadoo u jeedku yahay in Kursiga Raysal wasaaraha laga ilaaliyo Beesha Abgaal, iyadoo xulufaysigaas ay Xitaa ku jiraan Beesha Murursade, Waxaase xulufaysiga ka maqan oo aan haba yaraatee ku jirin Beesha Xawaadle.

Wararka rasmiga ah oon helayno waxay sheegayaan in Odoyaasha Beelaha Hawiye oo Abgaal iyo Xawaadle ka maqan yihiin ay u ololaynayaan inay kulan la qaataan Madaxweynaha halka Siyaasiyiin Badan oo Beelahaan ahi ay hada saf ugu jiraan Ho’yga Madaxweyne Farmaajo.

Beesha Abgaal ayaa la cadeeyey iney iyana dhankooda ka ordayaan ,waxaana jira shaqsiyaad naloo magacaabay iney ka mid yihiin raga ugu Cad cad Beesha Abgaal iney noqdaan Raysal wasaare, Nin u shaqeeya Amisom oo lagu magacaabo Cumar Cabdille Calasow horayna UNSOM ugasoo shaqeeyey ayaa aad loo hadal hayaa.

Puntlandi.com
Muqdisho

Siy

Comments are closed