|

BREAKING NEWS:- Ciidanka difaaca Puntland oo fashiliyay weerar dhuumaleysi ah oo ay soo qaadeen maleyshiyada Galmudug.

Ciidanka difaaca Puntland ayaa galabta fashiliyay weerar dhuumaaleysi ah oo ay maleyshiyaad kasoo jeeda Galmudug kusoo qaadeen galbeedka magaalada Gaalkacyo.

Maleyshiyada Galmudug ayaa kusoo dhowaaday dhul horey loogu dagaalamay oo la mamnuucay  in la dego, waxaana lagu war helay maleyshiyadaas oo si tuuganimo leh oo cabiranaysa dhulka.

Sargaal katirsan dowladda Puntland ayaa warsidaha Puntlandi u xaqijiyay in ciidanku islamarkiiba kala eryeen maleyshiyadaas, balse wuxuu wax yar kadib waxaa dhacday in dhinaca xaafada Baraxley lagasoo rido Qoryo Dhashiike ah oo lagusoo tuurayay xaafadaha galbeed ee Gaalkacyo.

Ciidanku dowladdu wax jawaab ah kama bixin rasaastaas dhinaca Galmudug lagasoo ridayay, mana jirto wax khasaare ah oo ka dhashay rasaastaas sida uu sarkaalkaan sheegay.

Arrintaan waxay kusoo beegmaysaa iyadoo magaalada Gaalkacyo ay ka socdaan wada hadalo nabadeed oo lagusoo afjajarayo colaada Gaalkacyo, waxaana xusid mudan inta ay wada hadaladaas socdeen in Puntland lagusoo qaaday duulaano ka yimid Galmudug.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login