|

BREAKING NEWS:- Daacish oo lagala wareegay caasimaddoodII

Ciidamada Kurdiyiinta ee uu Maraykanku taageero ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta magaalada qadiimiga ah ee Raqqa ee dalka Siiriya, iyagoo kala wareegay Daacish.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay is bahaysigoodu inuu saddex meelood labo meel la wareegay magaalada Raqqa, taasoo u muuqatay inay ahayd caasimadda kooxda Daacish.

Is bahaysigu waxay sheegeen qabsashada Raqqa inay u dhiganto talaabo muhiim ah, balse waxay ku timid kharash aad u badan oo loogu talagalay dadka rayidka ah.

Magaaladan ayaa kamid ah magaalooyinkii ay la wareegeen mucaaradkii madaxweyne Assad sanadkii 2013, balse kooxda Daacish ayaa markii dambe kala wareegtay.

Waa magaalada Lixaad ee ugu weyn dalka Siiriya.

 

Puntlandi.com 

You must be logged in to post a comment Login