|

Breaking News : – Ganacsade caan ahaa oo caawa lagu dilay magaalada Beledweyne

Allaah ha u naxariistee waxaa caawa fiidkii xaafada Kooshin ee magaalada Beledweyne ee Caasimada Gobolka Hiiraan lagu dilay nin ganacsade ah oo si weyn looga yaqaan magaalada Beledweyne iyo guudahaan degaanada Hiiraan.

Ganacsade Daahir Mahad-Alle ayey dabley hubeysani caawa ku dileen banaanka hore ee Masaajid ku yaala xaafada Kooshin oo marxuumku ku tukaday saladii cishe.

Dableyda ayaa sidoo kale dhaawac u geystay wiil uu dhalay marxuum Daahir Mahad-Alle oo la socday.Dhaawaca wiilka ayaa hadda lagu dabiibayaa Cusbitalka Beledweyne.

Dilkan loo geystay Ganacsade Daahir Mahad-Alle ayaa ku soo aadaya digniin iyo dareen uu maanta bixiyey Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka digay in ay jiraan qorshayaal lagu khaarajinaayo hogaanka dhaqanka,waxgaradka iyo ganacsatada gobolka Hiiraan.

Waxaa sii xoogeysanaaya xurgufta iyo xaalada siyaasadeed ee aadka u qalafsan ee u dhaxeysa hogaanka dhaqanka Gobolka Hiiraan iyo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud oo aad ugu dhiiraan in uu maamul crash program ah oo jujuub ah ka hirgaliyo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe

Comments are closed