|

BREAKING NEWS:-Ganacsatada Galmudug oo dishay labo kamid ah ciidankii isku dhafka iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee suuqa Gaalkacyo.

Waxaa goor dhowayd suuqa magaalada Gaalkacyo lagu dilay labo kamid ah askarta ciidankii isku dhafka ahaa ee ka kala socday Puntland iyo Galmudug, kuwaas oo galabta doonayay inay kala dhex galaan ganacsatadii ku dagaalamay Suuqa Gaalkacyo.

Ciidankaan ayaa waxaa rasaas ooda loogasoo qaaday dhinaca Galmudug ku sugnayd, waxaana halkaas ku dhintay labo askari, sida uu Puntlandi u xaqiijiyay qof goob jooge ah.

“Ciidankaan si bareer ah ayaa xabbado loogusoo riday, iyagoo gacmaha taag taagaya oo markaas soo istaagay suuqa Cir-toog taha oo ah meesha xabbadu ka bilaabatay,” ayuu yidhi qof goob jooge ah oo u waramay warsidaha Puntlandi.

Dhinaca kale, Labo kamid ah ganacsadii Galmudug ee ka dambeeyay israsaasayntii maanta ka dhacday suuqa Gaalkacyo ayaa ku geeriyooday iska hor imaadkii maanta, sidoo kale waxaa ku dhintay nin kale oo ganacsade ah oo kasoo jeeda Galmudug, oo goobta waan waan ka waday.

Dhinaca ganacsatada Puntland wax khasaare oo habo yaraatee kasoo gaaray ma jiraan, balse dad shacab ah ayay dhaawac fud fudud kasoo gaareen iska hor imaadka goobta ka dhacay.

Xaalada Suuqa ayaa weli kacsan, iyadoo haatan ay weli socoto rasaas goos goos ah, waxayna xaaladu sii kacday markii galabta la dilay labo kamid ahaa ciidankii isku dhafka.

Puntlandi.com

 

You must be logged in to post a comment Login