abaaraha
|

BREAKING NEWS: Jawaari oo ku guulaystay gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya.

jawaari

Xildhibaan Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa markii labaad ku guulaystay jagada gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii uu helay 141 codadkii doorashada guduoomiyaha.

Musharaxa ugusoo dhowaa wuxuu ahaa Cabdirashiid Maxamed Xidig oo helay 97 cod. halka Cabdiftaax Geeseey uu helay  17 cod iyo Idiris 2 cod.

Natiijada doorashada ayaa goor dhow lagu dhawaaqidoonaa, waxaana doorashada Jawaari ay meesha ka saaridoontaa hankii Shariif Xasan uu ka lahaa tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Wixii faahfaahin oo dambe kala socda Puntlandi.

 

 

Comments are closed