|

BREAKING NEWS:- Kenya oo heegan buuxda galisay ciidankeeda Mandheera ku sugan kadib markii Shababku qabsadeen Baladxaawo.

Dowladda Kenya ayaa heegan buuxda galisay ciidankeeda ku sugan magaalada Mandhera ee gobolka waqooyi bari ee dalkaas, kadib markii kooxda alshabab ay la wareegeen degmada Baladxaawo.

Baladxaawo ayaa 4km u jirta magaalada Mandhera, iyagoo dowladda Kenya ka cabsi qabta inay Shabaabku soo weeraraan Mandhera.

Dadka ku sugan Mandhera ayaa si toos ah umaqlayay qaraxyada iyo dagaalka ka socday Baladxaawo, iyadoo intaas kadibna ay dowladda Kenya ciidan badan soo dhoobtay xuduuda labada magaalo u dhexaysa.

Guddoomiyaha gobolka Waqooyi bari Maxamuud Saalax ayaa sheegay cabsi jirta inay tahay in Shabaabku geystaan dagaal ku dhufo ka dhaqaaq ah, balse wuxuu sheegay sheegay weerarkii saakay ka dhacay Baladxaawo inuu ahaa mid aan Kenya waxba ugeysan.

Wararka kale oo aan helay ayaa sheegaya inay jirto duqayn diyaaradaha dalka Kenya ku garaacayaan Shabaabkii qabsaday magaalada Baladxaawo

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login