abaaraha
|

Breaking News– Kooxda Kubada Koleyga Garowe City oo si diiran loogu soo dhaweyey Garowe

Garowe–17 May 2014–Puntlandi–
GAROWE-TEAM

Kooxda Basketbalka ee Magaalada Garowe City oo noqotey Horyaalka Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa goor dhwaeyd kasoo degay Garoonka Diyaaradaha Garowe, Waxaanba halkaas kusoo dhaweyey Masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee Puntland, Gudoomiyaha Gobolka Nugaal, Duqa Degmada Garowe iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Barxada bartamaha Garowe waxaa safan boqolaal shacab ah oo soo dhaweynaya kooxda, guud ahaan Garowe maanta oo sabti ah waxay ku jiraan soo dhaweynta kooxda, iyadoo goobaha lagu qaxweeyo sheekadu ay maanta tahay Kooxda kubada Koleyga ee Caasimada Puntland iyo guusha ay soo hoyisey.

Ka dib tartanka oo Todobaadkii hore lagusoo gabagabeeyey Dalka Tanzania ayaa Kooxda Masar oo aan dhicin Bariga iyo Bartamaha Afrika ay koobka ka qaadey Finalkii Kooxda Garowe, laakiin teknikal ahaan kooxda Garowe waa Horyaalka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Sawirada goor dhow naga filo.

Puntlandi.com
Garoonka Diyaaradaha Garowe

Comments are closed

aet