|

Breaking News– Maamul Goboleedyada oo qorsheynaya iney u yeeraan Xildhibaanadooda Federaalka kii imaan waayana….



Warar hoose oo Puntlandi heleen ayaa sheegaya in Maamul Goboleedyada ay dhowaan u yeeri doonaan Xildhibaanada Federaalka ee lagasoo doortay Deegaanadooda.

Maamul Goboleedyadu waxay ku Amir doonaan Xildhibaanada Federaalka iney kusoo xeroodaan Caasimadaha Maamul Goboleedyada, Xildhibaankii sabab la’aan u maqnaadana uu khatar u gali doono inuu kursigiisa waayo.

Wararka Puntlandi helayo waxay sheegayaan in Xildhibaanada loogu yeerayo wada tashi ku aadan Go’aanka ay Dowlada Federaalku ka qaadatay Khilaafka Khaliijka.

Maamul Goboleedyadu waxay hada qorsheynayaan in ay Madaxweynayashu ay ku kulmaan mid ka mid ah Caaasimadohooda oo ay kulankoodaas ugu tashadaan, Sida aan warka ku heyno Madaxweynayaashu Waxay wadatashogaas dhexdooda ah kadib ay la kulmi doonaan Xildhibaanadooda Federaalka oo ay kala hadli doonaan wixii kasoo baxa kulanka Madaxweynayaash,

Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya ayaa wada aaminsan in Villa Soomaaliya ay ku qaldantay go’aan ka qaadashada Khilaafka Wadamada Carabta ka dhex aloosan,

Puntlandi
Garowe

You must be logged in to post a comment Login