|

BREAKING NEWS:- Madaxweyne Gaas oo xukuumadii horgeeyay gollaha barlamaanka Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saakay barlamaanka dowladda Puntland horgeeyay xukuumadii uu dhowaan soodhisay, taasoo ka kooban 52 xubnood.

Madaxweyne Gaas iyo xukuumadiisa oo haatan ku sugan hoolka gollaha wakiilada ee Garowe ayaa goor dhow jeedindoona khudbad ku saabsan qorshaha xukuumadiisa cusub, isagoo kadibna ka codsandoono in barlamaanku meel mariyo xukuumdiisa.

Inta badan xildhibaada barlamaanka ayaa ku sugan, waxaana haatan socota kalmada furitaanka.

Xoghayaha barlamaanka Cali Axmed Dhahar ayaa hadda barlamaanka akhrinaya liiska gollaha wasiiradda uu madaxweyne Gaas soo magacaabay.

Warsidaha Puntlandi kala socda wararkee ugu dambeeyay.

Puntlandi.com

 

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login