abaaraha
|

Breaking News:-Maleeshiyaad La Wareegay Xaruntii Uu Ka Socday Shirka La Isku Khilaafsan Yahay Ee Jowhar

Maleeshiyaad hubaysan ayaa maanta duhurkii la wareegay xaruntii uu ka socday shirka la isku khilaafsan yahay ee Maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe ee ay waday Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Cali Xassan Taakow ayaa lagu magacaaba hogaamiyaha Maleeshiyada qabsatay xarunta, kaasi oo horay uga mid ahaa Musharixiinta u taagnaa Madaxweyne ku xigeenka Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe, waxaana Maleshiyada uu hogaaminayo ay u abaabulan yihiin qaab Qabiil.

Hogaamiyaha qabsaday xarunta shirku ka socday oo Saxaafadda kula hadlay goobta, ayaa sheegay in go’aanka uu ku qabsaday xarunta ay timi ka dib markii uu u dulqaadan waayay Musuqmaasuqa baahay ee meesha ka jira, wuxuuna sheegay inusan ka dhacayn wax shir ah.

Wuxuu sheegay inay jiraan dad gaar ah oo ay wataan Dawlada Federaalka Soomaaliya oo ay doonayaan inay Maamulka khilaafku ka jiro ay Madax uga dhigaan.

Si kastaba ha ahate, Madaxda Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaan illaa iyo hadda War kaso saarin dhacdadan.

Filo Goor Dhow Faahfaahin Dheeri ah.

www.puntlandi.com.

Comments are closed