|

Breaking News : – Mid ka mid ah dhaawacyadii Somaaliyeed ee Dawlada Qatar ku daadisay SUDAN oo dayac u geeriyooday.


Dhawacyadii la dhigay Muzamil Hospital Khartum-Sudan

Allaah ha u naxariistee muwaadin Somaaliyeed oo ka mid ah dhawacyadii Somaaliyeed ee Dawlada Qatar ku daadisay magaalada Khartuum ee Dalka Sudaan ayaa galabta u geeriyooday dayac iyo daryeel xumo uu kala kulmay Hospitalka Muzamil ee magaalada Khartuum.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa shacbigii Somaaliyeed ee dhaawacyadu ka soo gareen qaraxii Aragagixisadu ka geystay magaalada Muqdishu maalitii Sabtida ee Taariikhdu aheyd 14.10.2018.

Marxuumka ayaa ku jiray qeyb ka mid aheyd dhawacyadii ay qaaday Dawlada Qatar, isla markaana ay ku daadisay Dalka Sudan, kuwaas oo ay u quuri weyday in ay ku daweyso Hospitaalada ku yaal Qatar.

Jaaliyada iyo ardayda Somaaliyeed ee wax ka barta Dalka Sudan ayaa sheegay in xaalada dhaawacayda Somaliyeed ee Dawlada Qatar ku soo daadisay Sudaan in tahay mid aad u qalfasan, iyagoo xusay in Cisbitalka la dhigay dhaawacayadu uu yahay mid ay aad u hooseyso tayada awooda adeegyada iyo gurmadka caafimaad deg deg ah ee uu fidin karo muwaadiniinta Somaaliyeed ee ay soo gaareen dhawcayada culculs.

Wasiirka Arimaha Dibada Somaaliyeed Mudane Yusuf Garaad Axmed ayaa maanta xaqiijiyey jiritaanka wararka sheegaya in dhawacyadii Somaaliyeed ee ay qaaday Dawlada Qatar ay ku daadisay Dalka Sudaan.

Wasiirka oo qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook ayuu ku sheegay inuu ay soo gareen warar walaac ka muujinaya xaalada iyo dhibaatooyinka soo wajahay dhawaacayada Somaaliyeed ee Dawlada Qatar geysay Dalka Sudan.

Waxaa yaab leh oo nasiib daro ah in Wasiirku qoraalkiisa u adeegsaday eryo ay ka mid ahaayeen :
“Waxaan hadda sheegi karaa in inta badan dadka dhaawaca ah la xalliyay cabashadii ay qabeen. Inta yar ee hartayna waxaa qorshuhu yahay in isla maanta la xalliyo.

Waa wax laga naxo in shakhsi Wasiir ah oo umadda xil u hayaa uu yiraahado cabashadii ay qabeen waa la xaliyey, yaa cabnaaya !!! Ma dhaawac sakaaradka ah oo uu bahan gargaar deg deg ah oo aadaminimo oo naftooda lagu badbaadiyo miyaa cabanaaya, miyaase qof damiir lihi u quuraa inuu yiraahado inta soo harteyna arintooda waa la xalinayaa, waa yaabe goormaa la xalinayaa, ma markey mid mid u dhintaanbaa !!!!!

Somaalidu waxay tiraa ” Lax dhukuni col iyo abaarba moog ” Wasiirku weli waxa uu qoraalkiisa ugu sii mahadnaqayaa Safiirka Qatar, oo isaga iyo Dawladiisu ku daadiyeen dhaawacaydii Somaaliyeed Dalka Sudan

Somaali Allaah Carab ha ka reebo.
.

Halkan ka Akhri qoraalkii uu Facebook soo dhigay Wasiir Yusuf Garaad

Dad badan ayaa aniga iyo mas’uuliyiin kaleba la soo xiriiray, kuwaas oo walaac ka muujiyay xaaladda dhaawaca shalay iyo dorraad la geeyay dalka Sudan.

Intii ila soo xiriirtay waxaan u sheegay in aan ka warqabno, kana shaqeyneyno sidii xal loogu heli lahaa.

Waxaan hadda sheegi karaa in inta badan dadka dhaawaca ah la xalliyay cabashadii ay qabeen. Inta yar ee hartayna waxaa qorshuhu yahay in isla maanta la xalliyo.

Howl wanaagsan waxaa qabatay Danjiraha iyo Diblomaasiyiinta Soomaalida ee Khartoum. Mahadi ha ka gaarto. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Danjiraha Qadar ee Khartoum, sii hayaha Safaaradda Qadar ee Muqdisho iyo mas’uuliyiinta dalka Sudan oo xalka qeyb ka ahaa.

Comments are closed