|

Breaking News : – M/weyne Siilaanyo oo saaka u dhoofay Imaaradka Carabta,isgoo la jaanqaadaya Dabeysha Siyasadeed ee Khaliijka Carabta

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo ayaan boqosha aan hore loo shaacin oo deg deg ah saaka ugu duulay magaalada Abu dhabi ee caasimada dalka Imaaradka Carabta.

Xafiiska Madaxtooyada Hargeysa ayaan wax tafaasiil ah ka bixin ujeedka uu daaran yahay safarka madaxweynuhu,lakiin sida laga soo xigtay xubno ka ag dhow aqalka looga taliyo Somaliland ayaa sheegay in safarka madaxweynuhu uu salka ku hayo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dawladaha carbeed ee dhaca gacanka khaliijka.

Sida laga war qabo maamulka Somaliland ayaa hore uga mid noqday isbaheysiga uu hogaamiyo Dalka Sucuudicgu ee go’doonka siyaasadeed iyo cunaqabyeynta ku soo rogay dalka yar ee Qadar.

Safarka Madaxweyne Siilaanyo iyo ka mid noqoshadiisa Taxaalufka Siyaasadeed ee Sucuudiga iyo Imaaradka ayaa si cad u muujinaya kala feker duwanaanshaha iyo kala daneysiga baahsan ee ka dhaxeeya maamulada siyaasadeed ee ka jira dalkii laysku oran jiray Somaaliya.

Faragalinta siyaasadeed ee dawladaha Turkey iyo Khaliijka Carabtu ku hayaan arimaha gudaha ee dalka Soomaaliya ayaa sababay in ay mar kale kala irdhoobaan oo kala daneystaan maamulada dalka ka jira iyo shucuubta ku hoos nool.

Sida laga dhergsanyahay Isbaheysiga Turkiyaga iyo Qatar ayaa si weyn faraha ugula jira arimaha siyaasada Somaaliya iyagoo gacansaar siyaasadeed la leh,isla markaana awood dhaqaale,Siyaasadeed iyo mid mashaariic dibu dhis ah ku taageera maamulka iyo kooxaha siyaasadeed ee ka jira magaalada Muqdishu .

Sidoo kale ganacsiga ummada Somaaliyeed ayaa 100 % ku xiran sayladaha Sucuudiga iyo Imaaradka Carabta, isla markaana ah marinka kaliya ee soomaliya u furnaa mudada burburka ee dhan 27 ka sano,midaas ayaa soo dedejisay in shirkada DB World ee laga leeyahay dalka Imaaradka Carabta ayaa dhawaan heshiisyo maalgashi iyo balaarin la gashay dekedaha Bosaaso iyo Berbera ee maamulada Puntland iyo Somaliland,iyadoo sidoo kale ay hadda socdaan wadahadalo u dhaxeeya DB World iyo dekedaha Kismaayo iyo Baraawe.

Isku soo wada duuboo xaalada Soomaaliya ay ah mid mareysa ” Nin walbaa Awrkiisu Ha qaado ” madaama aaney jirin dan iyo masaaliix soomalinimo oo lagu mideysan yahay, maamul walba waxaa xil gaar ahi ka saaran yahay horumarinta nolosha dhaqaale iyo sugida aminga shacbigooda iyo degaanada ay ka taliyaan.

Puntlandi
Nairobi

You must be logged in to post a comment Login