|

Breaking News : – Natiijadii Doraashada Somaliland oo hadda lagu dhawaaqi doono iyo Mujaahid Muse Biixi oo ku guuleystay


Muse Biixi Cabdi

Gudiga doorashooyinka Madaxtinimo ee Maamulka Somaliland ayaa soo gabagabeeyey tirintii cododka iyo qancintii Musharaxiinta u tartameysay Xilka Madaxtinimo ee Maamulka Somaliland.

Daqiiqadaha soo soocoda ayaa waxaa gudiga doorashooyinku si rasmi ah ugu dhawaaqi donaan in Musharaxa Xisbiga talada ahaya ee Kulmiye Mujaahid Muse Bixi Cabdi-Dameer in loo doortay inuu noqdo Madaxweynihii 5aad ee mudada shanta sano ee soo socta hogaamin doona Maamulka Somaaliland.

WAA KUMA MUUSE BIIXI CABDI ?


Mujaahid Muse Biixi Cabdi

Muj. Muuse Biixi Cabdi waa siyaasi reer Soomaaliland ah, oo ka soo jeeda Beesha Isaaq, Habarawal, Sacad Muse, Jifada reer Guuraga ah ee Reer Samatar.

Muuse Biixi wuxuu ku dhashay duleeda Miyiga magaalada Hargeysa sannadkii 1948-dii. Wuxuu waxbarashadiisii hoose iyo sare ku soo qaatay magaalooyinka Hargeysa iyo Camuud. Intaas kaddib wuxuu waxbarasho dibadeed u tagay Midawgii Soofiyeeti ee Ruushku hoggaaminayay isagoo ka qalin jabiyay Akaddamiyaddii Djembe oo uu ku soo bartay hagidda diyaaradaha dagaalka. Sidoo kale, Muj. Muuse Biixi wuxuu waxbarasho u tagay carriga Maraykanka isagoo wax ka bartay Akaddamiyaddii Fort Lee ee Washington. Sannadkii 2010-kii Muuse Biixi wuxuu shahaadada heerka labaad ee xalinta khilaafaadka ka qaatay Jaamacadda Hargeysa.

Sannadkii 1985-tii Muuse Biixi wuxuu iskaga tagay shaqadii ciidamada, isagoo ku mid noqday Saraakiishii iyo Shacabigii Soomaliyeed ee xabada kala horyimid Taliskii Milatariga ahaa ee uu hogaamin jiray General Maxamad Siyaad Bare, iyadoo Gashaanle Muse Biixi ku biiray dhaqdhaqaaqii Wadaniga Somaaliyeed ee SNM.

Mudane Mujaahid Muse Biixi ayaa mudadii uu jiray maamulka Somaliland xilal Siyaasadeed oo kale gedisan ka soo qabtay, isagoo sannadkii 1993 Wasiirka Arimaha Gudaha ka noqday Xukumadii ugu horeysay ee Maamulkii Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, Wakhtigaas oo Gaashaanle Muse Biixi loo tiriyo inuu ka danbeeyey dagaaladii Sokeeye ee dhexmaray Beelaha Isaaq Sannadihii 1994 ilaa iyo 1997.

Mujaahid Muse Biixi ayaa tartanka doorashada uga guuleystay Musharax Cabdirixmaan Maxamed Cabdullaahi ( Ciro )oo ka tirsanaa Xisbiga Mucaaridka ee Wadani.

Dadka falanqeeya arimaha Siyaasada Somaalida ayaa aaminsan in Mujaahid Muse Biixi uu Madaxweynihii hore ee Siilaanyo uu ka dhaxli doono Maamuul ay ku xeeran yihiin duruufo aad u qalfsan, hadday ahaan laheyd dhinac Siyaasadeed, Mid Dhaqaale iyo Mid Bulshaba.

Sidoo kale Mujaahid Muse Biixi Cabdi oo hogaamin doona maamul Siyaasadeed oo sheegta in ay ka madaxbanaan yihiin Dalweynaha Somaliya, ayaa madaxtinimadisu ku soo aaday wakhti ka yar hal bil markii ay fashilmeen kooxihii gooni u goostadka ahaa ee Kurdiyiinta Ciraaq iyo kooxdii kale gooni u goosadka aheyd ee Catalonia ee reer Spain, taas oo rajadii icitaarafka Somaliland ka dhigtay mid quus ah.

Isku soo wada duubo waxaa muuqta in shacbiga reer Somaliland ay Mujaahid Muse Biixi Cabdi ku abaal mariyeen inuu madax u noqdo dalkii iyo dadkii uu halganka dheer uu u soo galay, naftiisa iyo maalkiisana uu u huray.

You must be logged in to post a comment Login