|

Breaking News : – Taliyihii Ciidanka Xoogga Dalka Jeneral Cirfiid oo Iscasilay


General Axmed Jimcaale ( Cirfiid )

Wararka Warbaahinta Puntlandi ka soo gaaraya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ayaa sheegay in Taliyihii Ciidanka Xogga Dalka Somaaliyeed General Axmed Jimcaale ( Cirfiid ) uu iska casilay xilikii uu Qaranka u hayey.

Ilo muhiim ah oo ku sugan Magaalada Muqdisho oo noo xaqiijiyey iscasilaad General Cirfiid ayaa ku sababeeyey iscasilaada Generaalku in ay salka ku hayso is fahmi waa iyo wadashaqeyn xumo uu Jananku kala kulmay Xafiiska Raisal Wasaaraha.

Iscasilaada Taliyaha Ciidanka ayaa ku soo aaday maalin kadib markii madaxda Maamul Goboleeda Dalku ku eedeyeen Maamaulka Farmaajo iyo Kheyr wadashaqeyn xumo iyo in ay wadanka burbur iyo colaadi sokeeye dib ugu celinayaan.

Iscasilaada General Cirfiid oo ka soo jeeda Beesha Habargidir ayaa mujineysaa inuu sii xoogeysanaayo xurguftii siyaasadeed ee u dhaxeysay Xukuumada Farmaajo iyo Siyaasiyiinta Beesha Habargidir

Wixii ka soo kordha iscasilaada General Cirfiid kala soco Puntlandi

You must be logged in to post a comment Login