|

Breaking News– Wafdi ka iman lahaa Muqdisho oo loo diiday iney Kismaayo yimaadaan

Warar hoose oo Puntlandi heleen ayaa sheegaya in Wafdi Wasiiro ka tirsan Dowlada Federaalka ay ka baaqdeen Safar ay Kismaayo ku imaan lahaayeen ka dib markii Jubbaland ay ka cududaarteen soo dhaweynta Wasiiradaan.

Wararka aan helnay wa xay sheegayaan in Wasiiradu ay qorsheynayeen inay ka qayb galaan Shirka Maamul Goboleedyada uga furmaya Kismaayo laakiin Ma aysan helin Casumaada Shirka.

Wasiiru Dowlada Arrimaha gudaha ee Dowlada Federaalka oo hogaamin lahaa wafdiga Kismaayo loo diiday ayaa tan iyo Shalay dhowr jeer wuxuu isku dayay in uu helo casumaada Shirka Kismaayo laakiin waxaa loo sheegey in shirku uu u dhexeeyo oo kaliya Madaxd Maamul Goboleedada.

Puntlandi
Kismaayo

You must be logged in to post a comment Login