abaaraha
|

Wasiir ku xigeenkii howlaha guud ee dowladda Puntland oo iscalisay

download-1

Wasiir ku xigeenkii wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka dowladda Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax (Dujaana) oo goor dhowayd shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu u hayay dowladda Puntland.

Wasiirka ayaa u sababeeyay is casilaadiisa arrimi shaqsiyadeed iyo culays kaga yimid xaga beeshiisa oo dalbatay inuu xilkaas iska casilayo sababo uu ku macneeyay cabashadii beeshu ka muujisay wax qeybsigii xubnaha aqal ka sare ee Puntland.

Wasiirku wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay intii uu lasoo shaqeeyay dowladda Puntland uuna xiriir wanaagsan la leeyahay madaxweynaha dowladda Puntland iyo xukuumadiisa, balse tilaabadaan uu u qaaday tixgelinta codsiga beeshiisa.

Wixii faahfaahin ah oo dambe kala socda Puntlandi.

www.puntlandi.com.

 

Comments are closed