|

Breaking– Qarax laga hor tagay Magaalada Bosaso

Ciidamada Amaanka Puntland ayaa qarxiyey Qarax la kashifey oo la ogaadey Magaalada Bosaso.

Waxyaabo laga sameeyey waxyaabaha Qaraxa oo la dhigtey meel u dhow Xarunta Xawaalada Amal ayaa Dad Shacaba ah ay arkeen waxayna durba wargaliyeen Ciidanka Amaanka kuwasoo markiiba soo gaaray goobtii.

Ciidanka ayaa xirey Nawaaxigii oo dhan, Waxayna meeshii ku qarxiyeen Bamkii, cidna Waxba Masoo gaarin

Qaraxa ayaa lala damacsanaa in Dad shacab ah lagu waxyeelo maadaama Goobta laga helay Waxyaabaha Qarax ay ku taalay Xawaalad tasoo bilowga bisha aad u mashquul ah.

Puntlandi.com
Bosaso

You must be logged in to post a comment Login